WARARKA

Ilaalinta danaha ay Imaaraadka ka leeyihiin Bariga Afrika ayaa ka dhigay Mid Isu dhow Arimaha Madoobe Iyo “Hemeti”
WARARKA

Ilaalinta danaha ay Imaaraadka ka leeyihiin Bariga Afrika ayaa ka dhigay Mid Isu dhow Arimaha Madoobe Iyo “Hemeti”

Inkastoo dib u milicsi qoto dheer ay u baahan tahay marka la doonayo in la, lafa guro waxyaabaha ku qarsoon daaha gadaashiisa ee riixaya in hogaamiyayaasha Jubbaland iyo RSF ay ku Caasigaroobaan Somalia Iyo Sudan hadana soo gaabintu waxay ina tusineysaa saameeynta ay labadan arin isku leeyihiin Hogaamiyaha Jubbaland ayaa xiriir kobcay la ,lahaa Imaaraadka carabta oo maamulka maaglo xeebeedka Kismaayo ka gacan siiyay arimo kala duwan intii uu ku jiray axmed madoobe colaadinta dowladii Madaxweyne Farmaajo oo Abu Dhabi ay ka dhex arkeeysay dowlada ay xafiiltamaan ee Qatar Lakabyada qorshayaal huursanaa oo soo biloowday ka hor ku soo laabashadii talada dalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hada mar mid qaraxayaa Damaca badeed ee Itoobiya, ku lug yeelashada DP WORLD, ee dakadaha barbara i...
Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024
WARARKA

Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024

Jowhar)" Waxaa shaki ku jirin dadaalka Bunuugta Islaamiga iyo doorka ay ka qaataan adeega bulshooyinka kala duwan ee Islaamka. Qiimaynta Maaliyadda Islaamku maanta waxy u dhigantaa  $3.9 trillion oo ku baahsan in ka badan 80 wadan iyadoo inteeda badan ay ku urursan tahay suuqyo kala duwan laakin ay baaxadooda yartahay.  Isbarbardhigga xogta laga helay ilo kala duwan waxay muujineysaa in 10 waddan oo kaliya ay yihiin ku dhawaad .95% hantida u dhiganta hantida shareecada adduunka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, dhaqaalaha Islaamku wuxuu ku koray xawli aad u sarreeya sanadkiiba 10%. Marka loo eego warbixinta dhaqaalaha Islaamka ee 2023, wadarta hantida shareecada waafaqsan waxay AYADUNA kori doontaa $5.95 tiriliyan marka la gaaro 2026 inkastoo taasi ay ku xiran tahay horumarka dh...
Xamza oo Nairobi Gaaray Iyo Xiisadda DF iyo Jubbaland oo u gudubtay dalalka dariska 
WARARKA

Xamza oo Nairobi Gaaray Iyo Xiisadda DF iyo Jubbaland oo u gudubtay dalalka dariska 

Xiisadda u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac. Xiisadda ayaa u muuqata inay sii baaheyso, waxayna gaartay dalalka dariska, sida Kenya iyo Itoobiya oo labaduba saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda dowladda Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Nairobi, kaas oo dowladda Kenya kala hadli doono xiisadda ka taagan Jubbaland. Ujeedka wafdigan ayaa lagu soo warramayaa inuu la xiriiro sidii meesha looga saari lahaa taageero xukuumadda Nairobi siiso Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay. Horay xukuumadda Nairobi ayaa isku deyday ...
ONLF Oo Muujisay Sida ay uga xun tahay khilaafka Dowladda Dhexe Iyo
WARARKA

ONLF Oo Muujisay Sida ay uga xun tahay khilaafka Dowladda Dhexe Iyo

Ururka ONLF ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, iskuna beddalay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in ururka uu aad uga walaacsan yahay xaaladda kasoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda labada dhinac ee keentay in ciidamo la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. ONLF ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay colaaddaan oo ay tilmaamtay inay kusii fidi karto deegaannada kale ee dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Qoraalka kasoo baxay Ururka ONLF ayaa sidoo kale baaq loogu diray labada dhinac oo laga dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallo toos ah, si loo dhameeyo xiisadda dhexdoo...
Dawo lagu dabiibayo xanuunka neefta oo 50 sano ka dib markii ugu horreysay la soo saaray
WARARKA

Dawo lagu dabiibayo xanuunka neefta oo 50 sano ka dib markii ugu horreysay la soo saaray

Cilmibaarayaasha waxay sheegeen in ay heleen markii ugu horeysay 50 sano daawo cusub oo wax looga qabanayo cudurka neefta. Daawadan oo ah mid laysku duro waxa ay yareyneysaa qeyb ka mid ah difaaca jirka, waxayna ka dhigeysaa in uusan si weyn wax u difaacin marka ay soo baxaan astaamaha neefta iyo cudurada kale ee sambabka. Daawadan oo lagu magacaabo Benralizumab waxaa hore loogu isticmaali jiray kiisaska aadka u weyn balse cilmibaaristii u dambeysay ayaa muujineysa in si joogto ah ay u isticmaali karaan ku dhawaad 2 milyan oo ku nool UK kuwaas oo sanad kasta ay neef ku soo boodo. Kooxda cilmibaaristan sameysay oo ka tirsan Jaamacadda King’s College waxay sheegeen in daawada ay tahay mid isbeddel weyn keeneysa oo wax weyn ka qabaneysa daryeelka. Dhammaan cudurrada sambabada iyo ...
Shirka Heritage oo lagu soo geba-gebeeyey Jabuuti
WARARKA

Shirka Heritage oo lagu soo geba-gebeeyey Jabuuti

Magaalada Jabuuti waxaa Arbacada maanta ah lagu soo gabagabeeyay shirka sanadeedka 8-aad ee madasha aragti wadaagga Soomaalida oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas. Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda ee fadhigiisuyahay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah.
NISA oo ku raadjoogta nin qaraxyo soo geliyay Muqdisho
WARARKA

NISA oo ku raadjoogta nin qaraxyo soo geliyay Muqdisho

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa raadjoogta nin ay shaacisay sawirkiisa oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo magaca uu isticmaalo ay NISA ku sheegtay Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq ayaa wuxuu qaraxyo soo geliyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. NISA ayaa shaacisay sawirka ninkaan iyo magaca uu isticmaalo oo aan aheyn kiisa rasmiga ah, sida lagu sheegay wargelin rasmi ah oo kasoo baxday hay’adda. “NISA waxa ay ku raad joogtaa dhagar-qabaha sawirkiisu idiin muuqdo oo isticmaala magaca Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq oo aan ahayn kiisa rasmiga ah, waxa uu ku eedeysan yahay in uu qaraxyo soo galiyay Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku nool ka...
Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay In la soo xiro Axmed Madoobe
WARARKA

Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay In la soo xiro Axmed Madoobe

Maxkamadda gobolka Banaadir oo waaran soo qabasho ah u jartay eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Ina Yustur Aw-Cabdi Haaruun. Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu soo saaray amarkan oo dhigaya soo qabashada Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda. “Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay aqbashay codsiga sare ku xusan (soo qabasho waaran) ee kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sidaas darteed waxaa la farayaa taliyaha ciidanka booliska in aad soo qabatid, islamarkaana horkeentid maxkamadda gobolka Banaadif eedeysane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe),” ayaa lagu yiri amarka soo qabasho ee kasoo baxay maxkamadda. Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan n...
Daawo : Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ansixiyey guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka
WARARKA

Daawo : Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ansixiyey guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Vila Hargeysa, ayaa goor-dhow ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay inay  169-Xildhibaan ogolaadeen , waxaana diiday 6 Mudane, sidoo kale wax ka aamusay majirto sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ansixiyeen labada gole waxa ay kala yihiin:1) Cabdikariim Axmed Xassan 2) Saadiq Abshir Garaad 3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan 4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo 5) Cumar Abuukar Cumar 6) Farxiyo Maxamed Yusuf 7) Dr. Cumar Jamac Maxamed 8) Faara...
Dheeho Kulamada Talaadada ee Champions League
SPORTS, WARARKA

Dheeho Kulamada Talaadada ee Champions League

Ederson iyo Josko Gvardiol waxay markale muujinayeen Masiibo Difaac oo naxdinta leh Kooxda Man City kulankeedii Champions League oo burbur Qarka U Saaran Kooxda Pep Guardiola ayaa iska tuurtay saddex gool oo ay hogaanka ku haysay si ay ugu sii dhacdo xaalad adag iyada oo guul la’aantooda ay gaadhay lix kulan. Kooxda Pep Guardiola ayaa u muuqatay mid dardar galinaysa ka dib markii uu Erling Haaland laba gool dhaliyay halka Ilkay Gundogan uu ku daray goolka saddexaad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa. Laakiin kooxda martida ah ee Holland ayaa soo bandhigtay soo laabasho cajiib ah si ay uga soo tagaan 5,000 oo taageere oo ku socdaalayay Rotterdam iyaga oo u dabaal degaya dhibic ay u qalmeen. Anis Hadj Moussa ayaa ka faa’idaystay qalad uu sameeyay Josko Gvardi...