WORLD

Madaxweyne Waare oo Muqdisho Soo Gaaray
WORLD

Madaxweyne Waare oo Muqdisho Soo Gaaray

MUQDISHO- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Waare iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaano kamid ah kuwa Hirshabeelle, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale. Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Madaxweyne Waare ee Muqdisho uu yahay mid la xiriira Arrimo siyaasadeed iyo in kulamo kala duwan uu la qaadan doono Madaxda dowladda Federaalka. Waare ayaa Maanta waxaa Magaalada Muqdisho uga soo horreeyay Madaxeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo siweyn loo soo dhaweeyay, wuxuuna Ujeedkiisa uu ku sheegay inuu yahay in uu kulamo l...
Wasiir Canshur “Waxba Kama Jiro Wararka Sheegaya In Siyaasad Loo Jaray Internetka
WORLD

Wasiir Canshur “Waxba Kama Jiro Wararka Sheegaya In Siyaasad Loo Jaray Internetka

MUQDISHO Iyada oo ay jirto hadal heynta ah in siyaasad  loo jaray Internet ka ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay wasiirka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta cabdi canshuur Waxa uu sheegay in ay tahay cilad dhacday oo lagu gudajiro sidii lagu xalin lahaa Hadalkan ayuu ku sheegay wareysi uu siiye Tvga Qaranka wasiirka canshuur Shacab ayaa ilaa hada isweydiinaaya sababta rasmiga ee ka dambeysa Internet laanta iyada oo ay qaar kood kuu sheegayaan in hab siyaasad loo jray inkastoo dowlada gaar ahaan wasaarada boostada iyo isgaarsiinta waxba kama jiraan ku tilmaamtay
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ku Baaqay Shirweyne Qaran oo lagu Badbaadinayo Dalka
WORLD

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ku Baaqay Shirweyne Qaran oo lagu Badbaadinayo Dalka

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warasme oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay qatar uu sheegay inay dalkaan ku yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Kooxdiisa Ra’iisil Wasaare Xasan Cali Kheyre  isagoo ku baaqay shir Qaran. C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay Madaxda maamul gobolleedyada, saamileeyda siyaasadda, Aqalka Sare iyo bulshada rayidka inay laga wadatashto aayaha dalka iyo xaaladda uu ku jiro. “Waxaan  umadda Soomaaliyeed u sheegeeynaa in Madxaweyne Farmaajo dib u heshiisin rabin, inuu nabadda ka shaqeeyo rabin, in uusan doorasho rabin, rabana wada kasta uu kursiga ku joogi karo ku joogo”  ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur isagoo uga digay  qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada inaysan `Madaxweyanah ku garab istaagin tallaabooyin uu ku tilmaamay i...
Madaxweyne Qoor,qoor oo  Muqdisho Ka Dagay
WORLD

Madaxweyne Qoor,qoor oo Muqdisho Ka Dagay

MUQDISHO Madaxweynaha galmudug Axmed Qoorqoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Socdaalkiisa ayaa ah kii u horreeyay ee uu Muqdisho ku yimaado tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug bishii Febraayo ee sanadkan. Wararka qaar ayaa sheegaya in safarkiisa Muqdisho uu la xiriiro arrimo caafimaad, iyadoo lagu wado inuu Turkiga u ambabaxo dhowaan. Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa la filayaa inuu Madaxtooyada Villa Somalia kula kulmo Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku saabsan is bedelka siyaasadeed ee dalka ku soo kordhay, gaar ahaan xil ka qaadist...
Midowga Yurub oo Walaac Ka Muujiyay Riditaanka Xukuumaddii Kheyre
WORLD

Midowga Yurub oo Walaac Ka Muujiyay Riditaanka Xukuumaddii Kheyre

Josep Borrell, Madaxa arimaha dibedda iyo ammaanka ee Midowga Yurub. Madaxa arimaha dibedda iyo ammaanka ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in hannaankii uu Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya u maray kalsooni kala laabashada xukuumadda ra'iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu ahaa "mid aan buuxin shuruudaha dastuuriga ah". Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay waxbadan u dhiman yihiin marka laga hadlayo doorasho ay shacabka u codeeyaan madaxdooda, inta xilligaasi laga gaaranaya ay hogaamiyayaasha siyaasadda dalka mas'uuliyad ka saaran tahay siyaasad qaran oo is ogol ku dhisan. "Midowga Yurub waxa uu si taxadar leh u dersi doonaa wixii Sabtadii dhacay, cidda mas'uulka ka ah iyo inta ay xaaladdaasi Soomaaliya ka weecin karto horumarka ay sameynayso," ayuu yiri Borr...
Man United iyo Chelsea Ayaa Xaqiijiyay Boosaskooda Champions League
WORLD

Man United iyo Chelsea Ayaa Xaqiijiyay Boosaskooda Champions League

Man United iyo Chelsea Ayaa Xaqiijiyay Boosaska Champions League Markii guulo Ay Gaareen kulamadii Ugu dambeeyey ee Premier League Manchester United iyo Chelsea ayaa shabaqa soo taabtay ka dib markii labada kooxood ay badiyeen kulamadoodii ugu dambeeyay xilli ciyaareedka si ay u xaqiijiyaan booskooda afarta sare. Natiijooyinka axadan, United iyo Chelsea ayaa ku biiri doona kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool iyo kaalinta labaad ee kooxda Manchester City oo Champions League xilli ciyaareedka soo socda, aadi doona . iyadoo Red Devils ay qarka u saaran tahay inay ku soo laabtaan tartanka ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta lixaad xilli ciyaareedkii hore. Dhanka kale, Leicester City iyo Tottenham ayaa ku sii jeeda Europa League ka dib natiijooyinkooda axada, iyad...
Hormuud Telecom oo Sanadkii 2aad Bixinaysa Deeq Waxbarasho
WORLD

Hormuud Telecom oo Sanadkii 2aad Bixinaysa Deeq Waxbarasho

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa deeqo waxbarasho oo heer jaamaceed ah siinaysa sanadkii labaad ardayda Soomaaliyeed, ee kasoo qalin-jebisay Dugsiga Sare. Bilowga sanadkii 1aad ee barnaamijka deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa waxaa is qortay 600 oo arday, waxayna 192 ka mida u suurtagashay inay imtixaanka tijaabada u fariistaan, waxaana laga xushay 30-kii arday ee ugu dhibcaha badnaa. Ardayda ku guuleysta imtixaanaadka tijaabada ee laga qaado ayaa waxay fursad u hellaan inay wax ka bartaan jaamacadaha dalka ku yaala, iyadoo qarashka iyo tashiilaadka ay u baahan yihiinba, ay dusha u ridato Hormuud Telecom, mudada afarta sano ee heerka 1aad, ee ay waxbarashada jaamacadda ku guda jiraan. Waxaa sidoo kale la siin doonaa ardayda Courses iyo tababaro ku saabsan kuliya...
Mareykanka oo Ka Horyimid Xilka Qaadistii RW Kheyre Walaacna Muujiyay
WORLD

Mareykanka oo Ka Horyimid Xilka Qaadistii RW Kheyre Walaacna Muujiyay

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay talaabo ka qaadeeyso waxay ugu yeertay qaswadayaal waxyeelayanaya dawladnimada Soomaaliya Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aankii kalsoonida ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ugala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aankii kalsooni kala noqoshada Ra’iisul Wasaare Kheyre ay aad uga xun tahay, islamarkaana arrintaas ay korseedi korto amni darro iyo qalqal ku yimaada arrimaha siyaasada dalka. Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in habraac qadlan loo maray xilka qaadistii Kheyre, taasina ay dib u dhac u keeni karto taageerada dowladda Mareykanka ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya ...
Paul Pogba Waxa uu Ku jahwareeray Qorshaha  Suuqa Kala iibsiga Man United
WORLD

Paul Pogba Waxa uu Ku jahwareeray Qorshaha Suuqa Kala iibsiga Man United

Mustaqbalka Paul Pogba wuxuu muhiim u yahay qorshaha suuqa kala iibsiga ee Manchester United xagaagan iyadoo lacag aad u badan ay ku heli doonaan xiddiga kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho iyo Jack Grealish oo ka tirsan Aston Villa ayaa kuxiran haddii ninka reer France uu sii joogo Old Trafford. Qorshayaasha suuqa kala iibsiga ee Man United ayaa waxaa ku jahwareersan shaki la’aan Paul Pogba Ilaa iyo hadda ma cadda in xiddigan £ 89m uu joogi doono Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda Manchester United ayaa ku adkeysaneysa inay tixgalinayaan Pogba inuu yahay ciyaaryahan heer caalami ah isla markaana ay aamisan tahay inay sii joogi doonto kooxda iyadoo labo sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa. Si kastaba, mustaqbalka 27-sano jirka mustaqbalka ku guuleystay Koobka Add...
Maxay Tahay Mowqifka madasha Xisbiyada Kalsoonidii Lagala Noqday R/W Kheyre?
WORLD

Maxay Tahay Mowqifka madasha Xisbiyada Kalsoonidii Lagala Noqday R/W Kheyre?

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan xilka qaadistii lagu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada. War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madashu ay kalsooni noqoshadii Xukuumadda ay u aragto mid ujeedadiisu aheyd carqaladeynta iyo burburinta Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Magaalada Dhuusamareeb, looguna gogol xaarayo muddo kordhin. Sidoo kale Madasha ayaa tilmaamtay inay aad uga xun tahay in xiligaan oo waqtiga Hay’addaha Dastuuriga uu sii dhamaanayo in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hormuud ka noqdo qalaalo siyaasadeed oo ay adegtahay maareyteeda. Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada ...