WARARKA

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Bulshada EAC
WARARKA

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Bulshada EAC

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qayb galay shirka 18-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Dowladaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya. Guddoomiyaha oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afirka, iyo kaalinta ay ka gaysan karto horumarka dhinaca dhaqaalaha, iskaashiga Ganacsiga, Nabadda iyo horumarinta Bulshada, sidoo kale guddoomiyuhu, wuxuu xusay in Ururkan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha Afrika ayna ku dhiirigelinayso in Afrika oo idil ay iskaashato, islamarkaana ay samaysato midow ay u dhanyihiin dowladahaas, taas oo faa’iido wayn u ah dhaqaale ahaan, bulsho...
BFS oo guda galay doodda dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashada
WARARKA

BFS oo guda galay doodda dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashada

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta leh fadhi lagu gudagalayo doodaha Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha. Fadhigan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo Wasiiru dowlaha Waaaaradda mudane xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow. Dhanka kale Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo Xildhibaannada hortooda ku dhaariyay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta Mudane Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdirashiid Ducaale, kuwaas oo uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Ba...
Muranka Geeska Ma Yahay Figrad U Wanaagsan Raadinta Aqoonsi Quus Laga Joogo ?
WARARKA

Muranka Geeska Ma Yahay Figrad U Wanaagsan Raadinta Aqoonsi Quus Laga Joogo ?

Ilaa hal mily oo qof ayaa u dareeray cod dhiibaahda dorasho ka dhacday Maamulka Somaliland oo Somalia ay u aragto qeyb ka mid ah dalkeeda. Dadka Somaliland oo la halgamaya kor u kaca qiimaha maciishada iyo xiisadaha dhuleed ee ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda ayaa kala dooranaya sadax Musharax Iyadoo doorashadan aysan ka qabsoomin magaalada Laascaanood oo Maamulka Khaatumo dagaal mudo socday kadib uu ku dhawaaqay in ay ka go,een Somaliland Hogaamiyaha Maamulka la baxay Somaliland Muusa biixi cabdi ayaa Muran ka dhex abuuray Somalia Iyo Itoobiya horaantii sanadkan markii heshiis MOU uu la galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Inkastoo 11 bilood ka dib Isafgaradku uu halkiisii taagan yahay hadana Xiisad ka dhex alloonsan dalalka dariska ah ee Geeska Afrika ayaa sii xogeeysat...
Heyadda NISA oo gacanta ku dhigtay raggii ka dambeeyay dilka ganacsatada
WARARKA

Heyadda NISA oo gacanta ku dhigtay raggii ka dambeeyay dilka ganacsatada

NISA ayaa shaaca ka qaaday in lasoo xiray Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali , kuwaas oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. Hay’adda ayaa sheegtay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka, waxayna intaasi ku dartay in cadaaladda la horgeyn doono. Sidoo kale NISA ayaa xustay in lagu raad-joogo nin kale oo baxsad ah, qaybna ka ahaa dilka loo gaystay ganacsatada. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in NISA ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo ciribtiro. Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay...
Dadweynaha Somaliland oo codkooda ka dhiibanaya doorashada isku sidkan
WARARKA

Dadweynaha Somaliland oo codkooda ka dhiibanaya doorashada isku sidkan

Dadweynaha Jamhuuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta dooorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo tan ururrada. Xilka madaxweynaha waxaa ku tartamaya saddex musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haye Muuse Biixi Cabdi kana socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo u sharaxn Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda Xisbiga Ucid. Saddexda Xisbi ee u tartamaya madaxtooyada iyo ilaa toddobo urur oo kale ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan saddex xisbi oo bud-dhig u noqda Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa xilka hayay toddobo sano, iyadoo ay ahayd in doorashadu dhacdo sanadkii 2022-kii hase-yeeshee taa ma dhicin oo laba sano ayuu ku darsaday, taasoo dhal...
Shabaab-kii ugu badnaa oo Xarardheere iska dhiibay iyo sababta kaliftay
WARARKA

Shabaab-kii ugu badnaa oo Xarardheere iska dhiibay iyo sababta kaliftay

Tiradii ugu badneyd ee dhalinyaro ah oo wada socda, kana soo goostay Al-Shabaab ayaa maanta isku dhiibtay ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta Qaranka u sheegay in 7 kamid ah Khawaarijta ay maanta isku soo dhibeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere. Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka deegaanada Galmudug ay kala kulmeen. Sidoo kale raggaan ayaa sheegay in ay go’aansadeen inay isku soo dhiibaan dowladda kadib markii ay u adkeysa waayeen rafaadka, oonka iyo gaajada ku heysata duurka. Sidoo kale...
Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka cimilada
WARARKA

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka cimilada

Saalax Jaamac oo hogaaminaya Ergada Somalia ee shirka COP29 Azerbaijan Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa hoggaaminaya wafdiga heer sare ah ee Soomaaliya uga qayb galaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka qabsoomaya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Shirkan muhiimka ah ayaa waxa uu diiradda saarayaa dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo Isbeddelka cimilada, iyadoo Soomaaliya ay si firfircoon u mataleyso danaha iyo dedaalada ay ugu jirto la tacaalidda saameynta daran ee Isbeddelka cimilada. Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa shirkan uga qayb galaya mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: adkeynta iskaashiga caalamiga ah ee ku saabsan la tacaalidda Isbeddelka cimilada, taageerada dh...
UN conducts fourth review of Ethiopia’s human rights record amid mounting reports of rights abuses
WARARKA

UN conducts fourth review of Ethiopia’s human rights record amid mounting reports of rights abuses

The abuses Ethiopian journalists are facing in the Abiy administration is getting worse Ethiopia’s human rights record is under review today, 12 November 2024, by the United Nations Human Rights Council’s Universal Periodic Review (UPR) Working Group, marking the fourth assessment of the country’s human rights practices. Ethiopia’s review is part of the UPR Working Group’s ongoing session from 4 to 15 November, during which the human rights records of 14 countries are scheduled for evaluation. Ethiopia’s previous UPR reviews took place in December 2009, May 2014, and May 2019. This session will see Ethiopia present its progress and actions on recommendations from past reviews, along with recent developments in its human rights landscape. The review documents include a...
Ergo u kala Dabqaadeeysa DF iyo Jubaland Ayaa la kulmay R/Wasaare Xamza
WARARKA

Ergo u kala Dabqaadeeysa DF iyo Jubaland Ayaa la kulmay R/Wasaare Xamza

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya kaas oo horay u tegay Kismaato, si uu dhex-dhexaadin u sameeyo. Xubnaha wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka. Xubnaha wafdiga ayaa kala ahaa Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow. Inta uu socday shirkooda ayaa wax...
NISA oo cagta marisay koox Argagixiso deegaan hoostaga Galcad
WARARKA

NISA oo cagta marisay koox Argagixiso deegaan hoostaga Galcad

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas lagu khaarijiyey ugu yaraan illaa 23 ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa deegaanka Dharaarwey oo hoostaga magaalada Galcad. Sidoo kale Hay’adda Nabad-sugidda ayaa tilmaamtay inay gubtay saddex gaari oo ay lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo uu mid kamid ahaa baabuur Cabdi Bile ah. Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay ku raad joogto xubno kale oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab, si loo soo afjaro. Xaaladda deegaanka uu howlgalka ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada weerarka qaaday ay dib...