WORLD

Jadon Sancho oo ku Biiraya Manchester United: Dortmund ‘Bartilmaameedka Badalka’, Giggs Ayaa Aqbalay In uu  Dhaqaaqo”
WORLD

Jadon Sancho oo ku Biiraya Manchester United: Dortmund ‘Bartilmaameedka Badalka’, Giggs Ayaa Aqbalay In uu Dhaqaaqo”

Waa kuwan wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan raadinta United ee Sancho, oo ka socota MEN iyo meelo kale: MEN: Maxaa United lagu wargalin doonaa haddii Dortmund ay dalbato Depay si ay u badasho Sancho United ayaa lagu wargalin doonaa haddii Borussia Dortmund ay dalab rasmi ah u gudbiso Memphis Depay inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga. Depay wuxuu guul ka helay Lyon tan iyo markii uu ka tegay United, kooxduna waxay ku iibsatay qandaraas dib-u-iibsasho ah iyadoo qayb ka ah heshiiska £ 16 milyan oo giniga ah ee uu ugu dhaqaaqay Faransiiska. Taasi waxay la micno tahay in United la siin doono fursad ay kula soo saxiixato Depay haddii koox ay xafiiltan ka yihiin ay soo bandhigaan isaga. Waxaa weriyay jariirada Jarmalka ka soo baxda ee Bild isbuucii hore in Depay uu diirada u saaran...
Soomaaliya oo Shuruud Ku Soo Rogtay Dadka Dalka Soo Galaya
WORLD

Soomaaliya oo Shuruud Ku Soo Rogtay Dadka Dalka Soo Galaya

MUQDISHO —  Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa shuruudo kusoo rogtay dadka soo galay dalka ee ka imanaya dibedda, kadib markii dowladda ay shaacisay in dib loo furay duulimaadyada caalamiga ah. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 30-kii July sheegay in in dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah laga billaabo 3-da bisha August oo ku beegan maalinta Isniinta ah. Qoraal ay soo saartay hay’adda socdaalka ayey ku sheegtay in dadka dalka soo galaya laga doonayo inay haystaan shahaado caafimaad oo muujineysa inay iska baareen cudurka COVID-19, oo laga waayey. “Socdaale kasta oo dalka soo galaya waxaa laga doonayaa in uu haysto shahaadada caddeyneysa in uusan qabin caabuqa COVID19 uuna qaatey ugu badnaan 72 saacadood ka hor safarka (COVID19 negative Certificat...
Pochettino: Maya Uma Qoomameeynayo  Real Madrid Anigoo Filayay In,ay Spurs Ka Taageero Badan Tahay
WORLD

Pochettino: Maya Uma Qoomameeynayo Real Madrid Anigoo Filayay In,ay Spurs Ka Taageero Badan Tahay

GOAL Tababaraha reer Argentine ayaa iska diiday fursad uu ku aadi Bernabeu 2018 si uu ula sii joogo kooxda reer London ee Tottenham. Mauricio Pochettino ayaan ka qoomameyneynin go’aankiisa ah inuu sharfo qandaraaskiisa Tottenham isla markaana uu iska fogeeyo Real Madrid 2018, laakiin wuxuu muujiyay jahwareer ka dib markii uu arkay inuusan 'taageero' ka haysan guddiga Spurs. Pochettino ayaa shan sano la qaatay Spurs ka dib markii uu kaga soo biiray kooxda Southampton sanadkii 2014 wuxuuna kooxda u beddelay afarta koox ee ugu sareysa Premier League iyo kuwa u soo baxa Champions League. Laakiin bilow adag oo xilli ciyaareedkii 2019-20 ayaa horseeday in shaqada laga ceyriyo bishii November ee sanadkii hore, iyadoo Spurs ay keentay inuu Jose Mourinho bedelo. Pochettino wuxuu h...
Ciidanka Dowladda oo Sheegay In,ay Dileen Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab
WORLD

Ciidanka Dowladda oo Sheegay In,ay Dileen Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaanka Koban oo hoostaga degmada jamaame ee Gobolka Jubada hoose. Howlgalka ayaa ciidanka waxeey ku dileen Sarkaal la sheegay inuu Shabaab u qaabilsanaa Maaliyada gobolka Jubada hoose kaasi oo lagu  magacaabiisa lagu sheegay Cali Garwayne iyo xubnola socday, sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin Taliyaha ayaa sidookale tilmaamay in ciidanka sidookale ay wadada udhexeeysa jamaame iyo Kismaayo  kasoo saareen miinooyin ay wada galiyeen Al-shabaab kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka isticmaala wadadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. G/le Ismaaciil ayaa sheega...
Arsenal oo laba guul u soo hoyatay kaddib karbaashii Chelsea
WORLD

Arsenal oo laba guul u soo hoyatay kaddib karbaashii Chelsea

Gooldhaliyaha reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang ayaa mar kale ka dhabeeyey mucjisada ciyaareed ee uu ku soo bandhigayo garoonka Wembley ka dib markii kooxdiisa Arsenal uu ka caawiyey inay ku guulaysto koobkii 14-aad ee tartanka FA Cup-ka ee ugu faca weyn aduunka, ka dib guul 2-1 ah oo ay ka garaacday naadiga Chelsea. Chelsea ayaa ciyaarta hoggaankeeda qabatay shan daqiiqo gudahood iyadoo kubad qurux badan oo ay isku dhiidhiibeen kooxda dharka buluuga ugu dambeyntii uu lugta la helay weeraryahanka Ameerikaanka u dhashay Christian Pulisic, laakiin waxay la hayste iyo dhibane u noqdeen wacdaraha. Aubameyang,kaasi oo ahaa halyeeyga Arsenal ee ciyaartan iyo tii ka sii horreysay ee ay ku soo gaareen heerkan oo laba gool oo uu dhaliyey kaga soo guulaysteen Manchester City, kulankii afar ...
Madasha Xisbiyada oo ku tilmaamay Xukuumadda hadda jirta “Xukuumad Xil-Gaarsiineed
WORLD

Madasha Xisbiyada oo ku tilmaamay Xukuumadda hadda jirta “Xukuumad Xil-Gaarsiineed

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray war saxaafadeed ay kaga fal celinayaan go’aankii Xukuumadda xilka sii heysa ay ku ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana ay ku tilmaameen tallaabadaas mid aanay sharci aheyn Madasha ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay tallaabooyinka sharci darada ay ku dhaqaaqday Xukuumadda xil gaarsiinta oo ay ku magacabaeen Hey’addo dastuuri ah sida Guddiga adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay in Xukuumadda hadda jir ay tahay Xukuumad Xil-Gaarsiineed, isla markaana aanay laheyn awood sharciyeed ay ku qaadan karto go’aano masiiri ah ay ku meel gaari karto Guddi dastuuri ah oo horay magacaabistiisii looga gaabiyay. Madasha ayaa uga digtay Madaxweyne Farmaajo in uusan soo saarin warbixin...
Kooxda Shabaab oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Khilaafka DFS iyo Xil Ka Qaadistii Kheyre
WORLD

Kooxda Shabaab oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Khilaafka DFS iyo Xil Ka Qaadistii Kheyre

 Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya u dhaxeeya ee sababay in xilka laga qaado Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa farriin maqal ah oo uu soo duubay kaga hadlayay Hambalyada Ciidda iyo xaalada guud ee dalka wuxuuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre ay ku kala tageen waxa uu ugu yeeray “La dagaalanka diinta allaah oo ay heshiis ku ahaayeen”. Cali Dheere ayaa tilmaamay in wax badan ay bulshada u sheegayeen inay dalkooda u daneynayaan, balse maanta uu soo baxay wajigooda dhabta ah iyo nin kasta danihiisa. La dagaalanka diinta allaah oo ay heshiis ku ahaayeen kama dheefin wax aan is khilaaf iyo kala carar aheyn, wax badan bulshada u sheegayeen dad dalkooda ...
Wax Ka Ogoow Ujeedada Socdaalka Wafdiga Shiinaha Ee Tagay Somaliland
WORLD

Wax Ka Ogoow Ujeedada Socdaalka Wafdiga Shiinaha Ee Tagay Somaliland

HARGEEYSA- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta oo sabti ah waxaa gaaray Safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee Qin Jian iyo wafdi uu hoggaaminayay. Ilo diblomaasiyaddeed oo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Danjire Qin lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysan, isla markaana loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda. Sidoo kale Safiirka ayaa inta uu ku sugan halkaas waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo la xusay inuu kala hadli doono Arrimo kala duwan oo dhinaca diblomaasiyadd ah. Socdaalka safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu ku tegay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, iyadoo dhawaan ay xiriir cusub wada bilaabeen Somaliland iyo Dalka Taiwan ee ku yaalla Wa...
Dab Khasaaro Geeystay oo Cagta Mariyay Dhul-Beereed Ku Yaalla Mudug
WORLD

Dab Khasaaro Geeystay oo Cagta Mariyay Dhul-Beereed Ku Yaalla Mudug

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dhul-beereed ku yaalla halkaas uu qabsaday dab xoogan oo geystay Khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Dabkaas ayaa waxaa uu sigaar ah u qabsaday dhul-beereed ku yaalla deegaanka Ceel-ducaale oo hoostaga Magaalada Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana dabkaas uu yahay mid weli socda oo aan la demin, mana jiro gurmad halkaas gaaray Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dabka uu ku geeriyooday hal ruux oo goobta ka Agdhawaa, waxaana sidoo kale jiro Khasaaro uu dabka u geystay dhul-beereed, iyadoo qiiq iyo uuro hawada sare laga arkayo. 20-ka bishii lasoo dhaafay ee Luuliyo ayay aheyd markii sidaan oo kale uu dab xoogan u qabsaday dhul beereed ballaaran oo ku yaalla deegaanka Wisil ee Gobolka Mudu...
Xoghayaha Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo Sharci darro Ku Tilmaamay Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka
WORLD

Xoghayaha Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo Sharci darro Ku Tilmaamay Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka

Xoghayaha Ururka Qareenada Soomaaliyeed Garyaqaan Daahir Maxmed Cali (Carab) ayaa ku tilmaamay sharci darro magacaabida xubnaha golaha adeegga garsoorka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Qoraal uu soo saaray xoghayaha ururka Qareenada Soomaaliyeed ayuu ku sheegay sababaha uu magacaabistan ku yahay sharci darro. Isaga oo ku bilaabay 30/7/2020, waxaa la shaaciyey in Xukumadda xilka siihaysa ay magacawday 5 Xubnood oo ka mid noqon doono Xubnaha Golaha adeegga garsoorka! magacaabistaas waxa ay baalmarsantahay Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka sababaha soo socda awgood Ugu horrayntii golaha wasiirradu waxa uu soo jeedin karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka, labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed, sida ay qabto farqadda labaad ee q...