WARARKA

Dheeho Kulamada Isniintii Ugu Danbeysay ee Sanadka sii dhamaanaya ee 2024-ta
SPORTS, WARARKA

Dheeho Kulamada Isniintii Ugu Danbeysay ee Sanadka sii dhamaanaya ee 2024-ta

Newcastle ayaa Old Trafford ku garaacday Manchester United Newcastle ayaa Old Trafford ku garaacday Manchester United kulan horyaalka ah markii labaad oo kaliya tan iyo 1972 si ay u dhaleeceeyaan kooxda martida loo yahay guuldaradii seddexaad ee isku xigta ee garoonkeeda tartamada oo dhan markii ugu horeysay muddo ka badan 60 sano. Ma ahan tan iyo waayihii Sir Matt Busby ee xilli ciyaareedkii 1962-63 Manchester United ayaa laga badiyay seddex kulan oo isku xigta oo gurigeeda ah. Laakiin goolashii hore ee Alexander Isak iyo Joelinton ayaa siisay nimanka Eddie Howe guul ay u qalmeen taas oo ka dhigtay in ay ku jiraan kaalinta shanaad dhamaadka cajiibka ah ee 2024. Newcastle ayaa badisay afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, Isak oo ah kan ugu fiican ayaa ka dhiga...
Daawo : Reysilwasaare Xamza oo ka hadlay Doorka Baraha bulshada ay ku leeyihiin Hurinta colaadaha
WARARKA

Daawo : Reysilwasaare Xamza oo ka hadlay Doorka Baraha bulshada ay ku leeyihiin Hurinta colaadaha

Ra'iisul Wasaare Xamse "Shuruuc ayaan kasoo saari doonnaa dadka Baraha Bulshada ka wada kicinta dagaallada qabaa'ilka maxaa yeelay amniga ayay qatar ku yihiin". Ra'iisul Wasaare Xamse "Waxgaradka, Culimada iyo Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay u kacaan joojinta colaadaha ka taagan dalka". Galka shidaal baarista Soomaaliya oo maanta la wareejiyay Ra'iisul Wasaaraha XFS oo maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Wasiirkii hore. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Daahir Shire Maxamed iyo wasiirkii hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Daahir Shire ayaa sidoo kale wuxuu la wareegay galka shidaal baarista Soomaaliya oo haatan maraya marxalad...
Soomaaliya oo digniin kama dambeys u dirtay shaqsiyaad
WARARKA

Soomaaliya oo digniin kama dambeys u dirtay shaqsiyaad

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus oo u muuqata kama dambeys kasoo saartay dadka baraha bulshada ka hurinaya colaadaha sokeeye ee ka aloosan qeybo kamid ah dalka. Dowladda ayaa caddeysay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafinaya muuqaalada, sawirada, codadka, qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha sokeeye. “Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka,” ayaa lagu yiri goordhoweyd bayaan kasoo baxay dowladda.
Rag hubeysan iyo alaab ay wadeen oo lagu qabtay MUQDISHO
WARARKA

Rag hubeysan iyo alaab ay wadeen oo lagu qabtay MUQDISHO

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay rag hubeysan oo waday Maan-dooriye. Ragga lasoo qabtay oo 4 ka kooban ayaa lagu soo bandhigay saldhigga degmada Heliwaaa, halkaas oo lagu xiray, sida lag sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska. Sida lagu sheegay warka Booliska raggan oo hubeysanaa ayaa waday ku dhowaad 10 loor oo Xashiish ah, isla markaana loo soo ekeysiiyay dhuxul. Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa caawa ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka....
Ciidamada DF oo burburiyay xaafad ku taalla MUQDISHO
WARARKA

Ciidamada DF oo burburiyay xaafad ku taalla MUQDISHO

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal burburin ah. Ciidamada ayaa cagta mariyay xaafadda Buulo Weekiyo oo ku dhow dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku jarmaadeen dhulkan oo dan-guud ah, waxaana xigtay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada. Burburinta saaka laga sameeyay gudaha ddegmada Xamarjajab ayaa daba socotay digniin la siiyay shacabka degan dhulkaasi, balse ay ka dhego adeegeen amarka dowladda, waxaana ku xigtay burburinta iyo ciidamo loo soo diro xaafaddaasi. Sida ay sheegeen saraakiil u ...
Fiqi iyo Jaamac oo ka hadlay go’aanka ay Burundi uga hartay howlgalka AUSSOM
WARARKA

Fiqi iyo Jaamac oo ka hadlay go’aanka ay Burundi uga hartay howlgalka AUSSOM

Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Burundi uga mahadcelisay kaalintii ay ka soo qaadatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, maadaama ay xalay ku dhawaaqday inay ka hareyso howlgalka cusub ee 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya oo loo bixiyey AUSSOM. Dowladda Burundi ayaa ka carootay tirada yar ee dowladda Soomaaliya ay u qoondeysay, maadaama 1,000 askari loo ogolaaday inay ku soo darsadaan ciidanka loo qaadanayo howlgalka cusub ee AUSSOM, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ayaa ka hadlay dalabka Burundi ay uga hareyso howlgalka cusub. Ugu horeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa muujiyay sida ay dawladda Soomaaliya uga mahadcelinayso ciidamada Burundi ee ka soo qeyb qaatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, naf-hurnimadii, taageeradii, soo nooleyntii amniga ...
Axmed Madoobe oo loo diiday inuu ka dago Nairobi, Iyadoo xaalafiisa Caafimaad uu sii xumaanayo
WARARKA

Axmed Madoobe oo loo diiday inuu ka dago Nairobi, Iyadoo xaalafiisa Caafimaad uu sii xumaanayo

Warar aan ka helnay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaaya in maalmihii lasoo dhaafay xubno xildhibaano u badan oo ka wakiil ah Axmed Madoobe kulan la yeesheen Sirdoonka Military-ga Kenya (Military Intelligence) waxayna ka codsadeen in la siiyo diyaarad ay leeyihiin Military-ga Kenya oo soo qaada Axmed Madoobe oo ku xayiran Magaalada Kismaayo madaama Dowladda Soomaaliya saartay xayiraad safar una jartay Waaran soo qabasho. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay la arkayay xubnaha Axmed Madoobe taageersan oo dadka Nairobi jooga u sheegaayay in Madoobe imanaayo Nairobi, laakiin dabagal dheer oo aan sameynay waxaan ku ogaanay in Dowladda Soomaaliya iyo Kenya si dhaw uga wada hadleen inaan Axmed Madoobe wax xiriir ah lala sameyn karin, si loo ilaaliyo xiriirka diblamaasiyadeed, Dhaqaale, De...
Dheeho Warbixinada Kulamada Super Sunday ee kooxaha Yurub
SPORTS, WARARKA

Dheeho Warbixinada Kulamada Super Sunday ee kooxaha Yurub

Roma ayaa barbaro 1-1 ah ku qabatay Milan Barbaraha ayaa cadaadis dheeri ah ku kordhinaya tababare Paulo Fonseca, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in Rossoneri ay diyaar u tahay inay ku beddesho Sergio Conceicão. Mowjado mudaaharaad ah oo ka imanayay taageerayaasha Milan ee Curva Sud, oo inta badan looga hadlay mulkiilaha Gerry Cardinale iyo guddiga, ayaa calaamadeeyay 10kii daqiiqo ee furitaanka guriga Rossoneri ee Roma. Alex Jimenez wuxuu sii waday bixinta nolol la mid ah sidii safaradii ugu dambeeyay, maadaama uu u muuqday mid awood u leh inuu shido dhinbiil daqiiqad kasta, si ka duwan Samuel Chukwueze. Si kastaba ha ahaatee, inta Rossoneri ay ku guuleysatay inay abuurto tiro fursado wanaagsan, waxay meesha ka saari doontaa saxnaan la'aantooda iyo ku dhameysashada sed...
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MUHIIM AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA JABUUTI
WARARKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MUHIIM AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA JABUUTI

Diseembar 29, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada Labada shacab. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaali...
Faransiiska iyo Masar oo ka wada-hadlay howlgalka cusub ee Soomaaliya
WARARKA

Faransiiska iyo Masar oo ka wada-hadlay howlgalka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo Sabtidii shalay khadka taleefoonka wadahadal ku yeeshay, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Madaxweyne El-Sisi ayaa iftiimiyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga qaranka Masar, taasoo uu sheegay inay keentay ka qeybgalka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ka billaabanaya Soomaaliya bisha January ee 2025. Waxuu Al-Siisi sheegay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri lahayd xaqiijinta amniga iyo xasiloonida iyadoo loo marayo iskaashi laba geesood ah oo salka ku haya heshiiskii difaaca ee bishii August lagu gaarey magaalada Qaahira. Madaxweyne El-Sisi ayaa sidoo ka...