WARARKA

Maxkamadda Ciidamadda oo xukuno dil iyo xabsi ah ku riday askar loo heysto dilka qof shacab ah
WARARKA

Maxkamadda Ciidamadda oo xukuno dil iyo xabsi ah ku riday askar loo heysto dilka qof shacab ah

Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, waxaana lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida. Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is-rasaaseyn dhex martay Labada eedeysane, ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan. Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday ...
Culimada Soomaaliyeed oo soo saaray bayaan culus oo la xiriira damaca Itoobiya
WARARKA

Culimada Soomaaliyeed oo soo saaray bayaan culus oo la xiriira damaca Itoobiya

Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga Itoobiya. Baaqan ayey culimaddu kusoo saaren war-murtiyeed ay kasoo saareen damaca guracan ee Itoobiya, xilli maalmihii u dambeeyay ay culimada ka shirsanayeen, waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay u istaagaan difaaca diinta iyo dalka. Culimada ayaa ugu horeyn bayaanka ay soo saareen ku adkeeyay midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaana qodobada ay soo saareen kamid ah; 1. Culimada Soomaaliyeed waxa ay adkeynayaan midnimada ummadda Soomaaliyeed. 2. Culimada waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baaqayaan in ay u midoobaan difaaca dalka, kana fogaadaan wax walba oo kala fageyn karo midnimada iyo wadijraka ummadda...
Magaalada Garoowe oo caawa gubaneysa
WARARKA

Magaalada Garoowe oo caawa gubaneysa

Dab xoog leh ayaa caawa fiidkii ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Waxaa ilaa hadda socda daminta iyo la tacaalida dabkaas oo ah mid xoogan, sida ay ku waramayaan goobjoogayaal qeyb ka ah gurmadka socda. Dabka ayaa markii hore ka kacay Geerish gaadiidka lagu dayactiro oo ka ag-dhowaa Kaalinta Shidaalka ee 3CC oo dabku gaaray, markii lagu guul-dareystay in la demiyo. Dabka ayaa sii fiday oo gaaray heer la xakamey waayo markii uu qabsaday kaalintaas Shidaalka oo ka mid ah goobaha Shidaalka lagu iibiyo ee ugu waaweyn magaalada Garowe. Sidoo kale dabku wuxuu burburiyey oo ku sii faafayaa goobo ganacsi oo aaggaas ku yaalay, maadaama la xakameyn waayey kaalintii shidaalka iyo Garaashkiina uu soo baabi’iyey Gaadiidka Dab-damiska iyo...
Kulan Wadatashi ah oo ay Wadajir u Qabteen Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta
WARARKA

Kulan Wadatashi ah oo ay Wadajir u Qabteen Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta

– 7--September, 2024: Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulan wadatashi oo ku saabsan kaalinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada shirkadaha isgaarsiinta, iyo isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta ee dalka. Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda hay’adaha NIRA iyo HIQ iyo mas’uuliyiin ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta dalka. Kulanka ayaa waxaa daahfuray Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle, iyo Mustafa Yasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, iyagoo ka hadlay heerarka kala duwan ee uu soo maray nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka. Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle, oo kulanka ka had...
Daawo: Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo qaaday tallaabo kale Iyo Xildhibaan Yusuf geele oo u jawaabay
WARARKA

Daawo: Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo qaaday tallaabo kale Iyo Xildhibaan Yusuf geele oo u jawaabay

Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye oo mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya Odayaasha ayaa shirkooda si gaar ah diiradda ugu saaray muranka ka dhashay xildhibaannadii taageerada u muujiyay Itoobiya oo dhalisay carro aad u xoogan. Ugu horreyn waxay ka biyo diideen raalli-gelin la siiyay xildhibaannada Koonfur Galbeed oo ay u tageen xildhibaanno kale oo kasoo jeeda Hawiye, kuwaas oo raalligelin siiyay, waxaase arrintaas haatan ka horymid oo xiisadda dab kusii shiday odayaasha Beelaha Hawiye. https://youtu.be/UwtytVcKk14?si=_M9uqwm1YkF0nVxs Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Beelaha Hawiye oo ka hadlay shirka jaraa’id a...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday Inay kulmaan Isaga Abiy
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday Inay kulmaan Isaga Abiy

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania oo uu weheliyo guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa ku guuldareystay Isku day ay ku doonayeen inay ku kulansiiyaan Madaxweynaha Somalia Iyo Reysilwasaaraha Itoobiya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku gacan seeyray in uu la kulmo Abiy tan iyo inta uu ka laabanayo heshiiskii sharci darrada ahaa ee Itoobiya ay la gashay maamulgoboleedka Somaliland Labada masuul ee Somalia iyo Itoobiya ayaa kuwada sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ooy kaga qeybgaleen shirmadaxeedka Shiinaha Iyo Afrika Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu adkeysatay in aan wax wadahadal toos ah lagala yeelan doonin Itoobiya haddii aysan Addis Ababa ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee maam...
Xasan Sheekh iyo Xi oo isku raacay xoojinta xiriirka labada dal
WARARKA

Xasan Sheekh iyo Xi oo isku raacay xoojinta xiriirka labada dal

Beijing — 6-Sept-2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay magaalada Beijing madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, sida ay sheegeen labada dhinac.“Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.Sida lagu yiri qoraalka, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda labada dal “ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnim...
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 2024 qabatay kiisaskii ugu badnaa
WARARKA

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 2024 qabatay kiisaskii ugu badnaa

Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in sanadkaan 2024-ka ay maxkamaddu qabatay gal dacwadeedkii ugu badnaa ee abid soo mara, iyadoo Maxkamadda ay ka jirto caqabad garsooreyaal la’aan ah. Waxa uu sheegay in culeyska kiisaska tirada badan iyo garsoorayaasha ay heli karaan aysan aheyn wax isku dhigma taasi oo keentay in dib dhac uu ku yimaado in dacwadaha la qaado waqtigii loogu talagalay. Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli dad badan ay ka cawdeen qaadista kiisaska ee Maxkamadda oo waqti dheer qaata. https://www.voasomali.com/a/maxkamadda-gobolka-banaadir-oo-2024-qabatay-kiisaskii-ugu-badnaa/7773863.html
Raysilwasaare Xamsa oo kulan la yeeshay madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Jubbaland
WARARKA

Raysilwasaare Xamsa oo kulan la yeeshay madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa waxa uu kula yeeshay kulan casho ah Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Mudane Cali Daahir Ciid iyo Mudane Maxamuud Sayid Aadan. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu horreyn ka dhageystay labada Madaxweyne ku-xigeen warbixinno la xiriira xaaladda deegaannada dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka kooxaha Khawaarijta ah looga sifeynayo meelaha ay kaga harsan yihiin deegaannada Galmudug iyo Jubbaland. Horay labada madaxweyne ku xigeen ayaa ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay kala hadleen xaaladaha maamullada Galmudug iyo Jubbaland.