WARARKA

Kulanka QoorQoor iyo Deni muxuu ka beddeli doonaa colaadda gobolka Mudug?
WARARKA

Kulanka QoorQoor iyo Deni muxuu ka beddeli doonaa colaadda gobolka Mudug?

Waxaa magaalada Gaalkacyo kulamo ku yeeshay madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor xilli deegaano ka mida gobolka Mudug ay dagaalo ku dhexmarayeen beelo halkaasi wada daga. Gobolka Mudug oo ay labada maamulba ka ka arrimayaan ayaa colaadaha beeluhu ku soo noq noqdaan waxayna galaafteen nolosha dad badan. Dadka qaar ayaa muujiya in maamuladu sidii la rabay aysan u wajihin si loo dhammeeyo colaadaha. Qoraal kulanka labada madaxweyne ka dib ay wadajir u soo saareen maamuladu ayey ku sheegeen inay iska kaashanayan dhinacyada ammaanka si looga hortago dirirta beelaha ee ka dhacda gobolka. Galbeedka iyo Bariga gobolka Mudug waxaa sanadkaan ka dhacay dagaal beeleedyo dad badani ku dhinteen. Labada maamul ayaa odoyaasha d...
Maraykanka oo sheegay In uusan Marnaba Aqoonsan Doonin Heshiiska Muranka ka dhex dhaliyay Somalia Iyo Itoobiya
WARARKA

Maraykanka oo sheegay In uusan Marnaba Aqoonsan Doonin Heshiiska Muranka ka dhex dhaliyay Somalia Iyo Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee horraantii sanadkan dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley oo hadalkan dhawaajiyay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in xal nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Mareykanka uusan marnaba aqoonsan doonin heshiiskaas oo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in nasiib darro ay tahay in Itoobiya ay kusii dheganaato heshiiskan oo uu tilmaamay inuu carqalad ka abuurayo gobolka Geeska Afrika. Aad ayaan uga warqabnaa oo si wada jir ah ayaan uga shaqeyneynaa si aan u hubino in xal diblumaasiyadeed la...
Itoobiya oo Maraykanka kala hadashay walaaca ay ka qabto ciidamada beddelaya howlgalka ATMIS
WARARKA

Itoobiya oo Maraykanka kala hadashay walaaca ay ka qabto ciidamada beddelaya howlgalka ATMIS

Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wali taagan iyadoo wadahadallada loo ballansan yahay wareeggii 3aad in dhawaan la isugu yimaado dalka Turkiga. Khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yimid ka dib markii billowgii sanadkan ay Addis Ababa heshiis is af garad ah la saxiixatay Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, taas oo ay dowladda federalka Soomaaliya si weyn uga hortimid, muddo yar ka dibna ay heshiis amni iyo mid difaac la gashay dalka Masar. Khilaafka ayaa sii xoogaystay ka dib markii diyaarado ciidan oo ay leedahay dowladda Masar ay ka degeen magaalada Muqdisho sida ilo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen inay taageero militari geeyeen Muqdisho. Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi ...
Dheeho Cusbooneysiinta Wararka Iyo Warbixinada Ciyaaraha
SPORTS, WARARKA

Dheeho Cusbooneysiinta Wararka Iyo Warbixinada Ciyaaraha

Erling Haaland ayaa Man City Ku Hogaamiyay Guul ay Ka Gaarto Brentford Erling Haaland ayaa laba gool dhaliyay si uu goolashiisa Premier League ka dhigo sagaal gool iyada oo Manchester City ay ka soo kabsatay goolkii laga dhaliyay 23 ilbiriqsi ka dib si ay u sii xajisato rikoorkeeda 100% ee guushii ay ka gaadhay Brentford. Weeraryahanka kooxda martida ah ee Yoane Wissa ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee xilli ciyaareedka, isagoo ku sii socday shabaq maran meel u dhow ka dib markii John Stones iyo Ederson ay si aan macquul aheyn isku dayeen inay isku dayaan inay iska saaraan madaxa Keane Lewis-Potter. City ayaa ruxaysay laakiin Haaland ayaa dejiyay markabka, isagoo guriga ku sii waday kubbad dabacsan ka dib markii Kevin de Bruyne lagu dhex toogtay diilinta Brentford. ...
Muqdisho: Muuqaal argagax leh iyo toogasho toos ah + Go’aan
WARARKA

Muqdisho: Muuqaal argagax leh iyo toogasho toos ah + Go’aan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta dhageysatay kiiska askar ka tirsan ciidamada dowladda oo uu is-fahamwaa soo kala dhex-galay, kuwaas oo isku qabsaday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Maxkamadda ayaa soo bandhigtay muuqaal argagax leh oo ay duubtay Kaamirada CCTV, taas oo laga daawaday israsaaseyn goobta ka dhacday oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac. Muuqaalka ayaa waxaa laga arkayay darawalka sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo toos rasaas ugu furayo askar iyo dad kale oo meesha joogay, waxaana toogashadaas ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa isla ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa barta Siinaay. Sababta keentay dagaalka ayaa ahayd in waddada oo xirneyd kadib gaariga looga shakiyay qarax oo goobta yiilay ay yimaadeen askar kale oo k...
Rooble oo dhoola-tus ka billaabay Muqdisho – Maxaa dhacay maanta?
WARARKA

Rooble oo dhoola-tus ka billaabay Muqdisho – Maxaa dhacay maanta?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho ka billaabay dhoola-tuskiisa u horreeyay oo u eg isu diyaarinta ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 2026, kaddib markii uu maanta qado sharaf u sameeyay xubno u badnaa saaxibadiisa Xubnaha uu maanta la kulmay Rooble ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, wasiirkii hore ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo xubno kale. Kulankan qadada ayaa lagu fallanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa marxaladaha siyaasadeed ee soo socda, waxaana arrimaha laga hadlay ka mid ahaa arrimaha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, iy...
Kulan nabadeed oo lagu soo gabagabeeyey Gaalkacyo
WARARKA

Kulan nabadeed oo lagu soo gabagabeeyey Gaalkacyo

Waxaa magaalada Gaalkacyo maanta lagu soo gabagabeeyay shir nabadeed oo maalmahanba magaalada uga socdey maamullada Galmudug iyo Puntland Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa heerarka kala duwan ee hay’adaha labadaas maamul oo daris, ayada oo diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga, nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada. Sidoo kale waxaa shirkan saacadaha uu socday looga hadlay heshiisyadii ay horay u gaareen labada maamul, gaar ahaan guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira ee u baahan in haatan xal loo helo. Intaasi kadib Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiisyay 4 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah:- 1-Xoojinra iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug. 2-Qabashada kulamo h...
Sweden oo muhaajiriinta siineysa $34,000 qofkiiba si ay dalka uga baxaan
WARARKA

Sweden oo muhaajiriinta siineysa $34,000 qofkiiba si ay dalka uga baxaan

Stockholm — 13" September "2024" Sweden eden ayaa qorsheyneysa inay kordhiso, oo ay gaarsiiso illaa $34,000, lacagta la siinayo dadka soo-galootiga ah si ay uga tagaan dalkaas gabaadka u noqday dad ka soo cararaya dagaallada iyo caburinta, sida ay Khamiistii sheegtay dowladda garabka midig.Dalkan Scandinavian-ka ayaa waxaa muddo tobanaan sano ah loo arkayey inuu yahay "mid ku sarreeya bani'aadannimada,” laakiin sannadihii la soo dhaafay waxa uu la xarbinayey sidii uu dadka cusub ee imanaya ugu dhex-mili lahaa bulshada.Dadka soo-galootiga ah ee si iskood ah ugu laabanaya dalalkii ay ka yimaadeen laga billaabo 2026 waxay xaq u yeelanayaan inay helaan ilaa 350,000 oo karoon Swedish ah oo u dhiganta $34,000, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay dowladda ay taageeraan xisbiga ka soo horjeeda soo-g...
Report: IS-Somalia becomes financial hub; leader could be top IS chief
WARARKA

Report: IS-Somalia becomes financial hub; leader could be top IS chief

VOA" 13" Sept" 2024" The International Crisis Group says Islamic State in Somalia has becomge an important financial influence for terrorism, and a report suggests the leader of the branch might become the new overall head of the militant group. IS-Somalia is not as active on the battlefield as its local counterpart, the al-Qaida-linked terror group al-Shabab, which controls large parts of southern and central Somalia, but it is building relations with other IS branches, the International Crisis Group said in a report released Thursday. In addition, the report says, IS-Somalia is able to finance terror operations in other African countries. Omar Mahmood, a senior researcher with the International Crisis Group, or ICG, said IS-Somalia plays a bigger role outside Somalia than al-Sha...
R/W Xamza oo safarkiisii Baydhabo gacma marnaa kala soo laabtay
WARARKA

R/W Xamza oo safarkiisii Baydhabo gacma marnaa kala soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo maalmahan safar ku joogay magaalada Baydhabo ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uusan kasoo dhoofin garoonka magaalada Baydhabo, waxa uu qaaday kormeer ku tegay Terminalka garoonka oo la keenay qalab casri ah. Qalabkan cusub ee ra’iisul wasaaraha indhaha soo saaray ayaa la filayo in uu gacan ka geysto hagaajinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo Koonfur Galbeed guud ahaan. Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Baydhaba, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, qaar kamid ...