Kadib Guushii Doorashada Cabdiraxamaan Ciro Aan eegno waa kuma Musharaxa Guuleeystay ?
Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland oo saakay shir jar'aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro) uu ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah.
Arrintaas ayaa ka dhigan in musharrax Cirro uu ka guulaystay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi oo u sharraxnaa xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo isna u sharraxnaa xisbiga UCID.
Dhanka dhibcana ay kala haleen markaan eegno sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Somaliland musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani waxaa uu ku guulaystay codadka ugu badan oo gaaraya boqolkiiba 63.92 cod.
Xisbiga Kulmiya musharraxna uu u ahaa madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi...