WARARKA

Kenya Airways oo joojinaysa duulimaadyada Muqdisho
WARARKA

Kenya Airways oo joojinaysa duulimaadyada Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho laga billaabao 14-ka October ee sanadkaan. War-saxaafadeed ay soo saartay ayey shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay kadib markii ay la kulantay “caqabado dhanka howl-gallada ah,” oo aysan faah-faahin ka bixin. Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si taxadar leh loo falanqeeyay, loogana fakaray danta ugu wanaagsan ee shirkadda ee jawiga ganacsi ee jira,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Kenya Airways ayaa kamid ah shan diyaarad oo caalami ah oo duulimaadyo ku tega Muqdisho, ayada oo afarta kale ay yihiin; Turkish Airlines, EgyptAir, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines. Waxaa ugu dambeysay EgyptAir oo duulimaadyadeeda Muqdisho billowday bishii July, waxayna ca...
Maxaan ka ognahay mashruuca ay DF ku dhowaaqday ee ku baxeyso $55 milyan?
WARARKA

Maxaan ka ognahay mashruuca ay DF ku dhowaaqday ee ku baxeyso $55 milyan?

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Bangiga Adduunka ayaa Talaadaddii daah-furtay mashruuca horumarinta kalluumeysiga waara ee Badmaal. Mashruucan oo ah dadaal ballaaran oo lagu hagaajinayo bulshada xeebaha iyo kor u qaadista waaxda kalluumeysiga, ayaa waxaa ku baxaysa dhaqaale dhan 55 milyan oo dollar. Warbixintan waxa aynu isku dul taagi doono ujeeddooyinka mashruucan oo muhiimad gaar ah u leh Soomaalida, kuwaas oo kala ah; 1- in awood loo siiyo bulshooyinka deegaanka, 2- in la dhiirrigeliyo dhaqamada kalluumeysiga waara iyo taageeridda adkaysiga cimilada ee aagagga xeebaha. Mashruucan ayaa waxaa ansixiyay Bangiga Adduunka bishii June 2024, wuxuuna ka kooban yahay saddex qaybood oo waaweyn oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha badda (Blue Economy). Qeybta 1-aad: waxay u...
Somalia, Egypt Iyo Ereteriea Oo Dhisaya Isbahaysi Ka Dhan Ah Itoobiya
WARARKA

Somalia, Egypt Iyo Ereteriea Oo Dhisaya Isbahaysi Ka Dhan Ah Itoobiya

Waxaa goordhoweyd magaalada Asmara ee caasimada Eritrea ka furmay shir saddex geesood ah, kadib markii uu saacado kahor gaaray madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi. Shirka saddex geesoodka ah ayaa waxa uu hadda u socda madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayo iskaashiga gobolka iyo xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas. Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedki...
SSC Khaatumo Iyo Somaliland oo ku dagaalamay Deegaan Hoos Taga Buuhoodle
WARARKA

SSC Khaatumo Iyo Somaliland oo ku dagaalamay Deegaan Hoos Taga Buuhoodle

Ciidamo kala taabacsan maamullada SSC-Khaatumo iyo Somalilad ayaa lagu soo warramayaa inay xalay ku dagaalameen deegaan hoostaga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Togdheer. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid ka dagaal markii ay ciidamada Somaliland yimaadeen deegaanka  Qorilugad oo ay difaac uga jireen ciidanka SSC. Sidoo kale waxaa jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada SSC-Khaatumo oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.
Somalia Iyo Ereteriea oo Ka Arinsaya Xasiloonida Gobolka
WARARKA

Somalia Iyo Ereteriea oo Ka Arinsaya Xasiloonida Gobolka

Asmara Oktoobar 09, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabantay booqasho shaqo oo rasmi ah Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea. Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay Eritrea
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi. Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin magaalada Asmara ee dalka Eritrea tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku ...
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Tababar u Soo Xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Tababar u Soo Xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

09, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xerada Bali Doogle maanta tababar sare u soo xiray 150 Saraakiil-xigeen iyo 200 Leyli-sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda tabbarrada gudaha dalka, iyadoo saraakiishan la baray xirfadda hoggaamineed, qorsheynta hawlgalka, iyo aqoonta dagaalka, si loo dhammaystiro dib u xoreynta dalka iyo sugidda amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay ciidamada dadaalkooda iyo geesinimadooda, waxa uuna adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu ku yimid isku-duubnida iyo naf-hurnimada ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga,...
Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin
WARARKA

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed, ayaa xalay abaalmarin guddoonsiisay jilayaasha Taxanaha Dabin, shirkadda Asal oo maalgelisay iyo App-ka Nasiye oo lagu soo bandhigay, maamulayaasha, jilaayaasha iyo shaqaalaha farsamada ee taxanaha, iyagoo lagu abaal mariyay laguna dhiirigaliyay tayadooda. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhzoumi,ayaa bogaadisay hindisahan lagu soo bandhigaya aflaamta ka tarjumaya danaha bulshada, waxanaya fartay in lagu soo daro wacyi gelin ku saabsan ilaalinta deegaanka. Waxaa codsanaa in fanaaniinta ay Filimadda  kusoo daraan wacyigalinta deegaanka, maadama ay dhibaato naga haysato ilaalinta deegaanka dalkeena.” Mareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Abwaan Cusmaan Cabdullaa...
Xaafad ka mid ah Muqdisho oo maanta Dab Qabsaday
WARARKA

Xaafad ka mid ah Muqdisho oo maanta Dab Qabsaday

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay xaafad ku taalla Carwada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo wayn Dabka oo ka billowday kaalin shidaal ayaa ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaaasi , sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa dad shacab ah, iyada dukaamo iyo mootooyin nooca Bajaajta ay gubteen. Axmed Khaliif oo kamid ah dadka ku hanti beelay dabkan ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha, wuxuuna sheegay in 9 qol iyo Bajaaj ay ka gubatay. “Meeshaan 9 qol ayaa iiga dhisneyd hal shayna iima badbaadin, sidoo kale mooto Bajaaj ayaa iga gubatay, marka musiibaadaas ayaa igu dhacday” ayuu yi...
Soomaaliya oo digniintii ugu dambeysay ee hiishiiska badda siisay Itoobiya
WARARKA

Soomaaliya oo digniintii ugu dambeysay ee hiishiiska badda siisay Itoobiya

8″ Oct”2024″ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniintii ugu dambeysay oo la xiriirta heshiiska badda siisay dowladda Itoobiya, si ay uga laabato. Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqti badan dowladda federaalka ay siisay Itoobiya, balse aanu sameyn wax isbeddal ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan la gaaray muddadii kama dambeys ahayd. La-taliyaha amniga qaranka oo la hadlay Wargeyska The New Humanitaria ayaa xusay in Itoobiya ay u qabanayaan ugu dambeyn inay heshiiska Somaliland uga baxdo inta lagu guda jiro bishaan October ee sanadkaan 2024-ka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray  in sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ay ku xiran tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan heshiiska badda ee Somalilan...