WARARKA

DF oo war xasaasi ah kasoo saartay doorashada berri ka dhaceysa Somaliland
WARARKA

DF oo war xasaasi ah kasoo saartay doorashada berri ka dhaceysa Somaliland

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashada madaxweyne ee beri ka dhici doonta deegaanada Somaliland, taas oo ah mid toos ah oo qof iyo cod ah. Doorashada ayaa waxaa ku loolamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Dowladda Federaalka ayaa si weyn u boggaadisay hannaanka ay ku socota doorashada Somaliland, waxayna farriin culus u dirtay guddiga maamulaya doorashadaasi. Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa looga codsaday guddiga doorashada Somaliland inay hubiyaan maamulka doorashada uu jiro gacan ammaan ah, si looga hortego qalalaase ka dhashay natiijada soo bixi karta. “Wasaaradda Arrim...
Maxay yihiin waxa uu sameeyay Johnny Somali ee sababay in loo gacan galiyo xeer ilaalinta Kuuriyada Koonfureed?
WARARKA

Maxay yihiin waxa uu sameeyay Johnny Somali ee sababay in loo gacan galiyo xeer ilaalinta Kuuriyada Koonfureed?

Ninka YouTube-ka caanka ah ee lagu magacaabo Ramsey Khaalid Ismaaciil, loona yaqaanno “Johnny Somali oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa loo gacan geliyay xeer ilaalinta Kuuriyada Koonfureed, kadib markii lagu eedeyay inuu dhunkadayTaallo loo yaqaanno “Taallada Nabadda” isla markaana lagu xuso haween loo gaystay tacadiyo ka dhan ah jinsiga intii lagu jiray xukunkii gumeystihii Kuuriya ee Japan ee hilaaddiii 1910 ilaa 1945-tii. Taallooyinkii dhibbanayaashii addoonsiga galmada ee xilligii dagaalka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ah astaamo aad dadweynuhu ay u qadariyaan kuna xasuustaan dhacdooyin kala duwan oo mid walba leh saameynteeda sida dunida kalaba. Sida laga soo xigtay Xarunta Booliska Seoul Mapo Isniinta maanta ah, ninkaan ayaa lagu wareejiyay Arbacadii Kuuriyada Koonfureed ...
Daawo ; Xasan Sheekh Oo ku baaqay xabad joojin degdeg ah, oo ku aadan colaada Bariga dhexe ee Falastiin, Israel Iyo Lubnaan
WARARKA

Daawo ; Xasan Sheekh Oo ku baaqay xabad joojin degdeg ah, oo ku aadan colaada Bariga dhexe ee Falastiin, Israel Iyo Lubnaan

Xasan Sheekh Oo ku baaqay xabad joojin degdeg ah, oo ku aadan colaada Bariga dhexe ee Falastiin, Israel Iyo Lubnaan Isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga dhexe waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka sheegay Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Riyadh sida uu uga xun yahay dalkiisa qasaaraha gaaray shacabka Falastiin iyo Lubnaan, kuwaas oo uu yiri waxay la kulmeen xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburinta kaabayaashoodii nolosha “Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda ayuu ku yiri khudabdiisa Madaxweyne Xasan oo Intaas ku daray "Xalka n...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Dalalka Islaamka
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Dalalka Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay kaga qeyb-galayaan shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta. Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, iyadoo shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo...
Daawo: Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee doorashada qof iyo cod
WARARKA

Daawo: Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee doorashada qof iyo cod

Mudaneyaasha labada Aqal ee BJFS oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta saddex hindise sharciyeed oo la xiriira qorshaha doorasho qof iyo cod ah. Saddexdan hindise sharciyeed ayaa waxaa ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah ee labada aqal ee baarlamaanka dalka ee u xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga. 170-Xildhibaan ayaa u codeysay maanta, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, waxaana sidaas ansax ku noqday habraaca fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta saddexda hindise-sharciyeed, sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaali...
Midowga Afrika oo shardi ku adag Itoobiya ku xiray ka qeyb-galka howlgalka Soomaaliya
WARARKA

Midowga Afrika oo shardi ku adag Itoobiya ku xiray ka qeyb-galka howlgalka Soomaaliya

Somalia oo ku guuleysatay taageerada Midowga Afrika ee ku aadan in Itoobiya ay banaanka ka ahaato howlgalka cusub ee (AUSSOM) Midowga africa ayaa ku dhawaaqay in ciidamada ka qeyb galaya howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee (AUSSOM) ay ka imaanayaan oo kaliya waddamada ixtiraamaya madax banaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Arrintan ayaa caqabad ku ah Itoobiya, oo dowladda Soomaaliya ay horey ugu eedeysay inay ku xadgudubtay madax-banaanideeda kadib heshiiskii ay la saxiixatay gooni-u-goosadka gobolka waqooyiga Somalila ee Somaliland Guddiga Midowga Afrika oo fulinaya go’aannada iyo hawl-maalmeedka Midowga Afrika, ayaa la-tashiyo la sameynaya dalalka Afrikaanka ah ee muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidammo ku biiriyaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee...
Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Dib U Raadisay Sarkaal ay Horey Shaqada Uga Ceyrisay
WARARKA

Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Dib U Raadisay Sarkaal ay Horey Shaqada Uga Ceyrisay

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo mar kale loo magacaabay Taliyaha Xoogga Dalka Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah. Magacaabidda Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda laga bedelay hoggaaminta ciidanka xoogga. Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana ...
Dhacdooyinka Sportiga Maanta waxaa ku jira Kulamada Napoli v Inter Milan, Chelsea v Arsenal, Barcelona v Real  Sociedad +
SPORTS, WARARKA

Dhacdooyinka Sportiga Maanta waxaa ku jira Kulamada Napoli v Inter Milan, Chelsea v Arsenal, Barcelona v Real Sociedad +

Inter 1-1 Napoli Ciyaartii aadka loo wada sugayay ee Serie A ee u dhaxaysay Internazionale iyo Napoli ayaa xalay fiidkii ku kala baxay barbaro 1-1 ah garoonka Stadio Giuseppe Meazza. Scott McTominay ayaa hogaanka u dhiibay hogaanka horyaalka horaantii ciyaarta, ka hor inta uusan Hakan Calhanoglu u dhalin goolka barbaraha ee kooxda martida loo ahaa si uu u xaqiijiyo dhibic. Natiijadu waxay keentay in Napoli ay isku xoojiso kaalinta kowaad ee kala saraynta Serie A. Napoli ayaa hal dhibic oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka Seria A, iyadoo kooxda difaacaneysa horyaalka ee Internazionale ay barbaro 1-1 ah ku kala baxeen garoonka Stadio Giuseppe Meazza. Scott McTominay ayaa hogaanka u dhiibay Napoli, ka hor inta uusan kubad uu soo tuuray Hakan Calhanoglu u keenin Inter...
DFS oo war ka soo saartay hannaanka sharci darro ee Axmed Madoobe ka wada Jubbaland
WARARKA

DFS oo war ka soo saartay hannaanka sharci darro ee Axmed Madoobe ka wada Jubbaland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ku qotoma Arrimaha Doorashooyinka, heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo hannaanka sharci darro ee Axmed Maxamed Islaam ka wada Jubbaland, kaas oo qeyb wayn ka ahaa dhamaan heshiisyadii horay Golaha u gaaray. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS halka hoose ka Akhriso:-
Khawaarijta oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Masagawaa
WARARKA

Khawaarijta oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Masagawaa

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda degaanka ayaa ka hortagay weerar maleeshiyaadka Khawaarijta isku dayeen inay kusoo qaadaan magaalada Masagawaa ee briga gobolka Gal-guduud Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo kawar qabay dhagarta Khawaarijta ayaa halkaasi cashar ugu dhigay, iyagoona maleeshiyaadkii lasoo qalday sii eryaynaya degaanka Dhabaqle. Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa Warbaahinta u sheegay in khawaarijta la gaarsiiyay khasaare xooggan, oo hadda ay socota tirinta dhagarqabeyaashii lagu laayey halkaas. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidaan oo kale dhoor jeer khawaarijta ku jabiyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay khawaarijtii so...