Booyadihii ugu badnaa ee shidaalka oo Soomaali leedahay oo ku xaniban xadka
Ku dhawaad laba boqol oo ah Booyado sida shidaal oo ku xanibnaa xadka dalka Koonfurta Sudan uu la wadaago dalka Sudan ayaa lagu soo warramayaa, in lagu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan.
Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee gaadiidkaan loogu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Koonfurta Sudan oo aarrintaan ku saabsan marka laga yimaado in ay amarka soo saartay.
Booyadahaan oo intooda badan ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa ku wajahnaa magaalada Abyei ee xadka labada Sudan ku taalla sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah darawallada gaadiidkaas oo lagu magacaabo
Boqol wuxuu sheegay in muddadii ay jidka ku sii jireen koox burcad ah ay ka dileen nin magaciisa uu ku soo koobay Xuseen.Wuxuu sidoo ...