Wasiir Islow oo Gaashaanka Ku Dhuftay Kalsoonidii Lagala Noqday R/W Kheyre
Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay Kalsoonidii Maanta lagala noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiir Islow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax aan wanaagsaneyn Maanta uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa, isla markaana Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka la horgeeyay Ajendihii loogu tala-galay in laga doodo mid aan aheyn.
Wasiirka Amniga Xukuumadda ayaa waxaa uu sheegay in Go’aanka uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal ee Kalsoonida loogala noqday Xukuumadda RW Kheryre uu ahaa mid aan waafaqsaneen Dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo xubno kale ku eedeeyay inay doonayaan in ay sameeyaan muddo kororsi, isla ...