WORLD

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho Kulan Kula Qaatay Waxgaradka Kasoo Jeeda Galmudug
WORLD

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho Kulan Kula Qaatay Waxgaradka Kasoo Jeeda Galmudug

Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  qoorqoor ayaa Munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed casuumaad u sameeyey qaar kamid ah siyaasiyiinta, ganacstada, iyo waxgaradka ku dhaqanka Gobolka Banaadir ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  qoorqoor oo muqdisho soo gaaray maalin kadib markii LA casiay raysilwasaare qayre ayaan wali ka hadlin ujeedada socdaalkiisa
Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo Maanta Xoola Loo Qalay
WORLD

Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo Maanta Xoola Loo Qalay

Qaar ka mid ah mas’uuliyyinta dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe kala qayb qaatay maalinta koowaad ee ciidul Adxadaaga. Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir Maxamed axmed Cismaan,Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan, Waxaaa ku wehliyay booqashada Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda  Xasaan Xuseen Xaaji iyo Xildhibaan Cali Ganeey oo ka mid ah Guddiga Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Golaha Shacabka waxayna ku wareejiyeen Taliyaha Ciidanka Aslubta Soomaaliyeed General Mahad Maxaabiista ayaa loo sameeyay munaasabad gaar ah, waxaana loo qalay xoolo, iyadoo mas’uuliyiinta halkaas gaaray ay wadeen xoolo ka kooban Geel iyo Adhi. Madaxda oo la Hadlay maxabiiista ayaa la wadaagay farxadda Ciidd...
Guddoomiyaha Xisbiyada Qaran Oo Hambalyo U Diray Shacabka Soomaaliyeed
WORLD

Guddoomiyaha Xisbiyada Qaran Oo Hambalyo U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Madasha Xibiyada qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciidul Adxada . Shariif ayaa ugu baaqay bulshada in ay farxadda iyo isku marxabeyntooda la wadaagaan eheladooda iyaga oo ilaalinaya caafimaadka guud maaddaama uu jiro  caabuqa Covid19, waxana bulshada uu ku boorriyay in ay qaataan talooyinka caafimaadka ee hay’adaha caafimaadka ay soo jeediyeen. Guud ahaan dalka ayaa maanta waxaa looga dabbaal dagay munaasabadda Ciidul Adxaaga oo maamnta ay tahay maalinteda kioowaad, waxaana gobalada dalka iyo Mgalaada Muqdisho ee Caasimadda dalka si weyn looga dareemay farxadda ciidda
Somalia will lose $500 million this year as its livestock misses out on Hajj to Saudi Arabia
WORLD

Somalia will lose $500 million this year as its livestock misses out on Hajj to Saudi Arabia

By Abdullahi Yussuf Millions of livestock from Somalia have been shipped to Saudi Arabia for the annual Muslim pilgrimage to the holy city of Mecca over many decades to feed some two million pilgrims from around the world. Livestock export during Hajj season is a lucrative business and is estimated to earn Somali livestock traders up to half a billion dollars a year. But this year, Somalia’s goats and sheep will not join the pilgrimage because Hajj has effectively been cancelled by Saudi authorities due to the Covid-19 pandemic—only a limited number of locals are allowed to attend Hajj. It leaves the Somali livestock industry at a crossroads and will likely lead to tens of thousands losing their livelihoods. Livestock traders, as well as herders, are suffering becau...
Dowladda Soomalia oo Sheegtay Xilliga Dib Loo Furayo Duulimaadyadii Diyaaradaha”
WORLD

Dowladda Soomalia oo Sheegtay Xilliga Dib Loo Furayo Duulimaadyadii Diyaaradaha”

MUQDISHO —VOASOMALI Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u fureyso duulimaadyada caalamiga ah iyo dhammaan adeegyadii kale ee bartamihii bishii March loo joojiyey cudurka COVID-19 dartiis. Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri “Golaha wasiirrada JFS ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona.” Sida lagu sheegay qoraalka, shirka ayaa lagu shaaciyay in duulimaadyada heerka caalami ee dalka dib loo billaabayo 3-da Bisha August ee 2020. Dawladda Soomaaliya ayaa horey dib ugu billowday duulimaadyadii gudaha 5-tii July. Golaha Wasiirada waxa uu sidoo kale ogolaaday in Iskuullada iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo 15-ka August 2020, kadib bilooyin...
Stella Immanuel – Dhakhtaradda Ku Doodaysa In Daawo Aan La Hubin Lagu Dabiibo Corona Virus
WORLD

Stella Immanuel – Dhakhtaradda Ku Doodaysa In Daawo Aan La Hubin Lagu Dabiibo Corona Virus

BBC SOMALI Dr Stella Immanuel Sidoo kale aa wadaad Masiixi ah, waxayna aasaastay kaniisad ku taalla Houston. Stella Immanuel, oo ah dhakhtarad hadalkeeda uu muran badan dhaliyay, taa oo sheegtay in dawo aan wax tarkeeda la hubin oo halis keeni karta looguna talo galay dawaynta duumada.Waxay ku doodeysaa in dawadan lagu dawayn karo fayraska Covid-19, waxaana cad in tani aanay ahayn markii ugu horraysay ee muran noocan ah ay dhaliso. Facebook iyo Twitter ayaa shabakadahooda ka saaray muuqaal laga duubay dhakhtaradda, waxayna sheegeen in uu xad gudub ku yahay qawaaniintooda oo uu yahay mid xog aan sugnayn dadka loogu soo tebinayo. Laakiin intaan muqaalkaa laga saarin shabakadahaas ayaa Donald Trump iyo mid inamadiisa ka mid ahi ay sii faafiyeen. Madaxweynaha Maraykanku wuxuu ku d...
Xasa Shiiq”Ma,jirin Wax Fariin Ah oo uu Noo Siday Ama Aan U Dhiibnay Guddoonka Baarlamaanka
WORLD

Xasa Shiiq”Ma,jirin Wax Fariin Ah oo uu Noo Siday Ama Aan U Dhiibnay Guddoonka Baarlamaanka

MUQDISHO- Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh maxamuud oo war kasoo Saaray Kulankii Ay La Qaateen Guddoonka Golaha Shacabka ayaa hoosta ka xariiqay In uu ahaa mid aan sii qorsheeysneeyn oo aan lahayn ajande siyaasadeed. Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xassan SHiikh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Guddoonka Golaha shacabka iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran kaas oo qabsoomay 28 bishan. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax ajende siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajende ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka. Madaxweyne Xassan Shee...
Xildhiban C/qaadir Cosoble oo Xusulduub Ugu Jira Xilka Raysilwasaraaha
WORLD

Xildhiban C/qaadir Cosoble oo Xusulduub Ugu Jira Xilka Raysilwasaraaha

MUQDISHO- Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays ayaa Muqdisho ka bilaabay olole uu ku doonayo xilka Ra’iisul Wasaare. Kulan xalay ka dhacay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa la sheegay in Xildhibaan C/qaadir Cosoble uu ku soo bandhigay damaciisa xilka Ra’iisul Wasaare, una bandhigay xubnaha duubabka dhaqanka Beesha, sidii xilkaas loogu raadin lahaa, maadaama xilka Ra’iisul wasaare uu yahay mid awood qeybsi ah oo Beelaha hawiye ka imaan doono. C/qaadir Cosoble oo hore oo xilka madaxweynaha kula taramay Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho ka wada shirar ay ku wehliyaan xubno ka tirsan xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana socda galaangal loogu jiro in Madaxweyne Farmaajo lagu qanciyo inuu xilka Ra’iisal wasaraha u magacaabo musharaxan. Inkastoo Mada...
Dowlada Soomaaliya & Taliska AFRICOM Ayaa Si, Gaar,gaar Ah Uga Hadlay Duqeyn Dad Rayid Ah Lagu Dilay   oo Ka Dhacday Dagamada Jilib
WORLD

Dowlada Soomaaliya & Taliska AFRICOM Ayaa Si, Gaar,gaar Ah Uga Hadlay Duqeyn Dad Rayid Ah Lagu Dilay oo Ka Dhacday Dagamada Jilib

Dowlada Soomaaliya iyo taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa si kala gaar gaar ah uga hadlay duqeyn maanta ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe. Duqeyntan ayay ku sheegeen in lagu bartilmaameedsaday xarun uu ururka Al-Shabaab ku lahaa meel ku dhow degmada Jilib laguna diley mid kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab halka mid kalana lagu dhaawacay. “Duqeyntan ayaa lagu dilay hal (1) ka tiran xagjirka Alshabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero ciidan oo ay Alshabaab ku lahaayeen goobtaa.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya. Hase yeeshee dowlada Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM ayaa qirey inay soo gaartay warar sheegaya in dad rayid ah ay duqeyntaa wax ku noqdeen, balse ay baaritaan ku sameyn doonaan. ...
Maxkamadda Gobolka Banaadir Ayaa Xukun ku Ridday Wariye C/casiis Gurbiye
WORLD

Maxkamadda Gobolka Banaadir Ayaa Xukun ku Ridday Wariye C/casiis Gurbiye

MUQDISHO — Voasomal Suxufiga Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha idaacadda Goobjoog ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay ku xukuntay lix bilood oo xarig ah iyo shan milyan oo shilin oo ganaax ah. Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta idaacadda Goobjoog, maxkamadda ayaa xukunka u cuskatay xeerka ciqaabta Somaaliyeed ee 1964-tii, waxaana lagu eedeeyey inuu faafiyey warar aan run ahayn. Goobjoog waxay sheegeen in xukunku uu la xiriiray war-tebin u saabsan maaraynta COVID-19. Cabicasiis Gurbiye ayaa beeniyey eedaha loo jeediyey. Ururrada u dooda xuquuqda saxafiyinta ayaa cambaareeyey xukunkaas oo ay ku timaameen mid xadgudub ku ah xorriyatu qowlka.