Pakistan oo dadaal ugu jirta sidii loo dayn lahaa laheystayaal gacanta ugu jira burcad badeed Soomaali ah
Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari ayaa u xilsaaray wasiirka arrimaha gudaha Rehman Malik inuu qaado tillaabooyin lagu soo deynayo la haystayaasha Pakistan ee gacanta ugu jira burcad badeeda Soomaalida.
Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Zardari wuxuu telefoon kula xiriiray wasiirka arrimaha gudaha, wuxuuna faray in uu dadaal badan ku bixiyo sidii iyagoo bad-qaba dalkooda Pakistan loogu soo celin lahaa haystayaasha, maadaama waqtiga ay burcad-badeeddu qabteen uu ku eg yahay maalintaTalaadada.
Ehelada la haystayaasha ayaa ku jira murugo joogto ah tan iyo markii burcad-badeeddu ay ku afduubeen markabka MV Albedo xeebaha Soomaaliya bishii November 2010, waxaana la socday badmaaxayaal u dhashay Pakistan, Bangladesh, Sri Lanka iyo Iran.
Markii hore, burcadbadeedd...