Al-Shabaab oo jab culus la gaarsiiyay maanta
Warar kala duwan aya kasoo baxaya howlgal khasaare culus maanta lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalkan lagu burburiyay xarumo ay kooxda ku lahayd halkaasi, sidoo kalena lagu soo qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay la shaqeynayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa howlgalka ka qayb qaatay cutubto kamid ah Duufaan oo ka tirsan ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee (NISA), ayada oo lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu faahfaahiyay howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaano ku teedsan dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.
“Geesiya...