WARARKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY SHIRKA MAALGASHIGA JARMALKA IYO AFRIKA
WARARKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY SHIRKA MAALGASHIGA JARMALKA IYO AFRIKA

Frankfurt, Nofeembar 06, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida. Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hiigsaneysa in la xoojiyo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha. Mad...
Sidee Soomaalida Jarmalku arkaan go’aanka madaxeyne Xasan uu ku aqbalay soo celinta dadka sharci la’aanta ah?
WARARKA

Sidee Soomaalida Jarmalku arkaan go’aanka madaxeyne Xasan uu ku aqbalay soo celinta dadka sharci la’aanta ah?

Madaxweynaha Sooomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho ku tagay dalka Jarmalka ayaa halkaas kula kulmay hogaamiyaha Jarmalka Olf Scholz, oo ay arrimo dhowr ah ka wada hadleen. Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Jarmalka taas oo ku timid casuumad uu ka helay hoggaamiye Scholz. Sida lagu daabacay bogga Facebook ee Villa Soomaaliya labada hoggaamiye ayaa kulankoodii diiradda ku saaray arimo ay ka mid yihiin taageeridda dadaalka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha arrimaha qaxootiga iyo maganga...
Gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab oo maanta lagu gubay dagaal ka dhacay
WARARKA

Gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab oo maanta lagu gubay dagaal ka dhacay

 Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan  aagga degmada Ceeldheer. Ciidamada huwanta ayaa si wadajir ah duulaan ugu qaaday Al-Shabaab, waxayna isku fidiyeen deegaano ay ka mid yihiin Maraayga Oomane iyo Isgoyska Macallin Abuukar oo dhaca bariga Galgaduud, halkaas oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in howlgalka uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado qaatay balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Saraakiil ka tirsan milatariga Sooaaliya oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay iay gubeen gaari Cabdib Bile ah iyo mooto ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, ...
Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Chancellorka Jarmalka Oo Yeeshay Wadahadal
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Chancellorka Jarmalka Oo Yeeshay Wadahadal

Berlin, November 5, 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Berlin kula kulmay Chancellor-ka dalka Jarmalka, Mudane Olaf Scholz ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga labada dawladood. Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Jarmalka taas oo ku timid casuumad uu ka helay Chancellor Scholz. Labada hoggaamiye ayaa kulankooda maanta si qota-dheer ugu lafaguray danaha labada dal iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada; cimillada, horumarinta dhaqaalaha, taageeridda dadaalka DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka, ...
Mareykanka oo Bilyan doolar ka cafiyey Somalia
WARARKA

Mareykanka oo Bilyan doolar ka cafiyey Somalia

Muaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay in ka badan $1 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Heshiiskaan taariikhiga ah ee Dowladda Mareykanka uga caafisay Soomaaliya Deymihii ay ku lehayd ayaa daba socda, kadib markii bishii March ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naaadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan. Arrintaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaaladii hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee in muddo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya soo ...
DF Soomaaliya oo heshay gaadiid dagaal oo casri ah
WARARKA

DF Soomaaliya oo heshay gaadiid dagaal oo casri ah

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta saanad milatari oo leh noocyo duwan kala wareegtay Ururka Midowga Yurub, kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo la wareegay saanaddan ayaa faah-faahin ka bixiyay, wuxuuna sheegay inay ka kooban tahay dhowr nooc, sida gaadiidka xamuulka ee ay adeegsadaan ciidamada qalabka sida. Agabka milatari ee ay maanta dowladda la wareegtay waxaa kale oo kamid ah qalabka ka hortegga miinooyinka iyo kuwo caafimaad oo loogu talagalay ciidamada Xoogga dalka. Halkan waxaan maanta kula wareegeynaa qalab muhiim u ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan gaadiidka waa wayn ee xamuulka qaada, sidoo kale ay ku jir...
Dheeho : Real Madrid Iyo Man City Oo La Kulmay Guuldaro lama filaan Ah + Warbixinada Kulamada Champions League
SPORTS, WARARKA

Dheeho : Real Madrid Iyo Man City Oo La Kulmay Guuldaro lama filaan Ah + Warbixinada Kulamada Champions League

Habeenadii Adkaa ee Guardiola ayaa biloowday Tababaraha soo socda ee Manchester United Ruben Amorim ayaa badbaadiyay mid ka mid ah guulahiisa Isboortiga kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee gurigiisa si uu u dhaleeceeyo Manchester City guuldaradii seddexaad oo xiriir ah markii ugu horeysay tan iyo Abriil 2018. Waxay ahayd guuldaradii ugu cuslayd ee City tan iyo Sebtember 2020 waana markii labaad ee uu koob ku qaado City ee Pep Guardiola lagu garaaco seddex kulan oo isku xigta hal xilli ciyaareed gudaheed. Si loo soo bandhigo habeen niyad jab leh oo City ah, weeraryahanka Erling Haaland ayaa rigoore ka dhaliyay birta goolka qeybtii labaad. Xidigii caanka ahaa ee Scandanavian-ka ee Viktor Gyokeres – oo hore u ahaan jiray Coventry City – ayaa waxyeello badan soo gaadhsiiyay isaga oo...
Soomaali uu Sacuudigu dil ku xukumay oo dalbanaya in xukunka laga khafiifiyo
WARARKA

Soomaali uu Sacuudigu dil ku xukumay oo dalbanaya in xukunka laga khafiifiyo

Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Sacuudiga kuna xukuman dil ayaa dalbanaya in xukunka laga khafiifiyo, iyagoo loo heysto inay dalkaasi soo geliyeen daroogo. Maxaabiistan oo xilliyo kala duwan la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof. Ehellada maxaabiistan oo dhalinyaro u badan oo qaarkood BBC la hadlay ayaa sheegay in markoodii hore ay dalkaasi u tageen inay ka shaqeystaan. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiweli oo ay ilmo adeer dhow yihiin mid ka mid ah maxaabiista ayaa sheegay in maxaabiistan oo tahriib ku galay dalkaas siina maray Yemen lagu khiyaamay inay daroogo geliyaan Sacudiga. "Maaddaama dadkan ay duruufo ku xeeran yihiin, waxaa dhacda in lagu baraarujiyo inay daroogo u badan kaniini iyo xashiish ay geeyaan Sacuudiga. Waxaa lagu yiraahdaa haddii aad intaas oo kiil...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Britain oo ay ka wadahadleen iskaashiga la wanaajiyey
WARARKA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Britain oo ay ka wadahadleen iskaashiga la wanaajiyey

Sheekh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ingiriiska. Danjire Nithavrianakis ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xiriirka jira, isagoo xusay ku qanacsanaanta dowladda Britain ee xiriirka iskaashiga. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay Baarlamaanka Soomaaliya waxqabadkooda sharci ee ay ka mid yihiin ansixinta sharciyo muhiim ah oo dhowaan la ansixiyay iyo ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2025-ka. Safiirka ayaa sidoo kale u gudbiyay taageerada UK ee hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, gaar ahaan waxa uu bogaadiyay sida ay dowladda uga go...
Diyaarad milatari oo ku dhacday deegaan ay maamulaan Shabaab
WARARKA

Diyaarad milatari oo ku dhacday deegaan ay maamulaan Shabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarad nooca dagaalka ah ay ku dhacday duleedka degmada Qoryooley, gaar ahaan tuulo ay maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Diyaaradda ay ahayd Drone  siday gantaallo waxayna ku dhacday tuulo lagu magacaabo Farsooley, oo ay gacanta ku heyso Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddan ay leedahay dowladda Turkiga oo kamid ah dalalka waa weyn ee taageerada milatari siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Macluumaadka la helayo ayaa muujinayo in Al-Shabaab ay gacan gashay diyaaradda iyo agabkii ay sidday, inkastoo ay ahayd nooca yaryarka ee loo adeegsado duqeymaha Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo ku aadan diyaaradda ku dhacda...