WARARKA

ITOOBIYA oo hub ka dejisay Kismaayo iyo DF oo digniin culus soo saartay
WARARKA

ITOOBIYA oo hub ka dejisay Kismaayo iyo DF oo digniin culus soo saartay

Maamulka Adisababa ayaa hub iyo saanad Miltari ooy ku taageeyreyso hogaamiya kooxeed ku Caasigaroobay Dowladda dhexe ee Somalia ka dejisay magaalo xeebeedka Koonfurta Somalia ee Kismaayo Faragalinta Itoobiya ee arimaha Somalia ayaa ka sii daraya Iyadoo ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay ku xadugudbka Madaxbanaanida dhuleed ee Somalia Xogta diyaaradahan oo maanta ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay digniin u dirtay Itoobiya, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. Dawladda Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaaday xuduudaha ay la leedahay dalka Itoobiya iyo ficilada gurracan ee ay ka waddo dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaal...
Kulamada Super Sunday Arsenal Oo Barbaro lagu Qabtay+
SPORTS, WARARKA

Kulamada Super Sunday Arsenal Oo Barbaro lagu Qabtay+

Arsenal ayaa laga diiday gool soo daahay iyada oo lumisay fursad ay hogaanka Premier Leaque-ga ugu soo dhawaan lahayd 4 dhibcood kadib markii ay barbaro la gashay Fulham garoonka Craven Cottage. Bukayo Saka ayaa u maleeyay inuu saddexda dhibcood siiyay Gunners markii uu madax ku dhaliyay karoos uu soo dhigay Gabriel Martinelli oo labo daqiiqo ka dhiman tahay, laakiin goolka waa la diiday ka dib markii ciyaaryahanka reer Brazil la ogaaday inuu offside ku jiray intii ay socotay ciyaarta. Raul Jimenez, oo dhaliyay goolkiisii ​​lixaad ee xilli ciyaareedkan, ayaa Fulham hogaanka u dhiibay ciyaarta, markii uu kubad uu soo dhigay Kenny Tete ku dhegay khadka si uu u dhaafo David Raya oo xagal cidhiidhi ah ka soo qaaday. Laakiin kooxda Mikel Arteta ayaa barbaro gashay lix daqiiqo gudah...
Colaadda ka taagan Itoobiya oo ka sii dareysa
WARARKA

Colaadda ka taagan Itoobiya oo ka sii dareysa

Dalka Itoobiya oo xarun u ah ururka Midowga Afrika, waxaa in muddo ahba ka jiray colaado sokeeye oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka qaar ka mid ah qowmiyadaha iyo ciidanka milatariga dowladda federaalka. Waxaa jira warar sheegaya in dhawaan ay dhaceen howlgallo millatari, weeraro ay fuliyeen fallaagada, duqeymo dhanka cirka ah oo loo gaystay tuulooyin, dad la gowracay iyo dhacdooyin kale oo naxdin leh. Itoobiya: Dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyada Fano Iyo Askarta u daacada Maamulka Abiy oo ka dhacay magaalada Shewa Robit ee Waqooyiga Gobolka Axmaarada khamiistii Iyo Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay dhimasho naxdin leh oo ku timid caruur uu ka mid yahay ilmo yar oo afar bilood jir ah, waxaana ku dhaawacmay tiro kale sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Xildhibaan Xasan Firimbi oo raali galin Siiyay kadib Feerkii uu ku dhibaateeyay Askari Boliis ah.
WARARKA

Xildhibaan Xasan Firimbi oo raali galin Siiyay kadib Feerkii uu ku dhibaateeyay Askari Boliis ah.

Xildhibaan Xasan Firimbi oo bixiyay raali galin rasmi ah,kadib Feerkii uu ku dhibaateeyay Askari Boliis ah. Toban maalin kadib rabshadihii ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee BFS,Xildhibaan Xasan Firimbi iyo Askari Boliis ah oo katirsanaa ilaalada Xarunta Golaha Shacabka ayaa sawir kasoo wada muuqday,waxaana Xildhibaanka uu raali galin ka bixiyay dhibaatadii uu u geystay Askariga. Kiiska Askari iyo Xildhibaanka ayaa la saadaalinayay inuu u gudbo hey'adaha Cadaaladda,balse waxaa muuqato in hoose loo xaliyay.
Burcad-badeed Somali ah  oo afduubatay markab laga leeyahay dalka Shiinaha
WARARKA

Burcad-badeed Somali ah oo afduubatay markab laga leeyahay dalka Shiinaha

Koxoaha Burcad-badeeda Soomaaliya ayaa afduubay markab kalluumeysi oo laga leeyahay wadanka Shiinaha xili uu marayay xeebaha maamulka Puntland, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda. Markabka oo la socda 18-shaqaale ah, ayaa afduubkiisa wuxuu ka dhacay xeebaha degmada Xaafuun oo ku taalla waqooyi bari ee Puntland. Kooxaha burcad badeedda ee qabsaday markabkan ayaa ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, waxayna wateen doon yar oo kusoo weerar tageen. Lama sheegin wax dhaawac ah ama dhimasho ah oo soo gaaray shaqaalaha la socda markabka, balse waxaa socda howlgalka samatabixin ah. Afduubka markabka Shiinaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay kordheen isu socodka badda ee biyaha Soomaaliya, taasoo ka dhalatay iska horim...
Recent clash in Amhara’s Shewa Robit town leaves several injured; residents report four-month-old infant among deceased
WARARKA

Recent clash in Amhara’s Shewa Robit town leaves several injured; residents report four-month-old infant among deceased

Recent clashes in Shewa Robit, a town in the North Shewa Zone of the Amhara region, have resulted in the tragic death of a four-month-old infant and left several others injured, according to local sources. Residents reported that the conflict between government forces and Fano militia began on Thursday, 05 December, 2024, around 5:00 a.m. and continued until 4:00 p.m. that day. According to them, the clashes resulted in an unspecified number of casualties and injuries. According to eyewitnesses who spoke with Addis Standard, Fano militia fighters clashed with government security forces when they attempted to enter the town. Aynalem Kebede (name changed for security reasons), a resident of Shewa Robit, explained that the Fano militia initiated gunfire near the Mariam neighborh...
Everton Iyo Liverpool oo Baaqday Balse Man City v Crystal Palace , Juventus v Bologna  , Roma v Lecce Barcelona v Real Betis
SPORTS, WARARKA

Everton Iyo Liverpool oo Baaqday Balse Man City v Crystal Palace , Juventus v Bologna , Roma v Lecce Barcelona v Real Betis

Manchester United ayaa nasiib darro ku xoojisay qiimeynta waxqabadkooda garoonka. Sida dad badan ay si degdeg ah u tilmaameen, guushii Nottingham Forest ee Old Trafford ma ahayn "naxdin" marka la eego ragga Nuno Espirito ayaa ciyaarta ku soo bilaabay meel sare oo miiska kala sarreynta ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd wax kayntu aysan gaarin ku dhawaad ​​30 sano. Iyo, heerka la filayo ugu yaraan, hamiga Old Trafford ayaa ka sarreeya kuwa garoonka City Ground. Ujeedadoodu waa in ay ugu dambayn ku guuleystaan ​​Premier League oo ay si adag ugu tartamaan Champions League. Sida dhabta ah ee taasi ku jirto wakhtiga gaaban waa qof walba male. On caddayn this, ma aad u. Markii la weydiiyay aragtidiisa dhowrkii toddobaad ee ugu horreeyay ee uu ahaa tababaraha United (shan kulan oo...
Daawo:Madaxweyne Xasan oo ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo go’aanka Dowladda dhexe ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas
WARARKA

Daawo:Madaxweyne Xasan oo ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo go’aanka Dowladda dhexe ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas

➡️Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda deegaannada Jubbaland iyo go’aanka Dowladda ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas. Madaxweyne Xasan Sheekh "Axmed Madoobe waxa uu qeyb ka ahaa heshiisyadii ay wada gareen golaha watashiga qaran, waana diiday wado kasta oo xal aheed." Madaxwaynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud "Waxaa naga go'an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno." https://youtu.be/cd_0rHlaVgA?si=RZTuQP5eWg_1EpuF
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ku sigtay in ay ku dagaallamaan Balad Xaawo
WARARKA

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ku sigtay in ay ku dagaallamaan Balad Xaawo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida iyo dadka deegaanku hor istaageen ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayay "in ay si sharci darro ah ku galaan degmada Buulo Xaawo ee gobolka Gedo." "Saaka ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo," ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya oo lagu daabacay bogga Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay "in dowladda Itoobiya ay faragelin iyo iska horkeen beelaha ah ka waddo gobolka Gedo." Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in tani qayb ka tahay faragalin ay she...
QM oo aqoonsatay xeer ay qarniyaal ku dhaqmayeen bulsho Soomaali ah
WARARKA

QM oo aqoonsatay xeer ay qarniyaal ku dhaqmayeen bulsho Soomaali ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda. In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay. UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo car...