WARARKA

Xiddiga Man City ee Rodri ayaa garoomada ka maqnaan doona Iyo UEFA oo Barcelona ku Riday Xukun
WARARKA

Xiddiga Man City ee Rodri ayaa garoomada ka maqnaan doona Iyo UEFA oo Barcelona ku Riday Xukun

Xiddiga Man City ee Rodri oo garoomada ka maqnaan Xiddiga Man City ee Rodri ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii qaliin jilibka ah lagu sameeyay jimcihii Rodri ayaa ka dhaawacmay jilibka midig Axadii ciyaartii 2-2 ay la galeen Arsenal Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib markii qaliin ACL ah lagu sameeyay Jimcihii. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa sidoo kale soo gaaray dhaawac meniscus ah. Dhaawaca ACL wuxuu qaadan karaa lix bilood ilaa sannad si uu u bogsado. Taasi waxay dhabar jab weyn ku noqon kartaa fursadaha City ee ku guuleysiga rikoorka shanaad ee Premier League ee isku xigta ee Ingariiska https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1...
Shir looga hadlay Xaalada bani’aadannimo ee taagan oo ka dhacay Muqdisho.
WARARKA

Shir looga hadlay Xaalada bani’aadannimo ee taagan oo ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahana isku-duwaha gargaarka bani’aadannimo ee dalka George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan bille ah oo dhinacyadu ku gorfeeyaan xaaladaha bani’aadannimo ee taagan. Shirkaan oo ay qeyb ka ahaayeen hay’adaha OCHA, UNDP iyo FAO, ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga abaaraha laga baqayo in ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah bariga Afrika kuna jirto Soomaaliya, halka wax la iska weydiiyay sababaha keenay fatahaadaha xilligaan ka socda degaannada ku teedsan Wabiga Shabeelle, xilli aysan jirin roobab xooggan oo ka da’aya Soomaaliya iyo buuraha Itoobiya. Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay warbixintii qiimaynta kh...
Masar oo ku dhawaaqday Talaabo kale  oo ku aadan Xiisadda Itoobiya
WARARKA

Masar oo ku dhawaaqday Talaabo kale oo ku aadan Xiisadda Itoobiya

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi ayaa markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya, isaggoo ku dhowaaqay inay la dagaal galayaan haddii loo baahdo, xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya. Al-Siisi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta, sidaas darteedna aysan aqbaleyn in loo hanjabo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay “difaac wadareed” sida ku cad axdiga Jaamacadda Carabta.  “Anagu ma hanjabeyno, laakiin ma ogolaan doono inuu qofna u hanjabo Soomaaliya. Masar waxay marwalba garab taagan tahay Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi, oo xaqiijiyay in diyaar u yihiin haddii Soomaaliya ka codsato taageerada difaaca qaranimadeeda. Hadalka madaxweynaha Masar ayaa imanaya ...
SOOMAALIYA oo gaartay guul kale oo weyn
WARARKA

SOOMAALIYA oo gaartay guul kale oo weyn

Waxaa si guul ah ku soo gaba-gaboobay dib-u-eegistii 2-aad ee barnaamijka ay taageerto hay’adda lacagta adduunka IMF ee dib-u-habaynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Shirkan oo Sabtidii lasoo dhaafay ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa intii uu socday kulankan dib-u-eegista ah diiradda lagu saaray sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay sii wadidda qorshayaasha horumarineed ee maaliyadda iyo dhaqaalaha xaaladda maanta taagan iyo u gogol xaaridda Sadaxda sano ee soo socota halka la filayo in uu ahaado tiigsiga Dowladda. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo xiritaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhammaan ku guulaysatay fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii horumarinta dhaqaalaha marka loo eego wada xa...
Talaabada DFS ay sheegtay Inay ka qaadeeyso Hubka Sharcidarada ah ee lagu Heysato Muqdisho Iyo Falacelinta Ka dhalatay
WARARKA

Talaabada DFS ay sheegtay Inay ka qaadeeyso Hubka Sharcidarada ah ee lagu Heysato Muqdisho Iyo Falacelinta Ka dhalatay

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay inay dambi tahay in hubka qeybihiisa kala duwan guryaha lagu haytso, iyadoo lagu gabbanaayo mas’uuliyad dowladeed oo xilligaasi la hayo iyo in laga ganacsado. Shuute, oo jariimo cad iyo wax halis ku ah ammaanka shacabka ku tilmaamay haysashada hubka, ayaa sidoo kale sheegay inay diyaariyeen xeer ilaaliye dabagal ku sameeya dadka hubka haysta iyo guryaha lagu haayo. Falanqeeyeyaasha amniga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay dadaallada xakameynta hubka ee socda laakin ay wax walba ku xiran yihiin qaabka loo fulinaayo. Haddaba howlgalladaan lagu xakamaynayo hubka maxay uga dhigan yihiin nabadda Soomaaliya oo kasoo kabanaysa colaado soo jiitamaaye muddo dheer? Siyaasii...
Daawo; Culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada oo ku heshiiyey ..
WARARKA

Daawo; Culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada oo ku heshiiyey ..

Culimada Soomaaliyeed ee dariiqooyinka Suufiyada iyo Waabiyada ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay inay midoobeen. Culumada labada dhinac ayaa warbaahinta la hadashay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, waxaana arrintaan garwadeen ka ah wasaaradda diinta. Agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee XFS Ibraahim Nadaara oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, jecelna diinta Islaamka, culimadooda oo midoowda waxay ka dhigan tahay shacabka oo midooba.” Culimadii kulanka ka hadashay waxaa kamid ahaa Sheekh Aadan Sugoow oo ka tirsan culimada dariiqada ee Suufiyada wuxuuna yiri “Waxaa farxad noo ah in culumadu ay dhaqangeliyaan midnimadooda Sheekh Aadan Sugoow, arrintaan waa ...
Madaxweyne Xasan Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay..
WARARKA

Madaxweyne Xasan Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa la wadaagay xaaladda dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed iyo aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, isaga oo uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda. Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin.
Hormuud oo ka qaybgashay shir lagu lafa gurayay doorka Isgaarsiintu ay ka qaadan karto gurmadka iyo maareynta musiibooyinka
WARARKA

Hormuud oo ka qaybgashay shir lagu lafa gurayay doorka Isgaarsiintu ay ka qaadan karto gurmadka iyo maareynta musiibooyinka

Masuuliyiin ka socda Shirkadda Hormuud ayaa ka qeybgalay shir ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah oo ay soo agaasintay Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU iyo Ururka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Moobeelka ee GSMA. Madaxa Teknoolajiyadda Shirkadda Eng. Maxamed Cabdi, Madaxa Injineeriyada Shirkadda Eng. Cabdiwaaxid Axmed, iyo Madaxa Xiriirka Hay’adaha Bani'aadannimada ee Shirkadda Axmed Maxamed ayaa ka qeybgalay shirkan oo lagu lafaguray kaalinta ay shirkadaha isgaarsiintu ka qaadan karaan gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, si ay isgaarsiintu kaalin hoggaamineed uga qaadato in bulshadeenna loo gurmado xilliyada adag, loogana jawaabo xaaladaha degdegga ah. Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa ...
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo qodobbo amnigu ka mid yahay kala hadlay Mareykanka
WARARKA

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo qodobbo amnigu ka mid yahay kala hadlay Mareykanka

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galaya shirka Qaramada Midoobey ee ka socda New York, ayaa kulamo gaargaar ah la yeeshay qaar ka tirsan madaxda shirka ka qayb galaysa. Mas'uuliyiinta uu la kulmay Xamse Cabdi Barre raysal wasaaraha Soomaaliya waxaa ka mid ah Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika haweeneyda lagu magacaabo Molly Phee, oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrinta ku saabsan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xub...
Waa kuma Jeneraal Asad Diyaano, ninkii labada jeer la tartamay Deni ee loo magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliya?
WARARKA

Waa kuma Jeneraal Asad Diyaano, ninkii labada jeer la tartamay Deni ee loo magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliya?

Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Shrika wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo horey u soo hoggaaminayey ciidamada gaarka ah ee Puntand ee PSF. Qoraalka la soo dhigay barta Facebook ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha ee ay wasiiradu ansixiyeen uu yahay sarkaan aqoon iyo khibrad u leh ciidamada Jeneraal Sulub Axmed Firin, oo sanad iyo dheeraad hayey xilkaas taliyaha ciidanaka Booliska ay...