WARARKA

Daawo: DFS oo adeegsiga labo arrin Muqdisho ka mamnuucday iyo dad lasoo xiray
WARARKA

Daawo: DFS oo adeegsiga labo arrin Muqdisho ka mamnuucday iyo dad lasoo xiray

Taliska Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo qabtay eedeysane Cabdullaahi Maxamed Daahir oo loo heysto ka ganacsiga agab sharci darro ah oo dalka laga mamnuucay. Eedeysanaha waxaa ku socota baarista Booliska, waxaana la horgey doonaa Maxakamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Cabdullaahi ayaa loo heystaa inuu Bacda halka mar la adeegsado ka ganacsanayey, taas oo dalka laga mamnuucay, Booliska Soomaaliya ayaa uga digay ganacsata iyo guud ahaan Soomaaliyeed ka ganacsiga Bacaha iyo isticmaalkeeda. Afhayeenka ciidanka booliska oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa yiri “Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana ...
Daawo:Senator Dubbe oo si weyn u difaacay Saalax kadib go’aankii Cabdi Xaashi
WARARKA

Daawo:Senator Dubbe oo si weyn u difaacay Saalax kadib go’aankii Cabdi Xaashi

Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u difaacay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo sidoo kale ah Senator ka tirsan golahaasi, kadib markii uu maanta guddoomiye Cabdi Xaashi ka xayuubiyay xubinimadiisa Aqalka Sare. Dubbe oo ka hadlay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Saalax uu lamid yahay Senatorada maqan illaa tan iyo markii lasoo doortay, isaga oo intaas ku daray inuu hayo shaqo kale oo qaran, maadaama uu yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. “Senator Saalax Axmed Jaamac wuxuu lamid yahay Senataro Aqalka ka maqan sidii loo doortay weliba isaga waxa uu dheeryahay in shaqo qaran uu hayo” ayuu yiri Dubbe. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabada uu qaaday Cabdi Xaashi ay taha...
Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada
WARARKA

Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo booqasho hawleed ku jooga magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Norway, Marwa Bjork Sandkjaer. Waxa ay labada Wasiir si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dal ee ku aaddan waxbarashada iyo guud ahaan hindisayaasha horumarineed ee diiradda saaraya awood siinta iyo xirfad-u-yeelidda bulshada dhallinta yar ee Soomaaliyeed, si ay u hoggaamiyaan koboca iyo horumarka dhaqaale ee ay Soomaaliya hiigsanayso.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA SOOMAALIYEED MAALINTA CALANKA
WARARKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA SOOMAALIYEED MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA SOOMAALIYEED MAALINTA CALANKA Muqdisho, Oktoobar 12, 2024 ; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda. “Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiya...
Somalia oo si rasmi ah u ogolaatay in ciidamada Masar ay qeyb ka noqdaan howlgalka Cusub ee AUSSOM
WARARKA

Somalia oo si rasmi ah u ogolaatay in ciidamada Masar ay qeyb ka noqdaan howlgalka Cusub ee AUSSOM

Baaq siyaasadeed wadajira oo ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ka soo saareen madaxda dawladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa lagu muujiyay taageerada loo hayo xoojinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo gobnimada Jamhuuriayadda Federaalka ee Soomaaliya. Iyadoo Dawladda Federaalka ay si rasmi ah u soo dhawaysay soo jeedinta ah, in ciidamada Masar ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Labada dowladood ayaa qalinka ku wada duugay in la iska diido wax kasta oo khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida qaranimadooda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-Sisii waxay baaqooda ku sheegeen in la hormariyo, lana xoojinayo wadashaqaynta dawladaha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ee ku aadan awood siinta hay’addaha dawladda Soomaaliya e...
DF oo war cusub ka soo saartay arrimaha xajka ee sanadkaan iyo qorshe cusub oo bilowday
WARARKA

DF oo war cusub ka soo saartay arrimaha xajka ee sanadkaan iyo qorshe cusub oo bilowday

Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay arrimaha Xajka, waxaana la go’aamiyey goorta la bilaabayo iyo goorta lasoo gabagabeynayo qabashada Baasaboorka. Maamulka wasaaradda diinta iyo guddiga adeegga xajka ayaa maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah loo bilaabay qabashada baasaboorka, iyadoo lasoo gabagabeynayo bisha horaanta Janaayo. Sidoo kale waxaa la shaaciyey in xaaji kasta hadda laga rabo lacag dhan $2,000 labo kun oo doollar oo hormaris ah. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sanadba sanadka ka dambeeya ay yareyn doonto qiimaha lagu soo xajinayo. Dowladda ayaa hadda ku howlan sidii loo yareyn lahaa qiimaha xajka ee sanadkaan, sidoo kale guddiga loo xilsaaray ka shaqeynta arrimaha Xajka ayaa ka howlgeli doona qabashada baasaboorka. Guddoomiyaha guddiga ad...
Itoobiya: jabhadda Fano ayaa horumar ka samaynaysa dagaalka ay kula jirto maamulka Abiy
WARARKA

Itoobiya: jabhadda Fano ayaa horumar ka samaynaysa dagaalka ay kula jirto maamulka Abiy

Itoobiya :Damac bad raadis Iyo Dabeyl burbur👉By/ Elmi Osman Farah Boodhari Kacdoonka gobolka Axmaarada ayaa sii xoogaysanaya Iyadoo jabhadda FANo oo horumar ka samaynaysa dagaalka ay kula jirto maamulka Abiy ay la wareegtay labadii maalmood ee u danbeeysay magaalooyin dhowr ah Maleeshiyada FANo oo xiran saliimka Islamarkaana rumeysan in Abiy ay ka difaacayaan mad-habta diintooda Orthodox-ka ayaa lagu soo dhaweeyay magaalooyin ay ka furteen maamulka Adisababa "Waan Soo Laaban Doonaa" ayay halheys ka dhinteen xoogaga FANo, xili Adisababa ay xoojisay olole ka dhan ah shaqaalaha rayidka ah, suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta taageersan kacdoonka Qowmiyada Amxaarada Qaadashada sawirada Imbaradoorkii Xayle Salaasa ayaad moodaa in uu mideeyay kala duwanaashaha diimeed ee Qowmiyada Axmaara...
Somalia, Eritrea and Egypt pledge to bolster security ties
WARARKA

Somalia, Eritrea and Egypt pledge to bolster security ties

The three leaders agreed to improve regional stability as Somalia battles with the al-Shabab armed group. The presidents of Somalia, Eritrea, and Egypt have agreed to boost cooperation for regional security amid heightened tensions in the Horn of Africa. The three-way summit, held in the Eritrean capital, Asmara, on Thursday, was called by Eritrean President Isaias Afwerki and included his Egyptian counterpart Abdel Fattah al-Sisi and Somalia’s Hassan Sheikh Mohamud In a statement released by the Eritrean information ministry, the three leaders agreed to bolster ties and improve regional stability, and the “unequivocal respect for the sovereignty, independence and territorial integrity of the countries of the region The leaders also highlighted the importance of “confronting in...
Madaxeyne Xasan Sheekh oo booqday Xerada Tababarka ku qaadaan Ciidanka Soomaaliyeed ee dalka Eritrea
WARARKA

Madaxeyne Xasan Sheekh oo booqday Xerada Tababarka ku qaadaan Ciidanka Soomaaliyeed ee dalka Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea, waxa uu kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, halkaasi oo uu warbixinno uga dhageystay Macallimiinta iyo Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada. Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo, waxa uuna xusay muhiimadda ay Ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida.
Daawo:Bayaanka shirkii Asmara iyo qorshaha rasmiga ah ee Masar, Eritrea iyo Somalia !!
WARARKA

Daawo:Bayaanka shirkii Asmara iyo qorshaha rasmiga ah ee Masar, Eritrea iyo Somalia !!

10" October "2024" Dowladaha Soomaaliya Eritrea iyo Masar ayaa isla qaatay arrima la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab. Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Asias Afwerk iyo Masar Cabdullfataax Alsiisi oo ka dhacay Asmara Sidoo kale waxaa bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab. Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isba...