WARARKA

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed 
WARARKA

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kualankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi. Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac,.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyeyaasha arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyeyaasha arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Labo La-Taliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda iyo Federaalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka. Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ee Madaxweyne Saciid Deni ay siyaasadda isk...
DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO JAMHUURIYADDA TURKIGA AYAA KALA SAXIIXDAY HESHIIS KU SAABSAN ISKAASHIGa
WARARKA

DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO JAMHUURIYADDA TURKIGA AYAA KALA SAXIIXDAY HESHIIS KU SAABSAN ISKAASHIGa

HESHIIS KU SAABSAN ISKAASHIGA, ISWEYDAARSIGA SIRDOONKA MAALIYADDA KA-HORTAGA LACAG DHAQIDDA IYO LA-DAGAALANKA MAALGELINTA ARGAGIXISADA. Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga (MASAK) iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham wada shaqeyn dhex mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal. Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada shaqeynta labada dowladood walaalaha ah iyo in ay iska kaashadaan ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada (Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT). Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaas...
Raysilwasaare Xamza oo Midowga Yurub kala hadlay xiisadda Geeska Afrika
WARARKA

Raysilwasaare Xamza oo Midowga Yurub kala hadlay xiisadda Geeska Afrika

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York ayaa kulan gaar ah la qaatay ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber. Xamza iyo Annette Weber ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin  xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday xiisadda ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan caqabadaha haatan soo wajahay oo ay ugu horreyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga i...
Isticmaalayaasha Soomaalida saamayn nuucee ah ayuu ku yeelan karaa isbadalka sharci ee ay samaynayso Telegram
BUSINESS, WARARKA

Isticmaalayaasha Soomaalida saamayn nuucee ah ayuu ku yeelan karaa isbadalka sharci ee ay samaynayso Telegram

Shirkadda Telegram ayaa sheegtay inay ku wareejin doonto ciwaannada IP-ga ee isticmaalaha iyo nambarada taleefannada Hay'adaha amniga ee haysta warqadaha baaritaanka ama codsiyo kale oo sharci ah. Isbeddelka shuruudaha adeegga iyo siyaasadda qarsoodiga ah "waa in ay niyad jabiyaan dambiilayaasha", waxaa sidaasi ku qoraal uu soo dhigay Telegram Isniintii, maamulaha shirkadda Pavel Durov. "In kasta oo 99.99% dadka isticmaala Telegram aysan wax xiriir ah la lahayn dambiyada, 0.001% ee ku lug leh dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah waxay abuuraan muuqaal xun , iyaga oo khatar gelinaya danaha ku dhawaad ​​bilyan isticmaalayaashayada ah," ayuu intaa ku daray. Ku dhawaaqista ayaa u dhiganta isbedel weyn oo ku yimid Mr Durov, oo ah aasaasihii shirkadda oo isaga u dhashay Ruushka kaasi oo ay...
Somalia and Ethiopia feud over arms influx
WARARKA, WORLD

Somalia and Ethiopia feud over arms influx

Somalia accused Ethiopia of smuggling weapons on Tuesday amid fears that arms going into the conflict-riven Horn of Africa nation could end up in the hands of Islamist militants. The neighbours traded barbs a day after an Egyptian warship unloaded heavy weaponry in Somalia's capital Mogadishu, the second shipment since a security pact in August. Landlocked Ethiopia, which has thousands of troops in Somalia to fight al Qaeda-linked insurgents, has fallen out with the Mogadishu government over its plans to build a port in the breakaway region of Somaliland in exchange for possible recognition of its sovereignty. The spat has drawn Somalia closer to Egypt, which has quarrelled with Ethiopia for years over Addis Ababa's construction of a vast hydro dam on the Nile River. Ethiopia's...
Guulaha ciidamada Mustafa Cagjar Waa Dhabar Jabka Qaswadaha Geeska Afrika !!
WARARKA

Guulaha ciidamada Mustafa Cagjar Waa Dhabar Jabka Qaswadaha Geeska Afrika !!

Ciidamada Liyuuboolis Iyo kuwa ONLF oo dib boorka looga jafay ayaa maanta la wareegay saldhigii Milatari ee ugu weeynaa ee Askarta fadaraalka Itoobiya ay ku lahaayeen duleedka magaalada Jigjiga. Iskahorimaad kooban kadib askarta Itoobiya ayaa halkaas laga saaray iyaga oo laga gubay gadiid dagaal Madxweyne Mustafa Cagjar oo horeyba uga caga jiidayay heshiiskii gardarrada ahaa ee Abiy uu la galay Muusa Biixi ayaa haatan ka horyimid hindisaha Soomaali tirtirka ah ee maamulka Adisababa wuxuuna bilaabay olole uu uga saarayo Askarta Itoobiyanka ee lagu soo daadgureeynayay deeganadiisa si aaney u dhicin in lagu afgambiyo maamulkiisa Askarta Itoobiyanka ah ayaa guud ahaan isaga cararaya deegaanada Somaligalbeed ka dib digniino maalmahanba loo dirayay Isaga oo booqday fariisamadii Milat...
DFS oo ka hadashay saameynta ba’an ee isbedelka cimilada uu ku leeyahay dalka
WARARKA

DFS oo ka hadashay saameynta ba’an ee isbedelka cimilada uu ku leeyahay dalka

𝐍𝐞𝐰 𝐘𝐨𝐫𝐤: 24" September "2024 "Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay Madasha Lethal Humidity Global Council ee magaalada New York. Wasiirada ayaa Khudbadeeda waxay diiradda ku saartay saameynta ba'an ee isbedelka cimilada uu ku leeyahay Soomaaliya, iyadoo si gaar ah u iftiimisay baahida loo qabo xal u helidda caqabadahaas ayada oo loo marayo tamarta cagaaran iyo Dabeesh(Green Energy & Wind Turbine). Wasiir Khadiija waxay sidoo kale ku boorisay beesha caalamka in Soomaaliya diyaar u tahay in lagala shaqeeyo horumarinta iyo maalgelinta tamarta nadiifka ah si loo yareeyo saameynta cimilada isbedelka leh. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1838604828592763351?t=e7uHRotUb1JJZ4z...
Dowladda Masar oo war ka soo saartay hubkii gaaray Muqdisho iyo Itoobiya oo ka hadashay qorshaha socda
WARARKA

Dowladda Masar oo war ka soo saartay hubkii gaaray Muqdisho iyo Itoobiya oo ka hadashay qorshaha socda

Dowladda Masar ayaa xaqiijisay inay shixnado hub ah ay u dirtay Soomaaliya iyadoo ay jirto xiisad gobolka ka taagan oo ka dhalatay heshiiska muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland. Warka ku saabsan in hubkan uu soo gaaray Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay qoraal uu soo saaray Ambassador Tamim Khallaf, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Masar. “Iyada oo laga duulayo qaabka ay Masar u taageereyso dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida, la dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, shixnad mucaawino ah oo ay Masar ugu deeqday ciidanka Soomaaliya ayaa soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. ujeeddade...
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
WARARKA

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka kulankooda waxa ay uga wada hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.