Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Berlin
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Mr, Olaf Scholz.
Madaxweynaha ayaa kulamo. muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka mudane Olaf Scholz iyaga oo ka hada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soom...