WARARKA

Ra’iisul wasaare Xamza oo la kulmay qaar kamid ah haweenka
WARARKA

Ra’iisul wasaare Xamza oo la kulmay qaar kamid ah haweenka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kula yeeshay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka kulan looga hadlay kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga— garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya. “Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo, aniga oo u qiraya kaalinta ay ku leeyihiin dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo...
MASAR oo ciidamadeeda kusoo daabuleyso gudaha Soomaaliya
WARARKA

MASAR oo ciidamadeeda kusoo daabuleyso gudaha Soomaaliya

Dowladda Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraa...
Cagjar oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Dacawaley
WARARKA

Cagjar oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Dacawaley

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanada u dhow xadka ay la leeyihiin maamulka Somaliland. Mustafe Cagjar ayaa beeniyay eedeymaha loo jeedinayo ciidamada Liyuu Boolis ee ku aadan inay xasuus ka gaysteen aagga deegaanka Dacawaley oo ay dhowaan kula dagaalameen maleeshiyaad dadka deegaanka ah. Madaxweynaha ayaa ku dooday in ciidamadiisu ay la dagaalameen dad kusoo duulay nabadda deegaanka, balse aanu jirin qof shacab ah oo ay si bareer ah u dileen. Waxaan ku kalsoonahay hal qof oo maati ah oo hubeysane aan ciidanka la dagaalameyn aan ahayn halkaa inay ka dhicin waan ognaay, waana la soconaaa” ayuu yiri Cagjar. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Colaadda laftigeeda...
Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo u ku qilaafay CC Shakuur, mowqifkiisa doorasho qof iyo cod ah
WARARKA

Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo u ku qilaafay CC Shakuur, mowqifkiisa doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta ka hadlay doorashooyinka dalka ayaa hoosta ka xariiqay in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka bilaaba doonto bilo kadib. Qoor Qoor ayaa toos ugu jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo munaasabad Book Feer ah oo Dhuusamareeb lagu qabtay ka sheegay in doorasho qof iyo cod ah aan loo socon ee muddo kororsi ay ka dhex raadinayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada. Cabdiraxmaan waxaan leeyahay jawaabtaadu waa fududahay, doorasho ma dhaceyso ayaa tiri, ana waxaan ku leeyahay doorasho waa dhaceysaa, waxaana ka mid tahay dadka bulshada la hadla, waxaa kuu fiican doorashada dadweynaya ee kuuma fiicna ‘mida suuqa madow ah’ ee aad jeceshahay in lagu laabto, marka soo diyaar garow,” ayuu yiri Qoor Qoor oo u j...
Maamulka Hormuud ayaa soo dhaweeyay Abaalmarin ka timid Jaamacadda SIMAD oo uu gudoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
BUSINESS, WARARKA

Maamulka Hormuud ayaa soo dhaweeyay Abaalmarin ka timid Jaamacadda SIMAD oo uu gudoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Abaalmarintan ayaa ka danbeeysay tigalinta taageero iyo iskaashu u adeegaya ummadda Soomaaliyeed #Hormuud kala dhexeeyay Jaamacadda SIMAD muddo rubuc qarni ah. Hormuud ayaa Jaamacadda SIMAD ugu hambalyeysay sanadguuradeeda 25aad, iyadoo ku bogaadisay kaalinta ay ka qaateen horumarinta waxbarashada sare, cilmibaarista, iyo soo-saaridda hoggaamiyayaal, hal-abuurayaal, iyo xirfadlayaal lafdhabar u ah horumarka dalkeenna iyo nolosha bulshadeenna.
Ankara Declaration waxa uu noqon karaa Mid u dhaxeeya In uu jabo ama uu Joojiyo Itoobiya
WARARKA

Ankara Declaration waxa uu noqon karaa Mid u dhaxeeya In uu jabo ama uu Joojiyo Itoobiya

Somalia sanadka sii dhamaanaya ee 2024-ta waxay ku soo gabagabaysay Iyadoo difaacatay midnimada Joqoraafigeeda dhuleed, Itoobiyana ku dhajisay Nabar weeyn oo mar kasta qolofta laga qaadi karo Ixtiraamka iyo ka go’naanta midba midka kale ilaalinta madax-banaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirkiisa dhuleed,” waxa uu ahaa furaha isu soo dhaweeyay Somalia Iyo Itoobiya ee sababay heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa hadalo uu ku sagootinayo Itoobiya ka yiri shirkii Ankara ooy isku gacan qaadeen Reysilwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed maalmo ka hor intii aysan SOOMAALIYA🇸🇴 soo afjarin 20 sano oo Itoobiya ay joogitaan aan la jecleyn ku laheyd dalkeena. ➡️Itoobiya hadii aysan xuduudeeda ku ekaan Somal...
Goorta ay soo baxeyso natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyay
WARARKA

Goorta ay soo baxeyso natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horraanta sanadka cusub ee 2025 ay soo bxii doonto natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo haatan ka socota qeybo kamid ah dalka Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka xukuumadda federaalka Maxamed Xaashi Carabey ayaa xusay in ay soo dhow dahay natiijada laga sugayo sahmintii shidaalka Soomaaliya lagu sameeyay. Nariijada ayaa la filayaa inay soo baxdo bisha Maarso ee sanadka cusub ee 2025, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya. Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in arrintaan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, si loo bilaabo soo saarista shidaalka, si looga faa’iideysto Waxyar ayaa dhiman xog baarista batroolka, bisha Maarso bilowgeeda waxaa la heli doonnaa nati...
Daacish oo weerar culus ku qaaday goob uu ka dhawaa masuul sare oo Puntland ah
WARARKA

Daacish oo weerar culus ku qaaday goob uu ka dhawaa masuul sare oo Puntland ah

Kooxda Daacish ayaa weerar culus saakay ku eekeeyay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ku sugan yihiin ciidamo uu horkacyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Maxamed Shire Baari. Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhex-qarxay ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahannada kooxda Daacish, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Bari. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Daacish ay weerar culus saakay ku eekeysay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay inay Daacish ka saaraan dhulkaasi. Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciida...
Daawo: Dowladda Federaalka oo shaacisay guul taariikhi ah oo deyn cafintii ay ka dhaxashay
WARARKA

Daawo: Dowladda Federaalka oo shaacisay guul taariikhi ah oo deyn cafintii ay ka dhaxashay

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladdii ugu horeeysay caalamka ee iyadoo Deyntii laga cafiyay loo sii ogolaaday deeqda uu bixiyo Bangiga Adduunka. Bangiga Adduunka ayaa dowladaha soo gaara heerka ay gaartay Soomaaliya oo kale wuxuu kaliya u ogolaadaa inay deyn kale qaataan oo ay iska bixiyaan, balse Soomaaliya waxaa loola dhaqmay si taas ka duwan. Hadalka Wasiirka ayaa yimid wadaxaajood dheer kadib markii hey’adda maalgalinta caalamiga ah u qaabilsan Bangiga Adduunka ay ogolaatay in Dowladda Soomaaliya ay siiso lacago deeq ah. Lacagaha deeqaha ah ee loo yaqaano ‘Kabka Miisaaniyadda’ ayaa loo ogolaaday in Soomaaliya ay sii qaadato muddo seddax sano ah, sida uu maanta sheegay wasiir Biixi Iimaan. Sidoo kale Wasiir...
General Odowaa oo go’aan culus ka gaaray ciidankii kasoo gadooday furimaha dagaalka
WARARKA

General Odowaa oo go’aan culus ka gaaray ciidankii kasoo gadooday furimaha dagaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa tallaabo adag ka qaaday ciidan gaaraya 30 askari oo ka gadooday saldhigyadoodii degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidankaas oo ka gadooday falkii askarta lagu dilay ee toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug. Taliye Odowaa ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas aysan dhaafin Wisil oo hub ka dhigis lagu sameeyo, is rasaaseyn kooban oo wax khasaare ah aan geysan ayaa maanta ka dhacday degmada Wisil, waxaana ugu dambeyn is dhiibay ciidamadii gadooday ee ka baxay Xarardheere. Taliyaha Xoogga ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas hubka laga dhigo, lagana reebo dariiska ama tuutaha ...