WORLD

Caa’isha Silvia Romano: Sababaha Aan ku jeclaaday Diinta Islaamka, I,tusayna in Qur’aanku yahay Kalaamka Alle “
WORLD

Caa’isha Silvia Romano: Sababaha Aan ku jeclaaday Diinta Islaamka, I,tusayna in Qur’aanku yahay Kalaamka Alle “

Bbcsomali Silvia Romano ayaa dib loogu celiyay Taliyaaniga Caa'isha Silvia Romani ayaa bixisay wareysigii ugu horeeyay. Gabadhan u dhalatay Taliyaaniga waxaa bishii November ee 2018-kii laga afduubtay Kenya, waxaana la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay ku haysteen gudaha Soomaaliya. Waxaa la soo daayay Bartamihii bishii May ee sannadkan oo dib ay ugu noqotay dalkeeda Taliyaaniga. Diyaarad gaar ah ayaa ka soo qaaday Magaalada Muqdisho. Caa'isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada. Markii ay yareyd waxay sheegtay inay "fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in...
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goordhow Furmay
WORLD

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goordhow Furmay

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo looga hadlayo laba Ajende. Kulanka oo ah midkii 20-aad Kalfadhiga 7aad ee Golaha ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa Kowoaad iyo labaad ee C/weli Muudey iyo Mahad Cawad. Ajendaha Kulanka ayaa kala ah. Akhrinta koowaad Hindise-sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka Burcad-Badeedka iyo ka hortaga af duubka ee Sharciga LR. 36 April 1975. 2-Akhrinta 2aad ee dib u  eegista Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2020. Golaha wasiirrada Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre  ayaa 31-kii octobar ee sanadkii tagay ee 2019 kii cod aqlabiyad leh ku...
Prof. Xasan Iimaam “Farmaajo wuxuu Rabaa In fashil Dhamaantiis   uu Kheyre U Sariyo
WORLD

Prof. Xasan Iimaam “Farmaajo wuxuu Rabaa In fashil Dhamaantiis uu Kheyre U Sariyo

Prof. Xasan Sheekh Cali (Iimaam) oo wax ka dhiga mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo haddii uu 20 sano uu joogo aanu dalka ka qaban karin doorasho hal qof iyo hal cod Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aanu ogoleyn in siyaasaddu inay tahay shirko oo lagula tartami karo, taas bedelkeed uu aaminsan yahay in siyaasad lagu kala adkaado. “Madaxweyne Farmaajo 20 sano hadduu joogo doorasho hal qof iyo hal cod dalkaan kama qaban karo, doorasho yaa qabto doorasho waxaa qabto qof marka hore ogol siyaasaddu inay tahay shirko aniga iyo adiga aan tartami karno, kitaabka Madaxweyne Farmaajo kuma taalo in la tartamo, waxaa ku taallo in lagu kala adkaado”ayuu yiri Prof. Xasan Iimaam. Sidoo kale waxaa uu sheegay in markii xilka laga qaadayay Ra’iisul Wa...
Jawaab Noocee Ah Ayay Ka Bixisay   Dowalada Somalia Eedeeymaha Uga Imanaya  Beesha Caalamka ?
WORLD

Jawaab Noocee Ah Ayay Ka Bixisay Dowalada Somalia Eedeeymaha Uga Imanaya Beesha Caalamka ?

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cambaareyn uga timid qaar kamid xubnaha beesha caalamka, kuwaas oo sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabkii kalsoonida looga la noqday xukuumaddii uu hogaaminayay ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre Shirka golaha wasiirada oo uu shir gudoominayay sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa looga hadlay hadaladii kasoo baxay Mareykanka iyo Midowga Yurub. “Golaha wasiirada waxay bogaadiyeen taageerada beesha caalamka ay marwalba la garab taagan tahay dowladda federaalka, haddana dhinaca kale waxay golaha wasiirada ay safiirada iyo dowladaha aan saaxiibka nahay ka codsadeen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, dastuurka iyo go’aamada hey’adaha dastuuriga ee dowladda”, ayuu yiri wasiirka war...
Hogaanka Madasha Xisbiyada Iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo Kulan Xasaasi Yeeshay
WORLD

Hogaanka Madasha Xisbiyada Iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo Kulan Xasaasi Yeeshay

Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan uga socdaa Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ee Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo ku-xigeenkiisa C/weli Muudey. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulankaas uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin, isla kaarkaana dhinacyada ay uga wada hadlayaan Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka HORMUUD TELCOM ISGAARSIINN LA HUBO Kulanka u dhexeeya Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa labaad Muudey ayaa waxaa la tilmaamay inuu la xiriiro sidii Madaxdii hore ee dalka ula kulmi lahaayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hoggaanka Madasha Xisbiyada ayaa dhowr jeer kulam...
Guardiola” Wuxuu Raadinayaa Gool,dhaliyaha Reer Spain
WORLD

Guardiola” Wuxuu Raadinayaa Gool,dhaliyaha Reer Spain

Manchester City ayaa lagu wadaa inay xagaagan lala xariirinayaa magacyo kala duwan iyadoo Pep Guardiola uu u muuqdo mid sii xoojin doona ka hor inta uusan xirmin farqiga u dhexeeya Liverpool xilli ciyaareedka soo socda. Warar xan ah ayaa soo jeedinaya in Ferran Torres uu ka mid yahay ciyaartooyda City liiska ugu jira . kooxda ka dhisan Etihad ay raadineyso inay ka faa’ideysato suuqa iyagoo ku soo jiidanaya ciyaaryahanka reer Spain qiimo ka yar qiimahiisa saxda ah. Torres waa 20 sano jir, wali wuxuu qandaraas kula jiraa Valencia ilaa sanadka 2021 inkastoo Valencia ay haysato dhibaatooyin dhaqaale. City waxaay caan ku ahayd goolal dhalinta oo lagu calaamadiyey inay yihiin kuwa qas-wadayaal ah, waxayna kuwaasi ka soo jeedaan sida ay ciyaartoygu Guardiola ugu dhaqaaqaan dhanka gool...
Beesha Caalamka oo soo saartay Digniin ku socota Soomaaliya
WORLD

Beesha Caalamka oo soo saartay Digniin ku socota Soomaaliya

MUQDISHO —  Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maalintii Sabtida. Baarlamanka ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasi oo isna saacado kadib sheegay inuu iscasilay. Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay rajo ka qabto inay dhacdooyinkaas aysan wiiqi doonin “dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.” Saaxiibada Soomaaliya ...
Sweden oo muujisay wel-welka ay ka qabto is bedeladii ka dhacay Soomaaliya
WORLD

Sweden oo muujisay wel-welka ay ka qabto is bedeladii ka dhacay Soomaaliya

Dowladda Sweden ayaa muujisay wel-welka ay ka qabto is bedeladii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Wasiirada Arrimaha Dibadda Sweden Ann Linde ayaa codkeeda ku biirisay walaaca Beesha Caalamka ee sida is-daba jooga isu soo taraya oo ku saabsan tallaabadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay xilka uga tuureen Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre “Sweden waxay wel-welka la wadaageysaa Midowga Yurub, isbeddeladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Soomaaliya. Waxay muhimaddu tahay wadahadal loo dhan yahay in uu sii socdo laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb”ayay tiri qoraal kooban oo barteeda Twitterka soo dhigtay. Sweden ayaa ah dalka labaad ee Midowga Yurub ee bixiya dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa ...
C/weli Gaas “Wixii Baarlamaanka ka dhacay waa wax laga soo shaqeeyay oo shirqool u eg”
WORLD

C/weli Gaas “Wixii Baarlamaanka ka dhacay waa wax laga soo shaqeeyay oo shirqool u eg”

Madaxweynihii hore ee Puntland horayna u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in wixii ka dhacay Baarlamaanka Sabtidii la soo dhaafay uu ahaa wax aan sharciga waafaqsaney C/weli Gaas ayaa sheegay in la baal maray xeer hoosaadkii iyo nidaamkii la rabay in loo maro haddii Ra’iisul Wasaare mooshin laga keenayo ama la dhaliilayo oo aheyd in isaga fursad la siiyo oo uu hadlo, isna dhifaaco, balse taas aysan dhicin. “Waxaa moodaa wax laga soo shaqeeyay oo la soo abaabulay oo sidii shirqool u eg inay aheyd wax sax ah ma aheyn nidaamka dowladnimada ku haboon aniga ilama ahan baarlamaanka taariikh xumo ku tahay mooyaane, wax hadda ay Ra’iisul Wasaaraha ay u dhintan ma jiraan”ayuu yiri C/weli Gaas...
Qadkii Internet-ka          K/Somalia oo Dib   Soo Laabtay
WORLD

Qadkii Internet-ka K/Somalia oo Dib Soo Laabtay

MUQDISHO- Waxaa dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka oo in ka badan 30 saacadood ka maqnaa gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dareemay maqnaanshaha Adeega Internet-ka oo hawada laga waayey barqanimadii shalay. Internet-ka oo intiisa badan ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta Somtel, Hormuud iyo Somnet ayaa mar kaliya go’ay shalay barqadii, waxaana la sheegay inay cilad ka dhacday dhinaca fiilada Fiber optica ee badda dhex-taalla. Mudada uu go’naa qadka internet-ka ayaa waxaa uu saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Shirkadaha, Xafiisyada dowlada, Xawaaladaha, iyo meelo kale, waxaana meesha ka baxay xiriirkii shacabka ee baraha bulshada, w...