WARARKA

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya
WARARKA

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Fakiayaa soo dhaweeyay heshiiska Ankara ay ku gaareen Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Abiy Ahmed Ali, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaas oo uu dhex-dhexaadiyay Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in heshiiska uu yahay tallaabo muhiimka ah oo loo qaadey xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuu si adag ugu dhiirigeliyay hogaamiyaasha labada dal inay hirgeliyaan qodobada la isku raacey, iyada oo aan dib loo dhigin. Muse Faki ayaa sidoo kale ugu mahadceliyay Madaxweyne Tayyip Erdogan taageerada labada dhinac inay xaliyaan in khilaafkooda islamarkaana ay ku dhameeyeen wada hadal, iyadoo danta dalalkooda iyo shacabkooda ay diiradda saareen. Soomaaliy...
Somalia Iyo Itoobiya Ankara Kaga Heshiiyay Khilaafkii u dhaxeeyay labada Dal
WARARKA

Somalia Iyo Itoobiya Ankara Kaga Heshiiyay Khilaafkii u dhaxeeyay labada Dal

Ankara 12 December 2024: Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii khilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qarannimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal. War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab ...
Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Erdoğan ayaa hadda kulan xasaasi ah ku leh Ankara.
WARARKA

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Erdoğan ayaa hadda kulan xasaasi ah ku leh Ankara.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa hadda kulan xasaasi ah ku leh xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara. Kulankan ayaa horudhac u ah wada hadallo kale oo dhexmari doona Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Turkiga. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban Wasiiro, Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, Qaranimada, iyo wadajirka dhulka Soomaaliya.
Maxaan ka ognahay waxa ka dhacay Raaskambooni, waana sidee xaaladda haatan?
WARARKA

Maxaan ka ognahay waxa ka dhacay Raaskambooni, waana sidee xaaladda haatan?

Xaaladda deegaannada u dhaxeeya magaalooyinka Buurgaabo iyo Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa haatan deggan kaddib markii uu saaka dagaal ku dhex maray ciidamada dawladda iyo kuwa maamulka Jubaland. Warar is khilaafsana ayaana ka soo baxaya cidda dagaalka bilowday iyo khasaarraha uu dhaliyey. Dagaalka ayaa bilowday aroornimadii hore ee saakay, labada ciidan ayaa kala joogay labada magaalo ee la kala yiraahdo Buurgaabo iyo Raaskambooni oo labaduba ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo qiyaastii isku jira dhowr iyo lixdan kiilo mitir ha yeeshee dhinac walba dhaqdhaqaaq ayuu magaaladiisa ka sameynayey. Labada ciidan ayaa saakay isku farasaaray deegaan la yiraahdo Marnaaneey taas oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Raaskambooni, taasoo ah halka ay joogaan ciidamadda dowla...
Dheeho Kulamada Arbacada ee Champions League Iyo Fifa oo xaqiijisay Martigelinta Sacuudiga ee Koobka Adduunka 2034
SPORTS, WARARKA

Dheeho Kulamada Arbacada ee Champions League Iyo Fifa oo xaqiijisay Martigelinta Sacuudiga ee Koobka Adduunka 2034

Manchester City ayaa halis ugu jirta in laga saaro Champions League, halka Liverpool ay lix guul ka gaartay lix kulan, Arsenal iyo Aston Villa ayaa duulaya. Dhanka kale rajadii Celtic ee isreebreebka ayaa wali nool. Laba kulan ayaa ka haray tartanka cusub ee Champions League ee 36-kooxood ee horyaalka. Siddeedda ugu sareysa waxay si toos ah ugu gudbaan 16-ka ugu dambeeya, si muhiim ah, waxay ka boodaan wareegga isreebreebka ee labada lugood. Kooxda heysata horyaalka 2023 City ayaa aad uga fog tartanka kaliya ee miisaanka culus ee Champions League fadhiya si aan raaxo lahayn. Juventus 2-0 ManCity Dhibaatada Manchester City ee hadda haysata ayaa sii socotay Arbacadii iyada oo ay garaacday Juventus si ay u dhaawacdo rajadooda u soo bixitaanka wareega 16ka Champions League. ...
Hormuud Salaam Foundation ayaa ku guuleysatay billadda Taakuleynta Bulshada ee ee sanadka 2024
WARARKA

Hormuud Salaam Foundation ayaa ku guuleysatay billadda Taakuleynta Bulshada ee ee sanadka 2024

Hormuud Salaam Foundation ayaa ku guuleysatay billadda Taakuleynta Bulshada ee ee sanadka 2024 oo ay bixiso madasha Abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka oo ay soo agaasinto Hay’adda Total Telecom ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. Munaasabada abaalmarinta oo aheyd Xaflad xalay ka dhacday magaalada London ayay #HSF ku muteysannay dadaallada ballaaran ee hay’adda samafalka ay u heeyso bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan taageeradeeda horumarinta waxbarashada, caafimaadka, gargaarka, iyo taakuleynta dadka danyarta ah. Abaalmarintan oo loogu tartamay shirkadda ugu wanaagsan ee kaalmeysa bulshadeeda ayay uga guuleysatay #Hormuud shirkaddaha GSM Systems ee Mareykanka, Telia ee Norway, SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed, Telecom Egypt ee Masar, Moldcell ee Moldova, PLDT and Smart ee Filibiin...
Maxaan ka ognahay wajjiga saddexaad ee wadahadallada ka furmaya Turkiga, maxayse uga duwan yihiin kuwii hore?
WARARKA

Maxaan ka ognahay wajjiga saddexaad ee wadahadallada ka furmaya Turkiga, maxayse uga duwan yihiin kuwii hore?

Waxaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga lagu wadaa inuu ka furmo wajigii saddexaad ee wada hadallada xal u raadinta xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Madaxbanaanida Somaliland. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan wafdi isugu jira wasiirro iyo xildhibaano ayaa shalay gaalaray magaalada Ankara. Wadahadallada la filayo inay ka furmaan Ankara ayaa ah kuwo heerkeedu sarreeyo oo ay dhexmari doonaan Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana garwadeen ka ah madaxweynaha Turkiga Recep Tayipp Erdogan. Inkastoo aanan ilaa haatan la xaqiijin karin in Abiy uu ka qeyb galayo kulanka. Hor...
DFS oo ka hadashay dagaal ka dhacay Raaskambooni Iyo Axmed Madoobe Oo Guul ka Sheegtay Dagaalka..
WARARKA

DFS oo ka hadashay dagaal ka dhacay Raaskambooni Iyo Axmed Madoobe Oo Guul ka Sheegtay Dagaalka..

Ilo wareedyo madax banaan oo ku sugan jiida hore ee Raaskambooni ayaa sheegaya in Axmed Madoobe oo gurmad ka helay Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Badhaadhe uu horumar ka sameeyay dagaalkii maanta halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa isaga taabacsan ee Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay dagaal saaka ka dhacay Gobalka Jubada Hoose. War qoraal ah oo lagu baahiyay bogagga dowladda ayaa lagu sheegay in ciidan ka tirsan maamulka Jubaland ay weerareen fariisin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose. "Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah K...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagey Ankara Ayaa Ka Hadlay Kulanka la sheegay In uu Dhexmari Doono Isaga Iyo Abiy
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagey Ankara Ayaa Ka Hadlay Kulanka la sheegay In uu Dhexmari Doono Isaga Iyo Abiy

Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrinta ...