WARARKA

NISA oo sheegtay in dhawr iyo toban ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Shabeellaha Dhexe
WARARKA

NISA oo sheegtay in dhawr iyo toban ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgal gaar ah lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku urursanaysay meel qarsoodi ah oo ku taala deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA waxay sheegtay in halkaas lagu dilay 19 ka tirsan Al-Shabaab. NISA waxa kale oo ay sheegtay in lala socday xogta kooxda halkaa isku urursanaysay, deetana la beegsaday. Ciidamada sirdoonku kama hadlin nooca hawgalka ee ay halkaas ka fuliyeen, waxaase loo badinayaa in ay ahayd duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday halka bartilmaameedku ahaa. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa todobaad kii hore sheegay in ciidamadu qaadi doonaan duqeymo culus oo ka dhan ah xoogagga Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay dadk...
Dheeho Warbixinada Ciyaaraha Europa League Man Utd ,Galatasaray, PAOK, Chelsea+
SPORTS, WARARKA

Dheeho Warbixinada Ciyaaraha Europa League Man Utd ,Galatasaray, PAOK, Chelsea+

Man Utd 2-0 PAOK Goolkii labaad ee uu dhaliyay Amad Diallo ayaa Manchester United u sahlay in ay ka badiyaan kooxda difaacanaysa horyaalka Giriiga ee PAOK si ay u bilaabaan ololahooda Europa Leaque-ga isla markaana ay u dhaliyaan darbo fiican oo uu u dhaliyay tababaraha cusub ee Ruben Amorim. Amad wuxuu ilaa hadda ahaa halista ugu weyn ee goolka United. Waxa uu jabiyay ismari waagii markii uu madax ka soo tuuray geesta fog shan daqiiqo ka dib markii ay dhamaatay. Ciyaaryahanka reer Ivory Coast ayaa guusha soo xirtay markii uu ka soo laabtay cidhifka aagga 13 daqiiqo markii ay ka harsaneyd waqtiga. Tarik Tissoudall ayaa lumiyay fursadii ugu fiicnayd ee PAOK markii uu ku guul daraystay in uu gool u badalo 8 yard isaga oo kaliya Andre Onana garaacay. Onana waxa kale oo uu samee...
Golaha Wasiirrada oo dhageestay warbixin ku saabsan La-dagaalanka khawaarijta 
WARARKA

Golaha Wasiirrada oo dhageestay warbixin ku saabsan La-dagaalanka khawaarijta 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Qiimeynta Qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta. Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029).
Japan Oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 14-Bilyan Iyadoo
WARARKA

Japan Oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 14-Bilyan Iyadoo

Munaasabad kooban oo deyn cafinta Japan ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi, ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis Dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan Boqol Milyan oo Doolar. Heshiiskaan uu maanta saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal waliba gaarkiisa loogala xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka. Munaasibadda saxiixa oo koobneyd kadib, Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS aya...
48 qof oo lagu dilay rabshadaha Itoobiya
WARARKA

48 qof oo lagu dilay rabshadaha Itoobiya

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in ay baarayso dilka 48-ka qof ee lagu dilay gobolka Oromia ee rabshadaha ay ka socdaan, waxayna eedda dhiiggan la daadiyey dusha ka saartay mucaradka. Weerarkan oo ay fuliyeen Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo ah mid Addis-Ababa ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayaa toddobadkii tegay ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda, sida uu sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC). Ugu yaraan 48, oo uu ku jiro mas’uul degmo, ayaa la dilay. "Xaaladda aagga hadda aad ayay u kacsan tahay," Ato Badassa, oo ah madaxa gobolka ee ee hay’adda EHCR ee dowladda xiriirka la leh balse madax-banaan ayaa u sheegay AFP. Tiro dad ah ayaa sidoo kale la afduubay, ayuu yiri, isagoo aan sheegin tirada. Oromi...
Xildhibaannada aqbalay wicitaanka Axmed madoobe oo gaaray Kismaayo
WARARKA

Xildhibaannada aqbalay wicitaanka Axmed madoobe oo gaaray Kismaayo

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Xildhibaannadan oo laga soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxay halkaasi uga qeyb-galayaan shir wadatashi ah oo uu isugu yeeray madaxweyne Axmed Madoobe Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo intaas kadib loo sii galbiyay madaxtooyadda maamulkaasi. Xildhibaannadan oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa aqbalay shirka wada-tashi ee ugu yeeray Axmed Madoobe, iyaga oo ugu dambeyn maanta ka degay Kismaayo. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada aqal ee baarlamaanka...
Maxkamadda gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ay ka dhex tafatay
WARARKA

Maxkamadda gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ay ka dhex tafatay

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) iyo guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka ee gobolka ayay ka dhex tafatay, waxaana la’isku qabtay fulinta xukunnada ay soo saarto maxkamadda Arrintan ayaa daba socoto, kadib markii qaar kamid ah qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ay sheegeen in aan lasoo wargelin marka la fulinayo xukunnada dhulka ku yaalla degmooyinkooda, taasina ay tahay mid laga haboon yahay. Saalax Dabaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag ula hadlay maamullada degmooyinka, wuxuuna sheegay in aysan ka hadli karin xukun maxkamad ay riday oo ku saabsan guryaha ama dhulalka ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddoomiyeyaashu shaqadooda ay tahay kaliya inay ka sha...
Al-Shabaab oo jab culus la gaarsiiyay maanta – Sidee wax u dhaceen?
WARARKA

Al-Shabaab oo jab culus la gaarsiiyay maanta – Sidee wax u dhaceen?

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorshesan oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, isla markaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku sugnaa dhulka hawdka ah ee gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa mid qorsheysan ayaa gaar ah uga dhacay inta u dhexyesa deegaanada Cag Libaax iyo Orgiyoow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Jubbalnd ayaa howlgal jab lagu gaarsiiyay Khawaaeijta kasameeyay Gobolka Jubbada Hoose. Dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo degaanka Cag Libaax iyo...
Muxuu Yahay Heshiiska Xasan Cali Kheyre uu dhaliilay ee  Madaxweyne Xasan uu la Sixiixday Germany?
WARARKA

Muxuu Yahay Heshiiska Xasan Cali Kheyre uu dhaliilay ee Madaxweyne Xasan uu la Sixiixday Germany?

Waxaa nasiibdarro ah in seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka qaxayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka wax ku baratay, kuna tababartay hay’adaha dalka. Dhallinyaradaas iyo qurbajoogta kale ee Soomaaliyeedba dalka ugama tegin jaceyl ay u qabaan dalal shisheeye ee waxaa ku khasbay duruufaha ka jira dalkeenna. Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda. In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysa...
Cusbooneysiinta kulamada xiisa leh ee tartanka Champions League ee Habeenka Arbacada
SPORTS, WARARKA

Cusbooneysiinta kulamada xiisa leh ee tartanka Champions League ee Habeenka Arbacada

Arsenal Oo guuldarro kala Kulantay Inter Milan Hakan Calhanoglu ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta ku soo galay iyada oo Arsenal ay ku dhacday guuldaradii ugu horaysay ee Yurub xili ciyaareedkan Kooxda Arsenal ayaa guuldarro la’aanta xilli ciyaareedkan Champions League ku soo afjartay rigoore muran badan dhaliyay oo qeybtii hore ee ciyaarta ay Inter Milan ku badisay garoonka San Siro. Kooxda martida loo ahaa ayaa rigoore loo dhigay ilbiriqsiyo ka hor qeybta nasashada markii Mikel Merino loo arkay inuu kubada gacanta ku taabtay, inkastoo ay jirtay wax yar oo uu sameyn karay si uu uga baxo kubad uu soo tuuray Mehdi Taremi. Laakiin go'aanka ayaa istaagay ka dib markii uu hubiyay garsooraha caawiyaha garsooraha (VAR) iyo Hakan Calhanoglu ayaa si kalsooni leh u dhigay rigo...