WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in la hakiyey duulimaadyada Baydhaba
WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in la hakiyey duulimaadyada Baydhaba

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta soo saartay warsaxaafadeed ayaa ka hadashay wararka saaka la baahiyay ee la xiriiray in dowladda dhexe ay joojisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay in duulimaadyadii tegi jiray magaalada Baydhaba aysan waxaba iska bedelin oo sidoodii ay ugu safraan magaaladaasi. “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda. Dhinaca kale, xubno ka tirsan maamulka garoonka Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen in wararka sheegay...
Maamulka Baraawe oo war ka soo saaray xiisadda D/F/S Iyo Maamulka Koonfur-Galbeed
WARARKA

Maamulka Baraawe oo war ka soo saaray xiisadda D/F/S Iyo Maamulka Koonfur-Galbeed

17" Sept"2024Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baraawe oo ka hadlay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geysay degmadaas ayaa been abuur ku tilmaamay arrintaas. Wuxuu sheegay in Baraawe ay xukunto Koonfur Galbeed, isla markaana aysan jirin ciidamo dheeraad ah oo dowladda federaalka ay heysay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Baraawe aan laga hari karin K/Galbeed, isla markaana aysan yeeli doonin taas. “Maamulka iyo ciidamada amniga ee magaaladaan waa kuwii shalay joogay, ma jiraan wax soo kordhay, hadalada soo yeeraya waa been abuur, dadka beentaas baahinaya waxaan leeyahay dalkiina u tura,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Baraawe. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Dowlada Soomaaliya waa federaal, Baraawe waxay hoos tagtaa Koonfur Galbeed...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha guud ee IGAD
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha guud ee IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay Gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol. Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iy...
Maxay tahay hay’adda nuclear ka shaqaysa ee ay Soomaaliya xubinta ka noqotay maanta?
WARARKA

Maxay tahay hay’adda nuclear ka shaqaysa ee ay Soomaaliya xubinta ka noqotay maanta?

Magaalada Veina dalka Austria waxaa ka qabsoomay meertada 68-aad ee shirweynaha Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA kaas oo ay ka qayb galeen ergooyinka dalalka xubnaha ka ahi. Shriweynaha ayaa lagu ballaariyey haya’adda iyadoo dalal cusub ay xubno ka mid ah noqdeen. Dalalka xubnaha Wakaalada Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah qaybta ka ah ay gaaray ilaa 178 dal. Dalalka ku biiray maanta wakaalada tamarta Nukliyeerka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IAEA, ayaa waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay tan iyo asaaskii hay’addaas hadda ku biirtay. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Adan Xaadow, oo ka mid ahaa waftiga Soomaaliya ee ka qayb galay shirkaasi ayaa BBC-da u sheegay in Soomaaliya ay horrey ugu gudbisay hay...
Maxaa lagu sababeeyay dib-u-dhaca ku yimid wajigii sadaxaad ee wadahadalladii Somalia Iyo Itoobiya ee Turkigu uu garwadeenka ka ahaa
WARARKA

Maxaa lagu sababeeyay dib-u-dhaca ku yimid wajigii sadaxaad ee wadahadalladii Somalia Iyo Itoobiya ee Turkigu uu garwadeenka ka ahaa

Tilmaamaha Qodob dhowr oo uu soo ururiyay #Dalhage ayaa leh sidan⤵️ Maxaa lagu sababeeyay dib-u-dhaca ku yimid wajigii sadaxaad ee wadahadalladii Somalia Iyo Itoobiya ee Turkigu uu garwadeenka ka ahaa oo lagu waday in laysugu soo laabto 17 September.?? ⏩️Beesha Caalamka ayaa ka fiirsatay is mari waaga jira, maadaama aysan Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna waxba ka bedelin mowqifkooda ku aadan heshiiskii is afgaradka badda ee Itoobiya iyo gooni goosadka. ⏩️Wareysi uu dhawaan siiyey telefiishanka, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fiqi, ayaa ka digay in haddii Itoobiya ay ku sii socoto heshiiska is-afgaradka ah, ay Soomaaliya qaadi karto tallaabooyin adag oo ay ka mid tahay in ay la safato jabhadaha Itoobiya. ⏩️Waxaa xigay hadallo kicin ah oo ka soo yeeray ku xigeenka wakiilk...
Adeegga Wehel: Dareenka aabbaha xaaskiisa ku wehliyay qolka dhalmada Isbitaalka Banaadir!!
WARARKA, WORLD

Adeegga Wehel: Dareenka aabbaha xaaskiisa ku wehliyay qolka dhalmada Isbitaalka Banaadir!!

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa soo kordhiyay qayb cusub oo loogu magac daray ‘Wehel’ taas oo loogu talagalay in hooyooyinka xilliga foosha ay garab joogaan raggooda. Adeegga cusub ee lagu soo kordhiyay isbitaalka ayaa fursad u siinaya aabbeyaasha in ay goobjoog ka ahaadaan xilliga ay u dhalanayaan carruurta. Fartuun Shariif Maxamed oo ah agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa BBC-da uga warbixisay adeegga cusub oo ay soo kordhiyeen iyo sababta ku dhalisay, ‘’Barnaamijka Wehel waxaa nagu dhaliyay kadib markii aan aragnay caqabado badan oo ay kamid yihiin xilliyada hooyada isbitaalka ay imaaneyso in aysan la socon qof wehel ah ama ay la socdaan dad aan ehel u ahayn oo laga yaabo in ay daris yihiin,’’ ayay tiri agaasime Fartuun. Dhanka kale ...
Daawo : Waftiga IGAD ee Muqdisho Iyo Hadalada Wasiir Fiqi
WARARKA

Daawo : Waftiga IGAD ee Muqdisho Iyo Hadalada Wasiir Fiqi

16" September " 2024" Muqdisho " Wafdi sare oo ka socda Urur goboleedka IGAD ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.Wafdiga oo si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyey ayaa kulan la qaatay saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda. Haddaba kulanka kadib shir jaraa'id oo uu qabtay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayuu uga hadlay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ka wada hadleen. Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in wafdiga IGAD ee uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta Workneh Gebeyehu ay kala hadleen xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya. Wasiir Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ay Muqdisho ku yimaadeen casuu...
The third phase of the talks between Somalia and Ethiopia that was supposed to open in Turkey has been cancelled
WARARKA

The third phase of the talks between Somalia and Ethiopia that was supposed to open in Turkey has been cancelled

🚨 BREAKING NEWS 🚨Reports from Turkey and other international outlets suggest that the postponement of the #Ankara mediations is due to these key factors: 📌 The international community has taken note of the impasse, as neither Somalia nor Ethiopia has altered their positions regarding Ethiopia's maritime annexation MoU with the separatists. 📌 In a recent televised interview, Somalia's Foreign Minister, Fiqi, cautioned that if Ethiopia continues with the MoU, Somalia may resort to drastic measures, including aligning with Ethiopian rebel groups. This was followed by provocative comments from Ethiopia’s Deputy Representative to the African Union, further escalating tensions. 📌 The U.S. has recently shifted its previously passive stance on the MoU, strongly rejecting it and reaffirmin...
Dheeho👀Cusbooneysiinta Wararka Ciyaaraha ee Barcelona,  Arsenal vs Tottenham “Atlanta, Roma Iyo Napoli +
SPORTS, WARARKA

Dheeho👀Cusbooneysiinta Wararka Ciyaaraha ee Barcelona, Arsenal vs Tottenham “Atlanta, Roma Iyo Napoli +

Cagliari 0-4 Napoli Romelu Lukaku oo ku soo bilaawday kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Antonio Conte, ayaa door weeyn ku lahaa guul ay Napoli ka gaarto Cagliari Sardinians-ka ayaa tabayay Matteo Prati waxaana ay ku soo bilaabeen Gianluca Gaetano kulankii kooxdiisii ​​hore Kooxda martida aheyd ayaa si nasiib wanaag ah ku furtay gool, sababtoo ah Lukaku ayaa kubad u dhigay Giovanni Di Lorenzo, dhamaadkiina wuxuu ku sii jeeday geesta hoose ee fog, ilaa iyo markii uu si weyn u leexiyay Yerry Mina, kubad uu si qaldan lugta uga saaray Simone Scuffet. meel u dhow boostada Cagliari ayaa isla markiiba la dagaalantay isaga oo Alex Meret ku qasbay in uu badbaadiyay kubbad uu si xun u tuuray Paulo Azzi, halka Sebastiano Luperto uu kubbad uu Lukaku soo tuuray uu ka helay Andre Frank Zamb...
Shaqadii garoonka diyaaradaha Boosaaso oo istaagtay, kadib markii
WARARKA

Shaqadii garoonka diyaaradaha Boosaaso oo istaagtay, kadib markii

Waxaa gebi ahaan hakad-gashay shaqada garoonka diyaaradaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo maamulka Puntland Labada dhinac ayaa isku qabtay isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib markii PSF ay sheegtay in laga hor istaagay in askar dhaawacyo ah ay ka dhoofiso halkaasi. Intaas kadib taliska ciidanka PSF ayaa soo saaray hanjabaad culus oo uu ugu digay shacabka deggan aagga garoonka iyo diyaaradaha tega magaalada Boosaaso. Shaqada joogsatay ayaa sidoo kale timid, kadib markii xalay ay PSF ku celisay digniinteedii hore, iyada oo intaas ku dartay in aanu weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta garoonka, ayna u digayaan shacabka iyo shirkadaha duulimaadyada. Arrintan aya...