WARARKA

Dheeho Wararka Iyo Warbixinada Ciyaaraha
SPORTS, WARARKA

Dheeho Wararka Iyo Warbixinada Ciyaaraha

Man City 2-2 Arsenal John Stones ayaa si qoto dheer dhaliyay waqtigii dhaawaca iyadoo Manchester City ay badbaadisay barbardhac 2-2 ah oo ay la gashay Arsenal Axadii si ay u sii ahaato hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay dagaal adag la gashay kooxda ay xafiiltamaan ee horyaalka. Bar-baraha oo ahaa mid caajis badan marka loo eego ciyaarta Shataranjiga ayaa keentay in wiilasha Pep Guardiola ay heleen 13 dhibcood shan kulan oo ay ciyaareen, halka Mikel Arteta ee Arsenal oo qaybtii danbe ee ciyaarta ku ciyaarayay 10 ciyaartoy ay ku jirto kaalinta afraad oo heshay 11 dhibcood. Arsenal ayaa u muuqatay mid diyaar u ah guusheedii ugu horaysay ee Etihad Stadium tan iyo sanadkii 2015 ka hor inta uuna Stones oo badal ku soo galay ka dhalin goolka daqiiqadii 98-aad -- ayaga oo ...
R/W Xamza oo u baxay safar dibadda ah
WARARKA

R/W Xamza oo u baxay safar dibadda ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka. Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay uga qayb-galaya kalfadhigga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka naba...
La-taliyaha Abiy oo kashifay qorshe halis ah oo Itoobiya ay ka damacsan tahay Somalia
WARARKA

La-taliyaha Abiy oo kashifay qorshe halis ah oo Itoobiya ay ka damacsan tahay Somalia

Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka shifay khatar badan oo ka jirta gudaha Soomaaliya iyo hiigsiga Itoobiyaanku ay ka leeyihiin kala qeybinta Soomaalida. Ninkaan ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in dowladda Itoobiya ay garab ka heleyso qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo sida uu sheegay qarka u saaran inay ku biiraan dalka Itoobiya oo xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay cod ka heystaan, kaas oo u saamaxaya in maalmaha soo socda ay xilka ka qaadaan Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida uu hadalkiisa u dhigay. Wareysiga laga qaaday masuulkaan ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa muujinaya in Soomaaliya ay halis ku jirto oo ay ku dhacayso...
Raysilwasaaraha Somalia oo ku sii jeeda Magaalada New York ee Dalka Maraykanka
WARARKA

Raysilwasaaraha Somalia oo ku sii jeeda Magaalada New York ee Dalka Maraykanka

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qaybgali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara. S...
Dheeho cusbooneysiinta Kulmada Sabtida
SPORTS, WARARKA

Dheeho cusbooneysiinta Kulmada Sabtida

Manchester United oo Barbaro la gashay Crystal Palace Manchester United ayaa iska lumisay dhawr fursadood oo waa wayn kadib markii ay barbaro gool la’aan ah ku dhaafi wayday Crystal Palace kulan ka dhacay Selhurst Park ee horyaalka Premier league. Kulankii ay 7-0 kaga badiyeen Barnsley Talaadadii EFL Cup-ka, kooxda Erik ten Hag ayaa ahayd mid wanaagsan qeybtii hore ee ciyaarta, waxayna gooyeen Palace oo furneed sida ay doonaan. Alejandro Garnacho, oo kusoo laabtay line-upka 11-aad ee booska Marcus Rashford, ayaa dadaal horudhac ah ku sameeyay birta, ka hor inta uusan Matthijs de Ligt iyo Lisandro Martinez ka beenin cag goolhayaha guriga Dean Henderson. Kooxda martida ah ayaa sii waday cadaadiska iyadoo Garnacho uu ku xaaqayay baarka ka dib markii lagu ciyaaray dhanka bidix. ...
Wararkii ugu dambeeyay guulaha laga gaaray howlgallada Jubbaland
WARARKA

Wararkii ugu dambeeyay guulaha laga gaaray howlgallada Jubbaland

Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid Kaydsane oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Ismaaciil Saxardiid Kaydsane ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Buulo-Xaaji iyo halka loo yaqaano Lagta Caanoole oo ka wada tirsan gobolka Jubada hoose. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu sii eryanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla maraakana ay ka daba tegayaan halka ay ku dhuumaaleysanayaan. “Dhuumaaleysi ayay ku jiraan geed kasto oo ay hoos galaan ciidanka waa ka daba galayaan” ayuu yiri Janeraal lagta Caanoole ee gobolka Jubada hoose. Waxaa ...
DF Soomaaliya oo war kulul kasoo saartay hub Itoobiya ay soo gelisay Soomaaliya
WARARKA

DF Soomaaliya oo war kulul kasoo saartay hub Itoobiya ay soo gelisay Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ka soo saartay hub si sharc犀利士 i darro ah lagu soo geliyey dalka, kaasi oo laga keenay dalka Itoobiya, isla markaana la geeyey deegaanada Puntland. Warkaan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga walwalsan tahay ‘shixnad hub ah oo ay Itoobiya si sharci darro ah ugu dirtay’ gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya, lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka DF Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay u aragto...
Daawo: Madaxwaynaha Somalia  Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad
WARARKA

Daawo: Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad

Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadda Jimcaha kaga hadlay muhiimada midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ka digay halista cadowga shisheeye ee kala qaybinta ummadda. Sidoo kale, waxa uu adkeeyay fulinta go’aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah. Madaxwaynaha JFS "Qof dowladda dhaliil waa u qabi karaa, laakiin aniga degaan, qabiil ama jameeco gaar ah xumaan uma qabo." https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1837183372952576475?t=LR8BqjIXJrJ4WWlMMUqnXQ&s=19 Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud "Kalmad xun wax matarto, waana aakhiro beel iyo aduunyo beel wada socda, ka dowlad ahaana majirto cid aan u dirsanay in dad Soomaaliyeed aflagaadeeyaan." Madaxweynaha JFS "Ka ganacsiga hubka w...
Turkiga oo war cusub kasoo saaray wada hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya
WARARKA

Turkiga oo war cusub kasoo saaray wada hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Turkiga oo isku deyaya inuu xal u helo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono dadaallada wada-heshiisiineed ee uu ka dhex wado labada dal. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiga Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaab cusub ku abaari doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo markii Seddexaad loogu balan sanyahay Ankara. Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis rasmi ah ay labada dal gaaraan kaas oo meesha ka saaraya damaca Itoobiya. Dowladdda Federaalka ee Soomaaaliya ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaaday in heshiiiskii Itooobiya lagashay Soomaaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo lagu soo xadgudbay Midnimada iyo Madax-banaanid...