WARARKA

Daawo: Xildhibaano u badan reer K/Galbeed oo ku dhawaaqay qorshe Difaac
WARARKA

Daawo: Xildhibaano u badan reer K/Galbeed oo ku dhawaaqay qorshe Difaac

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay gole ay ku mideysan-yihiin oo shaqeynaya ‘midnimada iyo difaaca dalka, doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.’ Xildhibaanada ku midoobay golahaas oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xusay qodobada ay ka shaqey doonaan oo gaaraya 14 qodob. “Ka Shaqeynta doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu wadayahay” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-saxaafadeedka oo xildhibaanadu ay si gaar ah hoosta uga xariigeen. Waxay sheegeen in dalku ku jiro caalad siyaasadeed oo adag, iyagoo hoggaaminta dowladda ku tilmaamay mid guracan, isla markaana ay ka shaqey doonaan sidii loo toosin lahaa waxyaabaha qaldan. “Si wadada saxda ah loogu soo celiyo hoggaanka dowladda...
Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay xeer xasaasi ah
WARARKA

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay xeer xasaasi ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah ayaa ansixiyey xeerka dhismaha xafiiska amniga qaranka oo ay wasaaradda amniga guduha soo gudbisay. Shirka oo uu guddoominaayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa wasaaradaha qaar ee xukuumadda looga dhageystay warbixninno ku aadan xaaladda guud ee dalka. Waxaa warbixinta kulankii maanta looga dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga. Wasaaradda Amniga ayaa ka hadashay howlaha sugida amniga, gaar ahaan deegaannada ka tirsan caasim Sidoo kale, wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa iyadna ka warbixisay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka. Intii kulanka uu socday, golah ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada aas...
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka K/ Galbeed ayaa gudoomiyay ..
WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka K/ Galbeed ayaa gudoomiyay ..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo. Shirka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah AShabaab Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen), oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirtaa xaaladaha bulsho iyo nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan dhinacyada amniga,siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka AS. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Fe...
Midowga Yurub Oo Isbarardhig Ku Sameeyau Muqdisho & Gaza
WARARKA

Midowga Yurub Oo Isbarardhig Ku Sameeyau Muqdisho & Gaza

Ma doonayno in Qasa noqoto Muqdisho oo kale" madaxa siyaasadda ee Midowga Yurub !! Waxa ka dhacaya dhinaca kale ee gidaarkan ma aha qalalaase u abuurmay sida dabiici ah. Waa dhibaato bani-aadmigu sameeyay. Masiibo bani-aadmigu sameeyey”. Waa hadallo uu jeediyey Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ninka lagu magacaabo Josep Borrell xilli uu booqayey xaduuda Rafax ee dhanka Masar todobaadkan. Borrell oo hoggaaminayey wafdi reer Yurub ah oo booqday daanta Rafax ee dhanka Masar ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Qasa ay yihiin “ Masiibo”. Wuxuu sheegay in inuu ka digayo in arrintan ay samayn ku yeelato ammaanka iyo degganaanshaha gobolka. Isagoo ka hadlayey sida hadda uu yahay xaalka Qasa gaar ahaan dhanka koonfurta ayuu Borrel ku sheegay ...
Daawo” Ra’iisul Wasaare Xamse oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo 
WARARKA

Daawo” Ra’iisul Wasaare Xamse oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Baydhaba, halkaasi oo la filayo inuu kulamo kula yeesho madaxda Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Sida lagu sheegay qoraal ka so baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, safarka Xamsa ayaa “qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.” “Waxaa laga wada hadli doonaa dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka. Socdaalka ayaa imanaya ayada oo dhowaanahan ay xiisad ka dhex-jirtay reer Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, taasi oo salka ku haysa ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya. Qaar ka mid ah deegaanada Koonf...
Turkiga oo billaabay qorshe culus oo uu Soomaaliya uga sameynayo xarunta tijaabada
WARARKA

Turkiga oo billaabay qorshe culus oo uu Soomaaliya uga sameynayo xarunta tijaabada

Dowladda Turkiga ayaa haatan wada-hadallo cusub kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay wadaa qorshe culus oo ay ku dooneyso in dalka uga sameysaneyso xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wada-hadalladu ay marayaan meel xasaasi ah, isla markaana Turkiga uu doonayo inuu isku ballaariyo Soomaaliya, maadaama uu haatan saaxib la yahay, isla markaana uu ka taageero dhanka milatariga. Qorshahan ayaa qayb ka ah kordhinta masaafada gantaallada gudaha laga sameeyo, gaar ahaan Tayfun, oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay sanadkii 2022 in lagu tuuri karo masaafo dhan 560 kiiloomitir (350 mayl). Turkiga ayaa leh barnaamij muddo dheer soo socday oo ku saabsan tijaabinta gantaallada masaafo dheer...
Maxaa Saarnaa Diyaaradihii ay Masar Maanta Markale Muqdisho Ka Dajisay??
WARARKA

Maxaa Saarnaa Diyaaradihii ay Masar Maanta Markale Muqdisho Ka Dajisay??

Xog la isku halleyn karo oo aan ka helay ilo millatariga Soomaalida ah gaar ahaan qeybta u xil-saaran fulinta heshiiska Masar iyo Soomaaliya ayaa ii xaqiiijiyay in diyaaradihii Masar ee garoonka Aadan Cadde ka degay dhamaadkii August ay wadeen, qalabka soo socda: 1- Shoulder Fired Anti-Tank Missiles (Gantaallada Lidka Taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyada. Tiradooda waxaa la iigu sheegay 141 (Boqol afartan iyo kow). 2- Most Advanced Anti-tank Mines (Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan) Tiradooda aad looma hubo, laakiin waxa ay iluhu ii xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500 (Kun iyo shan-boqol oo xabbo) 3- Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka. Laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo. Iluhu waxa...
Ciidanka PSF oo digniin u diray shacabka degan aagga garoonka Boosaaso
WARARKA

Ciidanka PSF oo digniin u diray shacabka degan aagga garoonka Boosaaso

Ciidamada PSF ee ka howlgalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku aadan isticmaalka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Taliska oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in garoonka loo beddalay xero ciidan, isla markaana askartooda oo dhaawac loo diiday in laga soo dhoofiyo garoonka. PSF ayaa ugu baaqday shacabka inay isaga fogaadaan aagga garoonka, wuxuuna taliska ku goodiyay inuu qaadayo tallaabo milatari. “Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah, waxaana uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Xaalad kacs...
D/F/Somalia oo Ugu baaqday dalalka qeybta ka ah howlgalka sii dhammaanaya ee ATMIS inay dhowraan madax-banaanida dalka
WARARKA

D/F/Somalia oo Ugu baaqday dalalka qeybta ka ah howlgalka sii dhammaanaya ee ATMIS inay dhowraan madax-banaanida dalka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle oo hadal ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, isaga oo farriin culus u diray dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah. Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay waddamada qaybta ka ah howlgalka sii dhammaanaya ATMIS inay dhowraan madax-banaanida Soomaaliya oo uu tilmaamay inay tahay lama taabtaan. Waxaa kale oo uu ku booriyay inay waddamadu u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka, si looga hortago xiisad horleh oo ka dhacda Geeska Afrika. Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in danaha dalalka ciidamada shisheeye ay mararka qaar keeni karaan mugdi khatar gelin ka...
Daawo; R/ Wasaare Xamza oo farriin culus diray Itoobiya kadib tallaabo uu maanta qaaday
WARARKA

Daawo; R/ Wasaare Xamza oo farriin culus diray Itoobiya kadib tallaabo uu maanta qaaday

Ra’iisul Wasaare Xamza oo farriin culus diray Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran. “Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan. Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1833594117311328630?t=MwbcySLK...