Soomaaliya: Sidey U Dheceen 5—tii Doorasho Ee la Qabtay 20-Kii Sano Ee La Soo Dhaafay
Warbixin Bbcsomali.com
Tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1990, waxaa dalka soo maray marxalado kala duwan iyo doorashooyiin.
Shacabka fursad umaysan helin in dhammaan doorashooyiinkaas ay codkooda ka dhiibtaan, waxaana madaxdii xilalka madaxwaynanimada lagu soo doortay qaabab dadban oo aan codeyn toos ah ahayn.
Balse doorasashaba doorashadii ay ka dambeysay waxaa la sameynayay isbadal islamarkana waxaa lagu darayay qaabab cusub.
Waxaan qorimadan ku eegaynaa sooyaalka doorashooyiinkii Soomaaliya ee 20-kii sano ee ugu dambeeyay la qabtay iyo qaabkii ay ahaayeen.
Doorshadii Carta - Cabdiqaasim Salaad Xasan
Madaxweyne C/qaasim salaad
Dalka Jabuuti waxaa sannaddkii 2000 lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ay garwadeenka...