WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo horleh ka dajisay Raaskambooni
WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo horleh ka dajisay Raaskambooni

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Xoogga dalka waxa ay u dirtay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Diyaarado siday ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray Raaskambooni oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda. Sidoo kale diyaaradaha ayaa sida saanad milatari iyo gaadiid dagaal, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka. Raaskambooni ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso dowladda federaalka ee maamul goboleedka Jubbaland.
Mareykanka oo wafdi culus u diray Somaliland
WARARKA

Mareykanka oo wafdi culus u diray Somaliland

Wafdi culus oo ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaana hoggaaminayo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Richard H. Riley oo uu wehelinaayo Taliyaha taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Maraykanka. Wafdigan ayaa waxaa qaabilay madaxweynaha xilka kasii dagaya Muuse Biixi Cabdi oo kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaas oo ay ku yeesheen wada-hadallo gaar ah oo ku aadan xiriirka labada dhinac iyo xaaladihii ugu dambeeyay. Madaxweye Biixi ayaa uga mahadceliyay xubnaha uu la kulmay iskaashiga iyo xiriirka wada shaqayneed ee amniga geeska Afrika iyo dhinaca ee Somaliland iyo Maraykanka, waxaa kale...
Daawo: Raysilwasaare Xamsa Oo Si, dadban u weeraray Axmed Madoobe
WARARKA

Daawo: Raysilwasaare Xamsa Oo Si, dadban u weeraray Axmed Madoobe

Ra’iisul wasaare Hamza Abdi Barre “Waxaa bogaadinayaa Ciidamada Geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gartay in aan laga horgeyn Walaalahooda Ciidanka xoogga dalka ee ay isku Cadowga yihiin, dowladda ayaana ku abaal Marin doonta”. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Dan‐Qaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga naafada, ayna ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada naafada ah iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhan yahay. “Waxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in xukuumadda ay ka go’an tahay xal u helida colaadaha, cirib-tirka Khawaarijta iyo in dalkeenna oo dhan ...
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Daaru Salaam oo la dhaawacay
WARARKA

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Daaru Salaam oo la dhaawacay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta lagu qaaday mas’uul  sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa qaybo kamid ah degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen weerarka oo lagu beegsaday Guure Maxamed Xirsi oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka la weeraray uu soo gaaray dhaawac halis ah, xilli uu ku sugnaa goob Farmashi ah oo ku taalla agagaarka Ex-koontarool Balcad. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in rasaasta la furay uu sidoo kale ku dhintay milkiilaha goobta ganacsiga, waxaana kadib baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi. Wararka ayaa ...
Sweden oo dacwad ku soo oogtay shaqsiyaad lala xiriiriyey Daacishta Soomaaliya
WARARKA

Sweden oo dacwad ku soo oogtay shaqsiyaad lala xiriiriyey Daacishta Soomaaliya

Dacwad oogayaasha Sweden ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in ay dacwad ku soo oogeen saddex qof oo la tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, kuwaas oo oo lagu eedeeyey in ay maleegeen falal argagixisanimo oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah danaha Yahuudda, ayna doonayeen in caruur aan qaan gaarin ay fuliyaan. Saddexda qof iyo sidoo kale tuhmane afraad ayaa sidoo kale lagu soo oogay in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish, oo ay Sweden mamnuucday in ay yihiin urur argagixiso, iyo in ay maleegeen dambi loo adeegsado hub, sida ay warbixino kala duwan ku sheegeen hay’adda dacwad-oogista Sweden ee SPA iyo tan sirdoonka ee Sapo. Afarta qof waxaa ka mid ahaa laba walaalo ah oo da’doodu kala tahay 23 iyo 25 jir, kuwaas oo qaatay diinta Islaamka wax yar ka hor intaan la xirin. ...
Madaxweyne Xasan oo sarkaal Imaaraatka Carabta ah ugu magac daray xerada Gen Gordan
WARARKA

Madaxweyne Xasan oo sarkaal Imaaraatka Carabta ah ugu magac daray xerada Gen Gordan

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareegto uu soo saaray u kala bedelay magacyada labada Xero ee Damaanyo iyo Gordon, waxaana Xerada Gen. Gordon loogu magac daray Col Maxamed Mubaarak Al Mansor oo ahaa Sarkaal Imaaraadka Carabta u dhashay oo hoggaaminayay howlgalka Tababarka Imaaraadka, kaasoo 10-kii Febraayo 2024 lagu dilay Xeradaas. Sidoo kale xerada Damaanyo waxaa loogu magac daray Sareeye Guuto Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon Wareegtada xeerka Madaxweyne oo soo baxday isku waqti ayaa goor sii horeysay Baraha Bulshada waxaa qabsaday mid ka mid ah warqada magac ka bedelida Xeradii hore Gen Gordon loogu magac daray.
Faransiiska oo si rasmi ah Soomaaliya uga cafiyay lacag dhan $145.6 Million
WARARKA

Faransiiska oo si rasmi ah Soomaaliya uga cafiyay lacag dhan $145.6 Million

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu soo gunaanadayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa Dowladda Soomaaliya Safiirka Dowladda Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle. Heshiiskaan ayaa waxa uu soo maray wada xaajood wajiyo badan lahaa, sidoo kalena daba socda go’aan kii ay gaareen horaantii sanadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa maanta suuro galiyay in Dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar taas oo Dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda ...
Faransiiska oo ballan-qaad culus u sameeyay DF, xoojiyeyna madax-banaanida dalka
WARARKA

Faransiiska oo ballan-qaad culus u sameeyay DF, xoojiyeyna madax-banaanida dalka

Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay taageerada ay ka geysanayo howl-galka cusub ee Soomaaliya iyo amniga badda, iyadoo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya. Faransiiska ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli ay Itoobiya ku kacday xad-gudb ka dhan ah qarannimada Soomaaliya, kadib markii heshiis is-afgarad oo la xiriira badda ay la saxiixatay Somaliland. Faransiiska ayaa arrimahaan ku xaqiijiyey kulan ka dhacay Paris, kaasi oo dhex-maray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar iyo wasiiru-dowlaha Faransiiska ee Francophonie iyo iskaashiga caalamiga, Thani Maxamed Soilihi. Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo a...
Madaxweynaha Eriteriya oo ka hadlay heshiiskii ay wada galeen Masar iyo Soomaaliya
WARARKA

Madaxweynaha Eriteriya oo ka hadlay heshiiskii ay wada galeen Masar iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa habeenimadii Sabtida kasoo muuqday Telefishinka dowladdiisa, wuxuuna bixiyay wareysi uu kaga hadlay arrimaha taagan. Madaxweynaha ayaa ka hadlay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Masar iyo dalkiisa Eritrea, iyo xaaladdha kaasoo ku saabsan Itoobiya iyo madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump. Marka laga soo tago faallooyinkiisa ku aaddan xaaladda gobolka, madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta ee ku saabsan kaabayaasha biyaha, tamarta, iyo dhismaha tuulooyinka deggenaanshaha ee dalkiisa intii uu ku jiray waraysiga ay la yeesheen wariyaasha warbaahinta dowladda Muxuu ka yiri heshiiskii ay wada galeen Masar, Soomaaliya iyo dalkiisa Qoraalka sawirka,Heshiiskii hore ee dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea Waxaa la ogy...
Manchester City ayaa wajahday Liverpool kulan saamayn wayn ku yeelan kara horyaalka Premier league +
SPORTS, WARARKA

Manchester City ayaa wajahday Liverpool kulan saamayn wayn ku yeelan kara horyaalka Premier league +

Liverpool 2-0 Man City Waxay ahayd inay noqoto kulan aad u adag oo Premier League ah oo u dhexeeya laba kooxood oo ku tartamaya horyaalka, laakiin waxay u noqotay guul dhammaystiran oo ay Liverpool ka gaadhay Manchester City galabnimadii Axadda. Jamaahiirta gurigooda ee ku sugnaa garoonka Anfield ayaa loo daayay in ay soo bandhigaan wacdarihii kooxdooda ee mudada badan ee ciyaarta iyada oo City oo aan kalsooni ka haysan isla markaana ay ku jirtay orod naxdin leh ay wax badan iska caabin kari wayday eeda Reds. Mohamed Salah iyo Cody Gakpo ayaa xaqiijistay in Liverpool ay 2-0 ku garaacday Manchester City si ay maalin cad u dhex dhigto iyaga iyo kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka Premier League. Kooxda martida loo ahaa ayaa ciyaarta ku billaabay dhammaan qoryo xamaasad leh, iyago...