WARARKA

Xukuumadda XAMZA oo u yeertay 135-ta oday ee soo dhisay DF
WARARKA

Xukuumadda XAMZA oo u yeertay 135-ta oday ee soo dhisay DF

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa maanta kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta ee wax kasoo dhisay dowladda Soomaaliyeed. Wasiir Xoosh ayaa odayaasha ku martigeliyey xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, halkaas oo ay ku yeesheen kulan xasaasi ah oo looga hadlay doorashooyinka dalka. Ugu horreyn wasiirka ayaa odeyaasha dhaqanka warbixin guud ka siiyey ka siiyay qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo codka ah oo uu ka taagan yahay muran xoogan. Sidoo kale wasiirka ayaa odayaasha uu la kulmay la wadaagay illaa iyo hadda tallaabooyinka la qaaday iyo xeerarka muhiimka ah ee la ansixiyay sida; (1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohd...
FARMAAJO oo aag culus uga baxay siyaasiyiinta mucaaradka
WARARKA

FARMAAJO oo aag culus uga baxay siyaasiyiinta mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa illaa hadda aan ka hadlin dib u doorashada hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay inta badan u hambalyeeyeen xubnaha kale ee mucaaradka ku ah Xasan Sheekh Maxamuud. Farmaajo ayaa u muuqdo inuu aag culus uga baxay xubnaha mucaaradka oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka mideysnaayeen diidmada qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah. Farmaajo ayaa u muuqdo inuu aag culus uga baxay xubnaha mucaaradka oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka mideysnaayeen diidmada qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah. Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay xubnaha kale ee mucaaradka ee garab istaagay Axmed Madoobe, waxayna muujineysaa kala aragti duwanaa...
Hormuud Telecom ayaa ka qeybgashay Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage
WARARKA

Hormuud Telecom ayaa ka qeybgashay Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage

Masuuliyiin ka socda shirkadda Hormuud Telecom ayaa ka qeybgalaya Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage oo sanadkii 8ᵃᵃᵈ maanta ka furmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. Masuuliyiin uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ayaa ka hadlay biloowgii furitaanka shirkan oo lagu wado in sanadkan diiradda lagu saaro Xoojinta Xasilloonida Gobolka. Waxaa madasha lagu soo bandhigay cilmibaarisyo, doodo cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika.
Saacadda ayaa hoos u dhacday, Iyadoo niyad jabka martigeliyayaasha COP29 uu kor u kacay
WARARKA

Saacadda ayaa hoos u dhacday, Iyadoo niyad jabka martigeliyayaasha COP29 uu kor u kacay

Iyadoo waqtiga shirwaynaha Baku uu sii dhamaanayo, wadamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ah ayaa isku khilaafsan sida loo maalgelinayo dagaalka ka dhanka ah isbedelka cimilada Iyo qaababka loo xoojinayo Adkeeysiga Iyo la qabsiga Wadamada taagta daran waxay raadinayaan $1.3 tiriliyan si ay wax uga qabtaan waxyeelada ka timaadda isbeddelka cimilada iyo inay la qabsadaan isbeddelkaas, oo ay ku jirto inay dhistaan ​​nidaamkooda tamarta nadiifka ah sida uu ka dhawaajiyay Cali Maxamed, oo ah guddoomiyaha kooxda gorgortanka ee Afrika Gorgortanka wadahadalada cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo laabtay halxiraalaha raadinta heshiis lagu keenayo lacag aad u badan oo loogu talagalay wadamada soo koraya si ay ula qabsadaan marka loo eego wadamada hodanka ah waxay muujiyeen inay diyaar u yi...
Dowlada Fadaraalka Somallia oo joojisay duulimaadyada magaalooyin hoostagta JUBBALAND
WARARKA

Dowlada Fadaraalka Somallia oo joojisay duulimaadyada magaalooyin hoostagta JUBBALAND

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Arbacadii shalay dowladda Soomaaliya ay hakad gelisay duulimaadyada garoonka degmada Doolow ee gobolka Gedo, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya Jubbaland. Diyaaradihii tegi jiray degmada Doolow oo hoostagta maamulka Jubbaland ayaa hakad ku jira shalay iyo maanta, waxayna arrintan ay saameyn ku yeelatay shacab fara badan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in hakinta duulimaayada degmada Doolow ay timid, kadib markii garoonka magaalaaasi dhowaan lagu xiray 6 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuna sii jeeday dhanka Ceelwaaq oo ay joogaan ciidanka dowladda. Xarigga saraakiisha ayaa waxaa ka dambeeyay guddoomiyaha degmada oo taabacsan maamul goboleedka Jubbaland oo uu xilligan khilaaf xooggan kala ...
Dowlada Finland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya kadib arrin ay ka diiday DFS
WARARKA

Dowlada Finland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya kadib arrin ay ka diiday DFS

Finland ayaa joojisay wadashaqeyntii horumarineed ee ay ka wadey Soomaaliya, kadib markii Soomaaliya diidey aqbalka dib u celinta muwaadiniinta ku sugan Finland, waxaa sidaas shaaciyey wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Ville Tavio. Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijka xukuumadda wadaaga ah Finland, sida uu qabo iskaashiga horumarinta Finland uu ku xiran yahay heshiiska ah in ay waddamadu oggolaadaan inay muwaadiniintooda dib loogu soo celin karo, taas oo muujineysa in la isku xirey deeqda iyo aqbalaada muwaadiniinta sharciga loo diido ama si kale Finland u dooneyso in Soomaaliya lagu celiyo. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wada-shaqeynta Soomaaliya ee dib u celinta ayaan u dhicin sidii la filayay. “Hakintu waxay ka dhigan tahay in aan go’aano dhaqaale oo cusub l...
Foreign fighters flocking to Islamic State in Somalia
WARARKA

Foreign fighters flocking to Islamic State in Somalia

The Islamic State terror group's small but influential affiliate in Somalia is growing, thanks in part to what the United Nations describes as an "influx of foreign fighters." A new report this week by the U.N. Sanctions Monitoring Team for Somalia warns that fighters, including some from countries in the Middle East, have helped the Islamic State's Somali affiliate, also known as IS-Somalia, to more than double in size to between 600 and 700 fighters. "Foreign fighters arrive in Puntland [Somalia] using both maritime and overland routes," according to the report, which is based on intelligence estimates from U.N. member states. The foreign fighters "have expanded and enhanced the group's capabilities," the report said, strengthening IS's presence in Somalia's Puntland region whil...
Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland oo la doortay
WARARKA

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland oo la doortay

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii saddexaad loo doortay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad-goboleedka Jubbaland. Guddoomiyaha cusub ayaa wuxuu helay 65 cod, halka Ismaaciil Cabdi Keerow oo ahaa musharaxa kaliya ee la tartamayay Sheekh Cabdi uu helay 7 cod, halka ay xumaadeen 3 cod, sida uu shaaciyay natiijada guddigii doorashada ee guddoonka golaha wakiilada Jubbaland. Xildhibaannada codeeyay ayaa ka kooban illaa 75 xubnood oo ay dhowaan soo xuleen odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbaland. Doorashada guddoonka ee maanta dhacday ayaa waxaa xigi doonto midda madaxtooyada oo iyana la qabanayo isla 25-ka bishaan Novermber, taas oo lagu wado in mar kale lagu soo doorto madaxweyne Axmed Madoobe. Dhaq-dhaqaaqa doorasho ee haatan ka socda Jubbaland waxaa diidan dowla...
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qorshaha Dowladda ee Ku Aadan Hirgelinta Doorashooyinka Tooska ah
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qorshaha Dowladda ee Ku Aadan Hirgelinta Doorashooyinka Tooska ah

Muqdisho, Nofeembar 20, 2024- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Boqorka Dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay ahmiyadda ay u leedahay xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dalka hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha. “Doorash...
Xogta horjooge sare oo Al-Shabaab ah oo maanta la horgeeyay maxkamadda
WARARKA

Xogta horjooge sare oo Al-Shabaab ah oo maanta la horgeeyay maxkamadda

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa shaaciyay in maanta uu maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cabdullahi Maxamed Geeseey, loona garan ogyahay Xaaji Kaash ayaa kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda. Xaaji Kaash ayey maxkamadda gobolka Banaadir isla maanta u gudbisay xabsi ku hayn kumeel-gaar ah, kadib markii maxkamadda ay ku qanacday cadeymaha hordhaca ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka. “Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa waxa uu horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir Xaaji Kaash oo argigixisada u qaabilsanaa maaliyadda. Xafiiska ayaa markuu soo dhameystiro baaritaanka ayaa waxaa la bilaabi doona maxkamadeynta eedeysanaha,” ayaa lagu yiti q...