Shabaab-kii ugu badnaa oo lagu laayey hal goob
Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay howlgallo culus iyo duqeymo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa sheegtay in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray.
Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:
Muqdisho, October 05, 2024: Ilaa 4...