Tallaalka Covid-19 oo ay soo saartay Jaamacadda Oxford Ayaa Muujiyay Natiijo la Taaban Karo “
Jaamacadda Oxford ee ku taal dalka Britain ayaa ku ayaa heshay tallaal u badantahay in aanu dhibaato aadanaha u geeysaneeyn haseyeeshee uu kobcinaayo difaaca jirka.
Dadka lagu tijaabiyey alaalkan oo tiradoodu gaarayso 1077 qof ayaa muujiyey in jirkoodu samaystay maadada difaaca jirka ee Antibodies-ka la yidhaa iyo sidoo kale T-cells oo la dagaalami kara fayraska korona.
Natiijadan soo baxday waxay abuurtay rajo weyn, laakiin wali si buuxda looma odhan karo talaalkani si buuxda ayuu qofka uga difaaci karaa laakiin waxa socda tijaabooyin kale oo intan ka badan.
Ingiriiska ayaa durba dalbaday 100 milyan oo irbadood oo talaalkaas ah.Talaalkan ayaa loogu magac daray ChAdOx1 nCov-19 waxaana lagu samaynayaa dardar aan hore loo arag.
Waxa laga sameeyey fayras laga soo dheegay fayras...