WARARKA

Man United Iyo Chelsea oo Barbaro ku galay Old Trafford,Barcelona oo Badisay Iyo Napoli oo la garaacay +
SPORTS, WARARKA

Man United Iyo Chelsea oo Barbaro ku galay Old Trafford,Barcelona oo Badisay Iyo Napoli oo la garaacay +

Chelsea Iyo Man United Oo Barbaro 1-1 ah ku galay Old Trafford Moises Caicedo’s Volley-ga ayaa siisay Chelsea dhibco ay u qalmeen kulankii Manchester United ee Old Trafford. Tababaraha ku meel gaadhka ah ee United Ruud van Nistelrooy, oo hogaanka u haya Red Devils, isla markaana ay sugayaan imaatinka cusub ee Ruben Amorim, ayaa eegayay guushii labaad oo xidhiidh ah, markii Bruno Fernandes uu rigoore ka dhigay daqiiqadii 70aad ka dib markii uu goolhayaha Chelsea Robert Sanchez u keenay goolka labaad. hoos Rasmus Hojlund. Van Nistelrooy ayaa si waali ah ugu dabaal degay khadka taabka laakiin farxada United ayaa socotay afar daqiiqo oo kaliya ilaa uu Caicedo si khabiir ah ugu garaacay darbo cajiib ah oo uu daba mariyay Andre Onana. Waxa ay keentay in la qaybsado dhibcaha kula...
Ciidanka dhulka oo maanta yeeshay xarun cusub oo heer sare ah
WARARKA

Ciidanka dhulka oo maanta yeeshay xarun cusub oo heer sare ah

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Jaamac iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb-galay xarig jarka xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka. Sheekh Aadan Madoobe oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay taliska ciidanka xoogga dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay dowladnimadda Soomaaliyeed. Waxa uuna bogaadiyay howl-galada dalka looga ciribtirayo Khawaari...
Soomaaliya oo dood ka keentay sababta xarunta Midowga Afrika ugu sii taallo Addis Ababa
WARARKA

Soomaaliya oo dood ka keentay sababta xarunta Midowga Afrika ugu sii taallo Addis Ababa

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan Soomaaliya kala dhexeyso dowladda Itoobiya. Madaxweynaha oo maanta ka hor hadlayay baarlamaanka ayaa su’aal ka keenay sababta xarunta Ururka Midowga Afrika ay ugu sii dhex taallo magaalada Addis Ababa, wuxuuna ku eedeeyay inay ku tumatay axdigii lagu aas aasay ururka oo ay ku wada jiraan labada dowladood. “Itoobiya iskuma heli karto inay ahaato xarunta Ururka Midowga Afrika iyo inay ku tumato axdigii lagu aas aasay Ururka Midowga Afrika” ayuu yiri madaxweynuhu. Sidoo kale wuxuu jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Itoobiya oo dhowaan taliyaheeda ciidamada difaaca uu ku sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad leh oo aw...
Man City Iyo Arsenal oo Guuldarro la kulmay , Liverpool , Juventus iyo Bayer Munich oo badiya +
SPORTS, WARARKA

Man City Iyo Arsenal oo Guuldarro la kulmay , Liverpool , Juventus iyo Bayer Munich oo badiya +

Bournemouth 2-1 Manchester City Antoine Semenyo iyo Evanlison ayaa goolasha u kala dhaliyay kooxda Bournemouth oo soo gaadhay guusheedii ugu horaysay abid ee ay Manchester City ku garaacdo garoonka Vitality Stadium. Erling Haaland ayaa soo bandhigay muuqaal kale oo ilko la’aan ah iyadoo Pep Guardiola oo 11 bilood oo xiriir ah aan laga badinin uu kor u kacay markii Bournemouth ay u dabaaldegtay guusheedii ugu horaysay abid ay Manchester City kaga adkaato garoonkeeda Vitality Stadium Manchester City ayaa guuldarro la’aan muddo dheer ku soo jirtay Premier League ugu dambayntii waxaa jabisay Bournemouth oo xamaasad leh, taasoo ka faa’iidaysatay dhibaatada dhaawaca ee kooxda haysata horyaalka, waxaanay si fiican ugu qalantay 2-1. Pep Guardiola ayaa ku booriyay ciyaartoyda qaar inay ...
BJFS oo ansixiyay codsiga madaxweynaha JFS ee ku aaddan in muddo bil ah lagu daro kalfadhigan
WARARKA

BJFS oo ansixiyay codsiga madaxweynaha JFS ee ku aaddan in muddo bil ah lagu daro kalfadhigan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortagay Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in muddo bil ah fasaxa Baarlamaamka dib loo dhigo si hawlaha muhiimka u hanaanka doorasho ee qof cod ah uha shaqeeyaan. Intaas kadib Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay codsiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee ahaa in fasaxa Baarlamaamka dib loo dhigo mido bil ah si looga shaqeeyo shuruucdii dalka ku hagi laheyd doorasho qof iyo cod ah. Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxooda bilaaban lahaa 6-da bishan balse hadda waxaa uu socon doonaa ilaa ilaa horaanta bisha December 2024-ka.
Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudbiyay dalab culus iyo BF oo aqbalay
WARARKA

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudbiyay dalab culus iyo BF oo aqbalay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hor tegay Baarlamaanka labada Aqal ayaa jeediyay khudbado dhinacyo badan taabaneysay,Madaxweynaha ayaa kaga hadlay khudbada guullaha laga gaaray la dagaalanka Khawaarijta,difaaca midnimada iyo karaamadda umadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dhinacyo badan ka hadlay ayaa Ka codsaday Baarlamaanka in bil dib u dhigaan fasaxooda si loo ansixiyo sharciyada lagama maarmaanka u ah doorashooyinka qof iyo cod. Golaha Baarlamaanka oo ka jawaabaya Codsiga Madaxweynaha ayaa ansixiyey in dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka mudo bil ah taas oo lagu dhamaystirayo Sharciyadda Doorashooyinka iyo Asxaabta https://youtu.be/fUyd3-5Geyo?si=UVxjBWs6BIet77O0
Xogta saraakiil Mareykan ah oo tegay xarunta ciidanka ilaalada xeebaha Somalia
WARARKA

Xogta saraakiil Mareykan ah oo tegay xarunta ciidanka ilaalada xeebaha Somalia

Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen Taliska ciidanka ilaalada xeebaha ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Saraakiishan waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed G/Sare Bashiir Cabdiqaasin. Sidoo kale saraakiishaan ka socotay dowladda Mareykanka ayaa soo kormeeray qalabka, saldhigyada iyo qaabka ay u howlgalaan ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee xeebaha Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo tayada hawlgallada Ilaalada Xeebaha ee Booliiska Soomaaliyeed. Saraakiishaan ayaa Taliyaha Booliska gaarka ah ee ilaalada xeebaha Soomaaliya Korneyl Bashiir Cabdiqaasin ka balan qaaday inay ku gar...
Xogta kulan Muqdisho ku dhex-maray agaasimaha CIA-da, Xasan iyo Sanbaloolshe
WARARKA

Xogta kulan Muqdisho ku dhex-maray agaasimaha CIA-da, Xasan iyo Sanbaloolshe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayey Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay'adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns. Kulanka waxa diiradda lagu saaray iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go'an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasill...
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay George Conway
WARARKA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay George Conway

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamud Macallin Cabullaahi iyo Madaxa isku duwida Howlaha Beni’aadannimada ee Qaramada Midoobay ahna ku xigeenka SRSG George Conway ayaa shalay oo ay taariikhdu aheyd 31/10/2024 shirkoodii bilaha ahaa ku yeeshay Xafiiska SRSG. Labada mas’uul waxey si mug leh uga wada hadleen qodoba dhowr ah oo isugu jira sidii loo fulin lahaa mashaariic beni’aadanimo iyo kuwa horumarineed. Waxaa laga xusi karaa. 1. In si wada jira looga fuliyo mashaariicdan qaar ka mida Goobihi ay wax yeeleeyen daadadka sanadki hore 2023 ka dhacay Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo & Hirshabeelle. 2. Sidoo kale, waxaa labada mas’uul ay hoosta ka wada xariiqeen in si wada jira loo abuuro hannaan la isku waafajin karo dhaqaalaha ay iska soo ururiyaan Buls...
Ciyaartoy  Soomaali ah oo loo saadaalinayo inuu ka soo muuqdo horyaalka Ingiriiska ee Premier league
SPORTS, WARARKA

Ciyaartoy Soomaali ah oo loo saadaalinayo inuu ka soo muuqdo horyaalka Ingiriiska ee Premier league

Daaha Cabdi Cali waa cayaartoy Kubadda cagta cayaara oo 26 jir ah. Wuxuu ku dhashay caasimadda Sweden ee Stockholm 1 Luulyo 1998. Waalidkiis waxay ka soo qaxeen Soomaaliya sannadihii 90-meeyadii. Wuxuu hadda u cayaaraa kooxda Malmo FF ee ka cayaarta Europa League. Laakin waxaa isha ku haysa koox ka cayaarta horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Sababaha ay ku doonayaan cayaartoygan ayaa lagu sheegay in uu yahay nin difaacyada ka soo horjeeda jebiya oo balka ka dheela. Wuxuu ka mid yahay Daaha cayaartoyda durba la safo ee kooxda Malmo ku xisaabtanto, wuxuuna ku fiican yahay dhalinta iyo dhigidda goolasha, taana waxay keentay inuu qayb muhiim ah ka qaato kaalinta ay kooxdiisa kaga jirto horyaalka Sweden ee 2024 oo ay ku hogaaminayso 61 dhibcood, waxaana kooxda ku soo xigta ee Hammarb...