WARARKA

Wax ka ogow ciidamada Haramcad iyo Gorgor ee markale hadal haynta dhaliyay
WARARKA

Wax ka ogow ciidamada Haramcad iyo Gorgor ee markale hadal haynta dhaliyay

Shantii sano ee uu madaxweynaha ahaa Maxamed Cabudullaahi Farmaajo magaca ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ee Soomaaliya iyo kuwa kumaandooska Gorgor ayaa wuxuu aad ugu jiray wararka Soomaliya, marar bandanna wuxuu ka muuqday ciwaannada warbaahinta Soomaalida, haddase dowladdan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale magacooda aad loo hadal hayaa ka dib markii la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaan la geeyay deegaanka Raaskambooni. 11-kii Bishan December ciidmada dowladda federaalka ah oo ay Haramcad ka mid ahaayeen ayaa waxa uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni kaas oo labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarka soo qaaday. Khasaare aan si rasmi ah aan loo shaacin ayaa ka dhashay. Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in ciidamadaas Raakambooni loo gee...
Daawo: Madaxweyne XASAN oo furay shirweyne Soomaaliya ugu dambeysay 35 sano kahor
WARARKA

Daawo: Madaxweyne XASAN oo furay shirweyne Soomaaliya ugu dambeysay 35 sano kahor

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha caalami ah oo muhiim ah, isla markaana ay ka qayb-galayaan inta badan aqoonyahannada Soomaaliyeed Shirkan oo ah meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, ayaa dalka lagu qabanayaa muddo 35 sanno ah kadib ah, waxaana isugu yimid wafuud kala duwan oo ka badan ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika. Inta uu socd shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Dalka, isaga oo ka qayb-galayaasha hor...
Fulham ayaa barbaro la gashay Liverpool + Kulamada kale
SPORTS, WARARKA

Fulham ayaa barbaro la gashay Liverpool + Kulamada kale

Fulham 2-2 Liverpool Diogo Jota oo soo laabtay ayaa dhaliyay gool barbardhac ah xilli hogaamiyayaasha Premier League Liverpool ay labo jeer la dagaalameen 10 ciyaaryahan si ay Fulham u diidaan ka dib casaankii Andy Robertson uu ku qaatay Anfield. Jota, oo dhaawac ku maqnaa tan iyo bishii October, ayaa daqiiqadii 86aad ee ciyaarta barbareeyay ka dib markii Rodrigo Muniz uu u muuqday mid soo afjaray iska caabintii Reds ee qeybtii labaad ee ciyaarta. Cody Gakpo ayaa madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Mohamed Salah wax yar ka dib qeybtii nasashada,waxa uu kansalay goolkii furitaanka ee Andreas Pereira daqiiqadii 11aad. Lix daqiiqo ka dib Pereira ayaa hogaanka u dhiibay Fulham, Liverpool howsheeda ayaa sii adkeyd markii Robertson laga saaray ciyaarta ka dib markii uu Harry Wil...
International partners commend Ankara Declaration, call for swift implementation of Ethiopia-Somalia agreement
WARARKA

International partners commend Ankara Declaration, call for swift implementation of Ethiopia-Somalia agreement

Multiple international partners, including the African Union (AU), the United States, and the United Kingdom, have expressed support for the Ankara Agreement, signed between Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud on11 December, 2024. Moussa Faki Mahamat, Chairperson of the African Union Commission, described the agreement as an “important act of high responsibility” and “strongly encourage[d] them to implement, without delay, the relevant measures adopted.” The United States lauded the agreement, highlighting its reaffirmation of “each country’s sovereignty, unity, independence, and territorial integrity” while advancing cooperation on shared interests. Washington expressed anticipation for “technical negotiations to permit Ethiopi...
Daawo: Shirka la-dagaalanka maalgelinta argagixisada oo ka furmay Muqdisho
WARARKA

Daawo: Shirka la-dagaalanka maalgelinta argagixisada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada oo Muqdisho ka furmay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta furay Shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka hortagga iyo la dagaallanka Maalgalinta Argagixisada. Ujeedka Shirka ayaa ah in dowladda, ganacsatada iyo bulshadu ay iska kaashadaan la dagaallanka maalgalinta Argagixisada, iyada oo la bartilmaameedsanayo dadka la shaqeysta Khawaarijta iyo kuwa Maalgeliya, waxaana ciddii lagu helo danbiga noocaas ah la horgeyn doonaa Caddaaladda. https://youtu.be/oUe0P2GEiSo?si=6GiwblcWMDRotJQ8
Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay deegaanada SSC-Khaatumo
WARARKA

Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay deegaanada SSC-Khaatumo

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dirtay deeq gargaar raashin ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Shiinaha ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku wajahan degaannada maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Gargaarkaan oo ka kooban 500 oo tan oo raashin ah, ayaa Doon looga qaaday Dakedda Muqdisho, iyadoo intaas kadib Dakedda magaalada Boosaaso looga daabuli doono gaadiid si degannada maamulkaas shacabka dantayar ee ku nool loo gaarsiiyo Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo awaamiirta madaxda qaranka ay hay’addu u taagan tahay xoojinta dadaallada looga hortagayo abaarta La-nina taas oo laga cabsiqabo in dalkeenna ku dhufato, isagoo u mahad celiyay dowladda Shiinaha oo gargaarkaan ugu deeqay dadkeenna nugul.
UN Security Council renews sanctions against Al-Shabaab terror group
WARARKA

UN Security Council renews sanctions against Al-Shabaab terror group

The UN Security Council on Friday adopted a resolution renewing the sanctions against al-Shabaab terror group in Somalia until Feb. 28, 2025. The resolution, submitted by the UK, was unanimously adopted by the 15-member Security Council. It allows authorization for maritime interdiction to enforce the embargo on illicit arms imports, the ban on coal exports, and the prohibition on components for improvised explosive devices (IED). Sanction measures such as the arms embargo, travel bans, and asset freezes targeting al-Shabaab also remain in effect. The Horn of Africa country has been plagued by insecurity for years, with the main threats emanating from al-Shabaab and the Daesh/ISIS terror groups. Since 2007, al-Shabaab has been fighting the Somali government and the African U...
Kenya oo dalka kusoo celineyso ciidamadii DF ee gudaha u galay dalkaasi
WARARKA

Kenya oo dalka kusoo celineyso ciidamadii DF ee gudaha u galay dalkaasi

Dowladda Kenya ayaa wada in boqolaal askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dib ugu soo celiso dalkooda hooyo, kuwaasi maalmo ka hor ka talaabay xuduudka labada dal kadib markii ay naftooda kala soo carareen Magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubada Askarta oo sida la sheegay tiro ahaan gaaraya lix boqol ayaa haatan ku sugan xero ciidan oo ku taalla Magaalada Lamu, gaar ahaan xuduudka dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in maanta ay dalka dib ugu soo noqdaan. Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Raymond Omollo ayaa sheegay in Ciidankooda ku sugan xuduudka ay soo dhoaweeyaan askartan oo ka mid ahaa kuwa ku sugnaa Magaalada Raskambooni oo maalin ka hor ay weerar culus ku soo qaadeen Ciidanka Maamulka Jubaland. Wuxuu Wasiirka intaasi ku daray in haatan uu socdo qorshaha di...
Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska Somalia iyo Itoobiya
WARARKA

Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska Somalia iyo Itoobiya

Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda. Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan. Hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya "marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya u hesho badda," kaasi oo “hoos imanaya maamulka madax-banna...
Dowladda Ingiriiska oo cambaareysay dagaalka Raaskambooni
WARARKA

Dowladda Ingiriiska oo cambaareysay dagaalka Raaskambooni

 Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa soo saartey war qoraal ah oo ay ku cambaareysay dagaalkii shalay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubaland ku dhexmaray dagaalka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose, oo ku tilmaantay mid laga fogaan karay. Ingiriiska ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay inuu dagaalka dhacay xili ay jireen baaqdyo loo jeediyay labada dhinaca oo ku aadan qaboojinta xiisadda u dhaxaysa, kuwaasoo la iska indha-tiray. Dagaalka wuxuu saameyn ku yeeshay shacabka degaanka oo Isgaarsinta laga jaray, sidoo kalena la joojiyay dhaq-dhaqaaqyii ganacsiga. Warka ay Safaaradda soo saartay waxaa sidoo kale lagu xusay in dowladda Ingiriiska ka xuntahay khasaaraha ka dhashay dagaalka Raaskambooni, oo ay dhabarjab ku ah amniga dalka, islamarkaana uu fursad siinayo AS, maadaama labad...