WARARKA

Ciidamada dowladda oo la wareegay 15 tuulo kadib markii…
WARARKA

Ciidamada dowladda oo la wareegay 15 tuulo kadib markii…

Faah-faahino dbeeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay guutada 14- Oktobar oo la wareegtay illaa 15 tuulo oo u dhexeeya magaalooyinka Janaale iyo Shalaanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose. Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ayaa kala ah Kaaytooy, Mushaani, Majabto, Doonkaa daafeedow, Buulakamiirow, Buulajadiid,  Shufeeri, Doondheere, Cadceed, Malable. Buulanaaji, Buulaaruundi, Malable iyo Beeraha baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka. Waxaa kale oo jira khasaare xoogleh oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse saraakiishu ma shaacin tiradooda rasmiga ...
Sidee u dhacay dilkii maanta ka dhacay shirkada Hormuud
WARARKA

Sidee u dhacay dilkii maanta ka dhacay shirkada Hormuud

Maamulka Shirkadda Hormuud Telecom oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay dhacdo sababtay dil oo maanta ka dhacday xarunta wayn ee Suuqa Bakaaaraha ee magaalada Muqdisho. Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkadda ay tageen laba nin oo hubeysan, isla markaana watay dareeska ciidanka, kuwaas oo doonayay inay lacag kala baxaan shirkadda, laakiin wuxuu maamulku sheegay in la ogaaday in Sim-cardka ay wateen aysan iyagu lahayn kadib markii laga shakiyay dhaq-dhaqaaqooda. Intaas kadib labada nin ayaa baxay, waxayna keeneen gabar ay afduub ahaan usoo wateen, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa goobta ka dhacday israsaaseyn dhex-martay raggaasi iyo ilaalada Hormuud, waxaana goobta ku dhintay mid kamid ahaa labada nin halka kan kale uu baxsaday. Waxaa wel...
14-ka Oktoobar: Waa uur-ku-taallo ku daabacan quluubta shacabka ( Warbixin )
WARARKA

14-ka Oktoobar: Waa uur-ku-taallo ku daabacan quluubta shacabka ( Warbixin )

14-ka Oktoobar  waa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo argagax,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun iyo laba boqol oo ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi. Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxaha nabad-diidka,waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye,xilligaanna  doonaayey in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo. Tira-koob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ku dhow kun ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 500 oo ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa hadda...
R/Wasaare Xamza oo Muqdisho ka furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.
WARARKA

R/Wasaare Xamza oo Muqdisho ka furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah...
Xaaladda degmada Luuq oo faraha ka baxday iyo wararkii ugu dambeeyay maanta
WARARKA

Xaaladda degmada Luuq oo faraha ka baxday iyo wararkii ugu dambeeyay maanta

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Luuq, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka oo u cuslaa ayaa u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan gudaha degmadaas oo ay in muddo ah ay u dhexeysay colaad xoogan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday kadib markii ay is fara saareen maleeshiyaadka labada beelood. Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadkii xalay dagaalamay, ayada oo mar kasta la filan karo inay mar kale ku dagaalamaan halkaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalka ka ...
DFS oo garoonka Aadan Cadde ka mamnuucday diyaaradaha Droones-ka
WARARKA

DFS oo garoonka Aadan Cadde ka mamnuucday diyaaradaha Droones-ka

Dowladda Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka mamnuucday diyaaradaha meelaha fog laga hago ee Droones-ka la yiraahdo Qoraal kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta ah laga mamnuucay inay garoonka u soo dhawaadaan masaafo dhan 9 niyuutikaal mile oo dhan walba ah. Waa masaafo ku dhaw 10 KM oo dhinac walba ah, sida ku cad amarkaan ka soo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed. Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in diyaaradaha fasaxa ka haystay hay’adda duulista kaliya ay adeegsan karaan garoonka iyo hawadiisa. Faahfaahin intaas ka badan lagama bixin go’aankaan, horay waxaa u jiray warar sheegaya inay suurtagal tahay in kooxaha argagixisada ah ay diyaarado Droones ah ku weeraraan garoonka. Sid...
Xiisad ka dhalatay dilka 4 askari oo maanta ka taagan degmada Afgooye
WARARKA

Xiisad ka dhalatay dilka 4 askari oo maanta ka taagan degmada Afgooye

Xiisad xoogan oo ka dhalatay dilka 4 askari ayaa maanta ka taagan degmada Afgooye, halkaas oo ay dadweyne careysan ka dhigeen dibadbax. Dilka 4 askari ayaa ka dhacay waaxda 21-ka Oktoobar, waxaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgal ka sameeyay halkaasi. Dibad-baxayasha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi, waxayna sheegeen in wiilasha la dilay loo dhigay shirqool. Illaa iyo hadda ma jiro wax rasmi ah oo kasoo baxay maaamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Muqdisho: Heyadda SoDMA Oo Turkiga  Iyo Heyaddo Caalami Kala Shirtay Diyaargarowga Aafooyinka Iyo Nidaamyada Digniinaha
WARARKA

Muqdisho: Heyadda SoDMA Oo Turkiga Iyo Heyaddo Caalami Kala Shirtay Diyaargarowga Aafooyinka Iyo Nidaamyada Digniinaha

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashaneysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhimista Khatarta Masiibooyinka (UNDRR) ayaa dhawaan magaalada Nairobi ka bilowday shir looga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa hababka digniinta ugu horayso ee maaraynta musiibooyinka gobolka oo dhan. Kulankan istiraatijiyadeed wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go'an tahay dhimista khatarta musiibada ee firfircoon, gaar ahaan marka la eego daadadkii khasaaraha badnaa ee dhawaan ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya. Shirka oo lagu qabtay calanka horumarinta u adkeysiga ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad kala duwan oo ay ka mid yihiin wakiillo ka socday Guddiga Midowga Afrika, dhaqaalaha gobolka, iyo dhowr dowladood oo qaran. Diiradadu w...
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha
WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska, isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka. Tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka, ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dow...
QM oo soo fara-gelisay khilaafka Axmed Madoobe iyo DF iyo Swan oo maanta…
WARARKA

QM oo soo fara-gelisay khilaafka Axmed Madoobe iyo DF iyo Swan oo maanta…

Qaramada Midoobay ayaa si toos ah usoo farogelisay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhex-qarxay Jubbaland iyo dowladda dhexe, waxaana arrintaas saaka Kismaayo u tegay ku simaha ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. James Swan oo saaka ka ambabaxay Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu haatan kulamo xasaasi ah kula leeyahay Axmed Madoobe. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha Jubbaland iyo Swan ay haatan kulan gaar ah ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada, kaas oo looga hadlayo khilaafka taagan iyo xaaladda guud ee dalka. Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda siyaasadeed iyo waxyaabihii sababay inuu Axmed Madoobe isaga baxo shirkii golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdis...