WARARKA

Dheeho Maxaa Ku Cusub Kulamad Champions Leaque🏆 ee Habeenka Talaadada!!
SPORTS, WARARKA

Dheeho Maxaa Ku Cusub Kulamad Champions Leaque🏆 ee Habeenka Talaadada!!

Liverpool ayaa dhamaan u soo baxday wareega 16-ka Champions League kadib rigoore uu Mohamed Salah dhaliyay kulankii Girona. Kooxda Arne Slot ayaa la siiyay rigoore qeybtii labaad markii ciyaaryahankii hore ee Manchester United iyo Everton Donny van de Beek uu ciribta ku qabtay Luis Diaz oo ku jiray xerada ganaaxa. Salah ayaa rigoore si sahal ah u diray, isagoo si qaldan u diray goolhayaha Girona Paulo Gazzaniga si uu u dhaliyo goolkiisii ​​46-aad ee Champions League. Goolhaye Allison Becker oo soo laabtay ayaa sameeyay badbaadino wanaagsan iyadoo Liverpool ay halkeeda ka sii wadatay bilowgeeda saxda ah ee Champions League xilli ciyaareedkan, Reds ayaana loo xaqiijin doonaa inay ku dhameystaan ​​sideedda sare ee ugu sareysa - iyagoo si toos ah ugu soo gudbi doona wareega 16ka - had...
Xasan Sheekh iyo Abiy oo la filayo in ay ku kulmaan Ankara
WARARKA

Xasan Sheekh iyo Abiy oo la filayo in ay ku kulmaan Ankara

Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay kullan fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.Illo ku dhow Madaxtooyada Soomaliya oo ay VOA-da la hadashay ayaa xaqiijiyay jirataanka kullnkan, waxayna sheegeen in Ethiopa ay codsatay kulanka, Madaxweynaha Soomaaliya na uu aqabalay.Kullankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada mas’uul yeeshaan tan iyo markii uu soo kala dhex galay muranka ku aadan heshiiskii is-afgaradka badda ee ay Ethiopia 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan la saxiixatay Somaliland.Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darra ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda qaranimo iyo midka dhuleed ee Soomaaliya.Wi...
Khaatumo oo arrimo xasaasi ah ku eedeysay Puntland
WARARKA

Khaatumo oo arrimo xasaasi ah ku eedeysay Puntland

Maamulka SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda. Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi. SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay’adaha Caalamiga ah. Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo. Hoos ka aqriso bayaanka SSC-Khaatumo ...
Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo oo ka degay Beledxaawo
WARARKA

Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo oo ka degay Beledxaawo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo ay ka dageen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo maalmahan laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ugu yaraan 2 diyaaradood ay ka dageen saldhigga loo yaqaan UK ee ay ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin degmada Baladxaawo. Wararka ayaa intaaasi ku daraya in diyaaradahan ayaa sidoo kale la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo halkaas u tegay hoggaaminta gulufka dowladda federaalka ee ka dhanka ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Beledxaawo ayaa waxaa haatan si buuxda u maamulayo ciidamada dowladda, kadib markii ay dhawaan isa soo dhiibeen ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugnaa degmadaasi. Ar...
Xuska maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha ee 10kq December
WARARKA

Xuska maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha ee 10kq December

Hadda xuquuqul insaanku waxay awood u siin kartaa shakhsiyaadka iyo bulshooyinka inay abuuraan berri ka wanaagsan maanta sidaas waxaa yiri Agaasimaha heyadda Pan-African human right defenders Dr Hassan Shire oo ka hadlayay xuska maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha adduunka oo ku beegan 10 December "Maalintan Xuquuqul Insaanka waxay diirada saareynaa sida xuquuqul insaanka ay u tahay dariiqa loo maro xalinta, anagoo door muhiim ah ka qaadanayna ka hortag, ilaalin iyo awood wax ka bedel wanaag ayuu yiri Dr Hassan Shire Sheikh Xuquuqda Aadanuhu waxay saamaysaa qof kasta, maalin kasta iyo ololahan, Xuquuqdayada, Mustaqbalkeena, Hadda, waxaan muujin doonaa saameynta la taaban karo ee xuquuqda aadanaha annagoo diiradda saaraya arrimaha caalamiga ah ee khuseeya, muujinta saameynta, g...
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la magacaabay
WARARKA

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la magacaabay

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu s...
Warankii Shalay ay Kenya nagu soo weerartay Maanta waxaa wata Itoobiya
WARARKA

Warankii Shalay ay Kenya nagu soo weerartay Maanta waxaa wata Itoobiya

Hogaamiyaha magaalo xeebeedka Koonfurta Somalia ee Kismaayo Axmed Madoobe oo ku Caasigaroobay Dowladda Soomaaliya ayaa Is,xasuusiyay Itoobiya oo dib u aqrisay doorkii uu ku lahaa dagaalkii Kenya ee ka dhanka ahaa Somalia intii lagu jiray dacwadii bada iyo raadinta damacii soo laabashada Farmaajo. Taliyihii hore ee NISA fahad yaasiin ayaa madaxa sirdoonka Kenya la wadaagay qorshe ay dowladii Farmaajo ku dooneeysay In Jubbaland Madaxweyne looga dhigo Omar iyadoo la raacayo khariiradii Laftagareen lagu geeyay Baydhabo. Si loo badalo Axmed madoobe ayaa u muuqatay talaabo aan meel mar noqon kareyn la,aanta taageerada ciidamada Kenya- laakiin tani waxay Kenya tustay In Axmed madoobe uu noqon karo Tuul ay gorgortan kula galaan Somalia Iyadoo Uhuru Kenyata ay gashay rajo ku aadan suurtagalni...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ka goosteen degmada Beled Xaawo
WARARKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ka goosteen degmada Beled Xaawo

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo ka tirsanaan jiray Jubbaland ay u goosteen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidamadan ayaa lagu soo bandhigay xaflad fagaare ah oo ka dhacday degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo oo lagu muransan yahay. Saraakiil sarsare oo uu ka mid yahay taliyaha guutada 10-aad ee qeybta 43-aad ayaa bogaadiyay ciidamadan ka soo goostay, wuxuuna u ballan qaaday inay si buuxda uga mid noqon doonaan ciidamada qaranka. “Xuquuqda aad ku leedihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa lagu ilaalin doonaa dowladda Federaalka,” ayuu taliyaha u sheegay ciidamada. Hoggaanka Jubbaland ayaa si degdeg ah u beeniyey sheegashadaas, iyagoo meesha ka saaray in ay tahay masrax siyaasadeed. General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Wasiir...
Shirka Bani’aadanimada Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb
WARARKA

Shirka Bani’aadanimada Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ka furmay magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxda, martida iyo guud ahaan ka qeyb-galayaasha shirkaan oo saddexdii biloodba mar qabsooma. Guddoomiyaha ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah. Madasha ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.
22 Tahriibayaal Somali ah ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya Soo Badbaadisay
WARARKA

22 Tahriibayaal Somali ah ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya Soo Badbaadisay

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa, kuwaasi oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif. Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyey dhalinyaradan oo tiradoodu tahay 22 qof. 17 kamid dhalinyartan lagu guuleystay sii dayntooda ayaa wiilal ah, halka 5 ay yihiin gabdho, waxaana markii hore lagu qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah. Sii deyntooda ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan. Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow lo...