WARARKA

Jabuuti oo faah-faahisay dekadda ay u yaboohday Itoobiya
WARARKA

Jabuuti oo faah-faahisay dekadda ay u yaboohday Itoobiya

Jabuuti — 10-Sept-2024 Jabuuti ayaa mar kale Isniintii sheegtay inay u yaboohdayAddis Ababa heshiis deked wadaag, tallaabadaas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Geeska Afrika ee Itoobiya iyo Soomaaliya.Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa aad u xumaaday markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis muran badan dhaliyay oo dhinaca badda ah la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliya ee Somaliland.Heshiiska is-afgaradka (MoU) ayaa siinaya Itoobiya -- oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn adduunka ee aan bad lahayn -- in ay hesho bad, balse Soomaaliya ayaa ku cambaareysay in ay weerar ku tahay madax-bannaanideeda.Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay in dowladiisa ay ku yabooheyso in dekadda Tadjoura ay si wada jir ...
Darnaanshuhu Ma aha Abaalgudka la Siiyo Dalkaaga !!  [Faallo]
Politics, WARARKA

Darnaanshuhu Ma aha Abaalgudka la Siiyo Dalkaaga !! [Faallo]

Laftagareen: Itoobiya Waa U Abaal Guday, Laakiin Midkii Ay Somalia ku laheydna Wuu Dayacay Si uu ,u soo laabto Farmaajo oo Itoobiya uu u siiyo dakadihii uu u balanqaaday ayaa sal u ahayed markii horaba in Laftagareen uu Madax ka noqdo maamulka Koonfur-Galbeed Soo xulitaanka xildhibaabadii dooran lahaa farmaajo oo Itoobiya ay ka heeysatay balan qaadyo dakadeed ayaa Laftagareen loo geeyay kursiga ugu sareeya ee maamulka Koonfur-Galbeed isaga oo ay galbinayaan ciidamada Itoobiya oo xasuuq ka geeystay magaalada baydhabo xiligaas Ka hadalka xadgudbyadii bani,aadantinimo ee Itoobiya ay ka geeystay Baydhabo, ooy ku jireen Iskudirkii beelaha gobolkaas daga Iyo xoog ku geeyntii Laftagareen xaafiiska K/galbeed ayaa sababtay sidoo kale in dalka laga saaro Nicholas haysom Ergeygii Xoghayaha g...
Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Todobo ruux oo loo heestay Dil
WARARKA

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Todobo ruux oo loo heestay Dil

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida, ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amin iyo ku takrifal dhul dowladeed. Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bishii Augost ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha...
Itoobiya oo warqad calaacal ah u dirtay Golaha amaanaka Qaramada Midoobey
WARARKA

Itoobiya oo warqad calaacal ah u dirtay Golaha amaanaka Qaramada Midoobey

Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay tixgalinta in Masar ay ku kacday "hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday" oo ka dhan ah Itoobiya. Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa warqad u dirtay golaha ammaanka qaramada midoobay waxa ayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga qaramada midoobay BBC-da ayaa aragtay warqadda uu qoray wasiirka arimaha dibadda, safiir Taye Atzik-Salase, waxa uu dalka Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn eek u saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadiida caalamiga ah. WarqadDaan ay wasaaradda arimaha dibadda Itoob...
Maxay kawada Hadleen daxweyne Xasan Iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM?
WARARKA

Maxay kawada Hadleen daxweyne Xasan Iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Labaduba waxay ka wadahadleen horumarinta Soomaaliya-U.S. iskaashiga amniga iyo dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada. https://twitter.com/TheVillaSomalia/status/1833182140588011848?t=_Me7BBlml7WyJs9QjUZDZQ&s=19
Kalluumaysiga sharci darrada ah oo Afrika ugu kaca ilaa $12 Bilyan sannadkii
WARARKA

Kalluumaysiga sharci darrada ah oo Afrika ugu kaca ilaa $12 Bilyan sannadkii

Kalluumaysiga sharci darrada ah, ee aan nidaamsanayn, lana soo sheegin (IUU) oo si gaaban haddii loo yiraahdo loo garan ogyahay kalluumaysiga sharci darrada ah waa hawl kasta oo la xiriirta kalluumaysi lo fuliyo si xadgudub ku ah shuruucda dalalka ama kuwa heer gobol. Waxaa ka mid ah gaadiidka badda ee iyagoon ruqsad haysan ka shaqaysta biyaha dalalka, u hogaansanaan la’aanta qoondada kalluunka la jillaabto, ka kalluumaysiga meelaha mamnuuca ka ah, iyo isticmaalka qaababka la mamnuucay. Inta badan kalluumaysigaas waxaa laga sameeyaa gudaha badweynta iyo xeebaha dalalka ay sharciyadooda iyo koontaroolkoodu jilicsan yihiin. “Kalluumaysigu uma wax soosaar badna sidii uu sannado ka hor ahaan jiray. Kalluunka helitaankiisa ayaa dhif iyo naadir noqday” ayuu yiri Mbor Faye. Ninkan oo ...
Shir ku saabsan amniga iyo isbeddelka cimilada oo ka furmay Muqdisho
WARARKA

Shir ku saabsan amniga iyo isbeddelka cimilada oo ka furmay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo ay ka qeyb gelayaan xubno ka socdo Golaha Wasiirrada, Wakiilada Beesha Caalamka, Ururrada ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo mas’uuliyiin kale . Shirkan oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ayaa looga doodayaa saameynta isbeddelka cimiladu ku leedahay labajibbaarida khataraha amniga Qaranka sida colaadaha ka dhasha isku qabsiga dhul-daaqsineedka iyo baraha waraabka xilli abaareedka.
Daawo” Baarlamaanka Soomaaliya oo dib u furmay, kadib maalmo uu hakad galay
WARARKA

Daawo” Baarlamaanka Soomaaliya oo dib u furmay, kadib maalmo uu hakad galay

Waxaa maanta dib u billowday kulamadii caadiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad galay, sababo la xiriira xiisadda hareysay Golaha ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada. Wararla ayaa sheegaya in haatan baarlamaanka Soomaaliya uu mid kamid ah kulamadiisa ku leeyahay xarunta Villa Hargeysa, si loo sii amba qaado howlaha shaqo ee horyaallo Saddexdii kulan ee ugu dambeysay ayaa baaqday, sababo la xiriira is qab-qabsiga xildhibaannada, kadib markii ay xiisad ka dhalatay mudanayaal taageeray Itoobiya. Sababta ugu wayn ee muranka ka dhashay waa arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya Xaaladda ay...
Abiye Ahmed oo sheegay in uusan cidna kala gorgortami doonin madaxbanaanida Itoobiya
WARARKA

Abiye Ahmed oo sheegay in uusan cidna kala gorgortami doonin madaxbanaanida Itoobiya

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan gorgortan ka geli doonin madax banaanideeda. "Itoobiya weligeed cidna kuma soo duulin taariikhda, ka yeeli mayno qof ku xad-gudbo madaxbannaanidayada," ayuu yiri Abiy Axmed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij lagu xusayay maalinta dalkaasi. Hadalka hoggaamiyaha Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan xiisadda ka taagan gobolka. Si kastaba ha ahaatee, ra'iisul wasaare Abiy kuma uusan sheegin khudbadiisa arrimo ammaan la xiriira. "Ma taabaneyno dadka, laakiin haddii ay na taabtaan, waxaan caan ku nahay inaan ka jawaabno," ayuu yiri Abiy isagoo khudbad jeedinayey. Ra’iisul Wasaaruha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Annaga Itoobiyaanka ah ma lihin wax rabitaan ah oo aan ku doonayno in...
Maxaa ka hirgalay amarkii ahaa U Isticmaal Magaca Soomaaliya oo kaliya nidaamkaaga ganacsi laga bilaabo 1-da Sebtembar ?
WARARKA

Maxaa ka hirgalay amarkii ahaa U Isticmaal Magaca Soomaaliya oo kaliya nidaamkaaga ganacsi laga bilaabo 1-da Sebtembar ?

Maxaa ka hirgalay amarkii ahaa U Isticmaal Magaca Soomaaliya oo kaliya nidaamkaaga ganacsi laga bilaabo 1-da Sebtembar ? Muqdisho waxa ay sheegtay in dhammaan shirkadaha ka hawlgala Soomaaliya ay tahay, in 1-da Sebtembar, ay beddelaan macluumaadka shabakadahooda si ay u muujiyaan in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya. War-murtiyeedkaas ayaa si gaar ah loogu magacaabay Hay’adaha Xawaaladaha sida Paysii, Dahabshil iyo Jubba Express, kaasi oo sidoo kale lagu doonayay in lagu soo jeediyo indhaha Xawaaladaha kale iyo Shirkadaha kale in ay joojiyaan adeegsiga Magaca Somaliland, taas bedelkeedna ay ku codsadaan Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in waqtiga loo qabtay. Diyaaradda Ethiopian Airlines Iyo Fly Dubai ayaa u hogaansamay durbadiiba amarka dowladda Somalia Soomaaliya waxa ...