Muxuu yahay kulanka ka qabsoomay Qaahira ee lagu gorfeynayo heshiiskii Ankara
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb-galeen aqoonyahanno Soomaali ah, kaas oo khuseeyay heshiiskii Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah, si ay u qiimeeyaan saameynta heshiiska Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.
Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi oo uu daadihinayay agaasimaha xafiiska qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda.
Kulankaasi oo inta badan lagu fallan-qeeyay isbarbar-dhigga nuxurka uu xambaarsa...