WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha

4"Sept"2024" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha. https://twitter.com/sntvnews1/status/1831041953388998934?t=lAWrPr9WYBWgdvfTmeUWqA&s=19 Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, a...
Daawo” Duqeeyda dhaqanka beelaha Koonfur Galbeed oo ka horyimid tallaabadii maamulka Lafta-gareen
WARARKA

Daawo” Duqeeyda dhaqanka beelaha Koonfur Galbeed oo ka horyimid tallaabadii maamulka Lafta-gareen

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan taageeradii Koonfur Galbeed ee ciidanka Itoobiya. Odayaashan ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabadii uu qaaday maamuka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen iyo dibad-baxyadii ka dhacay gobolka Bakool. Mid kamid ah odayaasha oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in marnaba aysan taageeri doonin Itoobiya, ayna yihiin dad Soomaaliyeed oo leh dal xor ah. Annaga Itoobiyaan ma nihin,mana noqon doono Soomaali ayaa nahay, Digil iyo Mirifle ayaa nahay” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ka hadlay kulanka. Nabdoon kale oo isna hadalka qaatay ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed inuu soo qasbay shacabkii dibad-baxay, wuxuuna shee...
Somalia and Egypt are jointly conducting military exercises
WARARKA

Somalia and Egypt are jointly conducting military exercises

Somalia and Egypt are jointly conducting a military exercise that is expected to take place this month, as confirmed by a senior official in Egypt This exercise is coming in the midst of the crisis caused by Ethiopia's violation of the unity and independence of Somalia. The governments of Somalia and Egypt have made a serious decision that could fuel the political tension between the countries of Somalia and Ethiopia. The two countries have decided to hold a joint exercise that is expected to take place this month, as confirmed by a senior official in Egypt. The reports say that the ground, air and sea forces of the two countries will participate in this exercise, to present their forces. The Egyptian news sources that provided this information refused to disclose the offici...
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha
WARARKA

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha waxa uu dalkaasi kaga qeyb galayaa Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha. Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirat gaar gaar ah la yeelan doona madaxda dalalka Afrika ee shirka ka qeybgaleysa.
Baarlamaanka Somaliland oo diiday xarigga Xil : Maxamed Abiib iyo qoyskiisa oo ka hadlay xaaladiisa
WARARKA

Baarlamaanka Somaliland oo diiday xarigga Xil : Maxamed Abiib iyo qoyskiisa oo ka hadlay xaaladiisa

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xalay ku hoyday xabsiga Mandheera, oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Qoyska xildhibaanka ayaa aad uga walaacsan xaaladiisa, inkasta oo uu xildhibaanku la hadlay aabihiis sida uu BBC-da u sheegay Cabdulqaadir Abiib oo ah xildhibaanka walaalkiis. “Shalay ayay walaalkey iyo aabbe wada hadleen, waxa uuna ku yiri waa nabad qabaa, wax intaa dhaafsanna kama aynaan helin,’’ ayuu yiri Cabdiqaadir Abiib. Waxa uu intaa ku daray in xogo kale oo ay saaka heleen ay sheegayaan in ay jiraan jirdil iyo dhaawacyo loo geystay xildhibaanka, “Xaaladdiisa caafimaad kama warbixin karno waxa uu ku sugan yahay, laakiin wararku waxa ay sheegayaan in ay n...
Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerarka laga digayo ee Al-Shabaab ee gudaha Uganda
WARARKA

Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerarka laga digayo ee Al-Shabaab ee gudaha Uganda

2-Sept-2024" Wfhayeenka booliiska dalka Uganda Kituuma Rusoke ayaa xaqiijiyay in digniino la xiri amniga ay ka heleen Qaramada Midoobay iyo Mareykanka. Ciidamada kala duwan ee dalka Uganda ayaa adkeeyay ammaanka agagaarka magaalooyinka halkaa oo dadkana baaritaanno xooggan lagu sameynayo. Goobaha ammaankooda aadka loo adkeyay waxaa ka mid ah safaaradda Mareykanka iyo xarumaha Qaramada Midoobey ee dalka Uganda. Safaaradda Mareykanka ayaa muujisay in ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ay dhici karaan weeraro argagixiso oo lala beegsado goobo ku yaalla gudaha caasimadda Uganda ee Kampala. “Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagu dhiirigelinayaa inay taxadar dheeraad ah muujiyaan gaar ahaan suuqyada laga dukaamaysto, dugsiyada, iyo meelaha ay dalxiisayaashu tagaan,” ayaa la...
Daawo: Warbixin  sharaxaysa guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta
WARARKA

Daawo: Warbixin sharaxaysa guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Tan iyo bartamihii bishii May ee sanadii 2022_dii markii uu xukunka ku soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Mxamuud Argagixisada Al-Shabaab waxaa ay wajaheen guluf adag oo ah oo kaga imaanaya Ciidamada qaranka iyo xoogaga difaaca madaniga ah kuwaas oo ka saaray deegaano badan Bal hadaba aynu daawano Warbixin kooban oo sharaxaad ka bixinaysa guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Alshabaab iyo qorshayaasha qaran ee dalka looga ciribtirayo. (Qeybta 1aad) oo ay soo saartay Madaxtooyada Villa Somalia
Maamulka Somaliland oo Xabsiga dhigay Xildhibaan Maxamed Abiib
WARARKA

Maamulka Somaliland oo Xabsiga dhigay Xildhibaan Maxamed Abiib

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Somaliland ay xireen xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland. Mas’uuliyiin iyo xildhibaano ay VOA-da la hadashay ayaa xaqiijiyay in xildhibaanka laga qabtay garoonka magaalada Hargeysa xilli uu ka oo laabtay dalka Imaaraadka Carabta. Xildhibaan Abiib ayaa lagu yaqaan hadallo kulkul oo uu kaga soo horjeedo xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Bishii July ee sanadkan ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland waxa uu Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xil ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Maxamed Abiib. Eedaha xilligaasi loo soo jeediyay xildhibaanka waxaa ka mid ah, in mas’uuliyiin ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha Ciidamada Somal...
Daawo: Kulanka Aqalka Sare
WARARKA

Daawo: Kulanka Aqalka Sare

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka XFS Bashiir Maxamed Jaamac oo mudanayaasha Golaha Aqalka Sare u faah faahiyay sharciga ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka. https://youtu.be/AEj_BqVxHqM?si=zeX1ywTROcdhHKYO
Bangiyada iyo Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo si dad ban uga jawaabay
WARARKA

Bangiyada iyo Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo si dad ban uga jawaabay

1″ Aug”2024 Bangiyada iyo Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo si dad ban uga jawaabay eedeyn uga timid Al-Shabaab Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed waxa ay caddeynayaan in aanay jirin cid ay kula shirkoobeen ama ay faa’iido-wadaag kula noqdeen, ama ay hadda kula yihiin canshuuraha laga qaado dadka soomaaliyeed ama horay looga qaaday shakhsi gaar ah iyo ganacsi. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1830282829525373192?t=CQjW-rf1Ry2wOxYanbzvhg&s=19