Hub ay putland ka soo iibsatay Itoobiya oo soo gaaray magaalada garoowe
Hub ay putland ka soo iibsatay Itoobiya ooy galbinayaan ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo gaaray magaalada garoowe, waa hubkii labaad ee Itoobiya ku soo daabusho gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu cirka isku shareeray xiisada u dhexeeysa Somalia Iyo Itoobiya
Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaasayn xooggan laga maqlay gudaha degmada Bookh kadib markii mileeshiyaadka hubaysan isku dayeen in ay furtaan gaadiidkii hubka saarna ee u siday dhinaca Puntland.
Waxaase si adag hubkaasi u difaacay ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka DDS, kuwaasi oo aroornimadii hore ee saaka ku wareejiyay ciidamada dowladda Puntland oo soo galbiyay islamarkaana si nabad ah ku keenay.
Itoobiya ayaa muddooyinkan dambe kordhisay hubka dhankeeda ka soo gudbaya ee soo galaya...