WARARKA

Itoobiya oo hub hor leh soo gelisay Gobolka Koonfur Galbeed ee gudaha Soomaaliya
WARARKA

Itoobiya oo hub hor leh soo gelisay Gobolka Koonfur Galbeed ee gudaha Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta hub horleh gobolkaasi ay gaysay Itoobiya, kaas oo lagu keenay gaadiidka nooca xamuulka qaada oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen illaa 4 gaari oo kasoo tallaabay dhanka xadka labada dal, isla markaana gaaray deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in hubka la geeyay xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka deegaankaas, halkaas oo illaa iyo hadda ku sugan yihiin baabuurta. Afarta gaari ee hubka lagu geeyay Bakool ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Godey, waxaana ugu dambeyn maanta lasoo geliyay gudaha Soomaaliya, iyada oo ay galbinayeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah. Lama oga ujeedka hubkan, mana jir...
Aston Villa Oo ka yaabsatay  Bayern Munich Champions League๐Ÿ† Maxaa Ku Dhacay Real Madrid?
SPORTS, WARARKA

Aston Villa Oo ka yaabsatay Bayern Munich Champions League๐Ÿ† Maxaa Ku Dhacay Real Madrid?

Lille 1-0 Real Madrid Ragga Carlo Ancelotti waxay ka eegeen fikrado weerar ah khasaare naadir ah oo Yurub ah Mararka qaar, Real Madrid waxay u badan tahay inay lumisay barbardhac cajiib ah oo Yurub ah. Habeenimadii Arbacada, ugu dambeyntii waxay dhacday, kooxda Los Blancos oo liidata ayaa 1-0 ku garaacday Lille oo cajiib ah - sixirkooda Champions League meelna lagama helin. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1841589945372176611?t=a540w_e1Pys563Z4AOjh4Q&s=19 Aston Villa 1-0 Bayern Munich Jhon Duran ayaa si cajiib ah mar kale uga soo kacay kursiga kaydka si uu Aston Villa u siiyo guul wayn oo ay ka gaadhay Bayern Munich kulan ka tirsan Champions Leaque-ga oo ka dhacay fagaaraha caanka ah ee Villa Park. Kulan ay hareereeyeen dareen qani ah oo taariikhi ah oo...
Daawo; Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho iyo Deni oo wali ka maqan
WARARKA

Daawo; Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho iyo Deni oo wali ka maqan

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO LAGGA ARRINSANAYO AMNIGA, DIMUQRAADIYADDA IYO DAGAALKA KA DHANKA ARGAGIXISADA Muqdisho, Oktoobar 2, 2024 โ€“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda ...
Saawo: R/W Xamse oo ka qeyb galay Munaasabada uu xilka kula wareegayay Taliyaha Cusub ee Booliskaย 
WARARKA

Saawo: R/W Xamse oo ka qeyb galay Munaasabada uu xilka kula wareegayay Taliyaha Cusub ee Booliskaย 

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Sarreeyo Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Taliyihii hore, Sarreeyo Gaas Sulub Axmed Firin. Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Taliyihii hore, dadaalkiisii iyo hoggaamintiisii wanaagsanayd intii uu xilka hayay. Isaga oo kula dardaarmay taliyaha cusub in uu sii amba-qaado hawlaha muhiimka ah ee ciidamada Booliska, kana shaqeeyo horumarinta amniga iyo nabadgelyada dalka. Mudane Xamsa ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dowladnimada, isla markaana looga baahan yahay in ay ilaaliyaan waajibaadka loo igmaday, si kalsoonida ay ku qabaan bulshadu u noqoto mid sarreys...
๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
WARARKA

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis taariikhi ah oo gaaraya $68.5 milyan kula saxiixatay Dowladda Mareykanka. Heshiiskan waxaa si rasmi ah qallinka ugu duugay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Egeh oo dhinac ah iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott. Heshiiskani wuxuu diiradda saarayaa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada iyada oo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah. Heshiiska ayaa wax ka qaban doona arrimo muhiim ah sida kobcinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, isagoo taageeraya aragtida fog ee adkeysiga Soomaaliya. Hes...
Dheeho Wararkaa Champions League: Arsenalโ€™Man Cityโ€™Celticโ€™ Ac Milan, Barcelona  ,Inter, Dortmund โ€˜
SPORTS, WARARKA

Dheeho Wararkaa Champions League: Arsenalโ€™Man Cityโ€™Celticโ€™ Ac Milan, Barcelona ,Inter, Dortmund โ€˜

Arsenal 2-0 PSG Arsenal ayaa gaadhay guusheedii ugu horaysay ee qaab ciyaareedka cusub ee Champions Leaque kadib markii ay Emirates Stadium ku garaacday Paris St-Germain. Kooxda Mikel Arteta ayaa raacday barbarihii furitaanka ee Atalanta iyaga oo maamulayay labo gool oo qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay Kai Havertz iyo laad xor ah oo uu dhaliyay Bukayo Saka kaasoo daba mariyay goolhayaha PSG Gianluigi Donnarumma. PSG ayaa waqtigeeda soo martay, gaar ahaan markii Nuno Mendes iyo Joao Neves ay kubad ku garaaceen labada dhinac ee qeybta nasashada, laakiin gogosha guusha waxaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u sareeyay qeybtii hore ee ciyaarta Arsenal. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1841225326938243547?t=Hx82Rodh9jQIYbk4tqzEEQ&s=19 Havertz ayaa hogaanka u dhii...
FIFA ayaa ka mamnuucday Cameroon Samuel Etoโ€™o lix bilood sababo la xiriira dhaqan xumo.
SPORTS, WARARKA

FIFA ayaa ka mamnuucday Cameroon Samuel Etoโ€™o lix bilood sababo la xiriira dhaqan xumo.

Madaxa kubbadda cagta Cameroon ayaa wajahaya tallaabo edbin ah 'dabeecad xun' ee uu sameeyay ciyaartii Koobka Adduunka ee Haweenka 20 jirada. Madaxa xiriirka kubada cagta Cameroon (Fecafoot) Samuel Etoโ€™o ayaa laga mamnuucay ka qeyb galka ciyaaraha qaranka muddo lix bilood ah ka dib markii uu ku xadgudbay shuruucda anshaxa ee FIFA, sida uu sheegay maamulka kubada cagta. Weeraryahankii hore ee Barcelona ayaa madaxweyne ka ahaa Fecafoot tan iyo 2021, waxaana hadda laga mamnuuci doonaa dhammaan ciyaaraha ragga iyo dumarka ee kooxaha da'aha kala duwan. Cunaqabataynta ayaa lagu soo rogay iyada oo la xiriirta ciyaartii FIFA ee wareegga 16-ka ee haweenka 20 jirada ee u dhexeeya Brazil iyo Cameroon oo lagu ciyaaray Bogota, Colombia, 11kii Sebtembar 2024," FIFA ayaa sidaas ku sheegtay bayaa...
Xasan iyo madax goboleedyada oo laga dalbaday ka goโ€™aan gaarista arrimo xasaasi ah
WARARKA

Xasan iyo madax goboleedyada oo laga dalbaday ka goโ€™aan gaarista arrimo xasaasi ah

Shirka Golaha Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa laga dalbaday inay si dhab ah u wajahaan xaqiiqda taagan, kana goโ€™aan gaaran arrimaha xasaasiga ah ee horyaalla. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa wuxuu madaxda Golaha Wadatashiga u jeediyay in aysan ka meer-meerin muddo xileedka dhamaaday ee madaxda maamullada, islamarkaana ay ka goโ€™aan gaaran, si doorashadooda loogu qabto inta sanadkaan ka dhiman. โ€œXubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboo...
NISA oo gacanta ku dhigtay hub, qaraxyo iyo shabakaddii laheyd
WARARKA

NISA oo gacanta ku dhigtay hub, qaraxyo iyo shabakaddii laheyd

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnayd Muqdisho Qoraal kasoo baxay taliska Nabad-Sugidda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu qabtay 5 xubnood oo ku howlanaaa falal amni darro ah. โ€œCiidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdishoโ€ ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA. Sidoo kale waxaa hayโ€™addu ay sheegtay in sidoo kale ciidamada ay soo qabteen hub uyo qaraxyo ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneysay inay ka gaysato gudaha caasimada. โ€œSi...