Xuska maalinta Carruurta Adduunka ee 20 November
Meelo badan ayaa xuquuqda carruurta si qaldan loo fahmay, la dafiray ama xitaa la diiday oo la weeraray iyadoo maanta dunida laga xustayo maalinta caalamiga ah ee Carruurta Adduunka oo ku beegan 20 November
"Qaadashada Heshiiska Xuquuqda Carruurta waxay waajib ku tahay dowlad Iyo Shacab ayuu yiri Agaasimaha Pan-African human right defenders Dr Hassan Shire oo axdiga ilaalinta xuquuqaha caruurta iyo in la difaaco ku tilmaamay mid aan gorgortan geli karin oo caalami ah.
Shabakada Dheeho ayaa daabacday warbixin ay soo saartay heyadda UNICEF oo ka hadlaya xaaladaha Caruurta aduunka oo lagu soo beegay maalinta carruurta adduunka ee 20 ka November
Heyaddaha Unicef, Save the children iyo kooxaha u Ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa si wadajir ah uga deyrinayay xadgudubyada dagaal ee ka dhan...