WARARKA

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha Baydhabo
WARARKA

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha Baydhabo

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, kaas oo uu xigay dagaal toos ah Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic ay Al-Shabaab ku garaaceen garoonka oo ay ku sugan yihiin ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya oo dagaal kala hortegay xubnaha weerarka qaaday. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac, taas oo daqiiqado socoto, balse waxa ay tilmaameen in aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah. Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda xaqiijiyay inay iska difaaceen weerarka, ayna dileen saddex ka tirsanaa Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kas...
Mid ka mid ah xildhibaannadii taageeray Itoobiya oo raali-gelin bixiyay
WARARKA

Mid ka mid ah xildhibaannadii taageeray Itoobiya oo raali-gelin bixiyay

Xildhibaan Mukhtaar Saajid oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana kamid ah xildhibaannadii shalay taageerada u muujiyay Itoobiya ayaa maanta war cusub soo saaray, isaga oo ka laabtay mowqifkiisii hore. Saajid oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa marka hore raalli-gellin buuxda siiyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kadib taageeradii uu u muujiyay Itoobiya. Xildhibaanka ayaa ku dooday in hadalkiisa si qaldan loo dhigay, isla-markaana looga faa’iideystay kicinta xaaladda taagan. “Shacabkeyga qiimaha badan ee wanaagga iyo wixii maslaxadooda ka hadlay igu yaqaanay inaan af buuxdo ugu sheego kun jeer iga raalli ahaada haddii aad sidaas wax u garateen” ayuu yiri Xildhibaanku. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Itoobiya ma taageerin horay uma taageerin, had...
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Qaahira Kula Kulmay Dhiggiisa Masar
WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Qaahira Kula Kulmay Dhiggiisa Masar

Qahira, Sabti 31"Aug" 2024: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay in sii adkaynta calaaqaadka taariikhiga ah ay tahay mid muhiim u ah labada dal. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la abuuro iskaashi xooggan oo dhinaca amniga ah, si loo waja...
Daawo: JABUUTI oo keentay qorshe dekad oo xal u ah khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya
WARARKA

Daawo: JABUUTI oo keentay qorshe dekad oo xal u ah khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

31"Aug"2024" Daawo: Wareysi gaar ah oo uu wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti siiyay BBC-Focus on Africa uuna uga hadlayo dekadda ay Jabuuti sheegtay inay siinayso Itoobiya iyo khilaafka guud Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa uu hayo qorshe xal u ah khilaafka labada dal ee ka dhashay heshiiska badda ee horaantii sanadkan dhex-maray madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso marin biyood iyo sidoo kale deked, si xiisadda loo soo afk...
Madaxweynaha Soomaaliya Oo Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay ..
WARARKA

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay ..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliis犀利士 ka Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kulamadaas oo goob joog uu ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa ku saabsanaa amniga iyo xoreynta dalka. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixinno ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada. Dhonaca Kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo iclaamiyay shir deg deg ah  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa inuu iclaamiyay shir deg deg ah, kaas oo ay isugu imaana...
Qaraxyo lala beegsaday suuqa Tabeellaha ee ku yaal duleedka Muqdisho
WARARKA

Qaraxyo lala beegsaday suuqa Tabeellaha ee ku yaal duleedka Muqdisho

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Iskuul Buluusiyo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan weerarada qaraxyada ahaa ee ayAl-Shabaab ku qaadeen suuqyada Tabeelaha Sheekh Ibrhaahim iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in Khawaarijta ay tahay cadowga Ummadda Soomaaliyeed, haddana ay billowday inay qarxiso suuqyada, si ay u burburiso dhaqaalaha shacabka. Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay muujineyso awood yarida kooxda, maadaama lagu qaaday howlgal cirka iyo dhulka ah, kaas oo looga xoreeyay dhul aad u ballaaran. “Waxaa la ogaaday in Khawaarijta ay yihiin cadowga Soomaaliya aa warkeynsee waxa allaala wixii bulshada laf dhabarka u ahaa iyo dhaqaalihii ayay markan la daga...
Soomaaliya iyo Ethiopia oo siyaabo kala duwan uga falceliyey xiisadda ka taagan gobolka
WARARKA

Soomaaliya iyo Ethiopia oo siyaabo kala duwan uga falceliyey xiisadda ka taagan gobolka

Weli waxaa sii xoogeysanaya xiisadda ku xeeran muranka ka dhashay heshiiskii Badda ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia. Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo shalay kula hadlayay Muqdishu ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa khudbad dhiirrigelin ah oo uu u jeediyay ciidamada wuxuu xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan wuxuu ugu yeeray “Cadowga Somaliya ee gudaha ah iyo kan dibadda. Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia,Taye Atskeselassie, oo maanta shir Jaraa’id ku qabanayay magaalada Addis Ababab ayaa ku celiyay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ethiopia ee ahaa in Ethiopia aysan iska eegan doonin xaaladaha ka soo kordhay Gobolka, isagoo ku tilmaamay mas’uuliyiinta Soomaaliya “qaarkood” kuwo ay ka soo...
Watch: MPs accuse Abdiasis Laftagaren of treason and issue a critical demand
WARARKA

Watch: MPs accuse Abdiasis Laftagaren of treason and issue a critical demand

Some of the MPs from the South West region held a press conference tonight in Mogadishu, they spoke strongly about the social mobilization that took place on Friday in the city of Hudur in the Bakool region, where a demonstration in support of Ethiopia took place. The MPs issued a press release and made serious allegations against the President K/Galbed Abdicisis Laftagareen, suggesting that he should be held accountable for the mistake he is making in Somalia's independence. MPs from K/Galbeed said they were shocked by what happened in Hudur district which was a violation of Somalia's sovereignty, accusing Laftagareen of organizing the protest. The people who protested for Ethiopia in Hudur are under strict isolation by the Khawarij, and they are forced to do so because of the il...
Xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga,oo Muqdisho lagu qabtay
WARARKA

Xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga,oo Muqdisho lagu qabtay

30" Aug"2024 " Muqdisho " Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo uu wehliyo Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa galabta ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa lagu xusaayay taariikhda dheer iyo guulaha Turkiga ka gaaray horumarka iyo dowlad-dhisidda tan iyo markii ay noqotay jamhuuriyad. Guddoomiyaha golaha Shacabka iyo Ra'iisulwasaare ku xigeenka XFS oo khudbado ka jeediyay munaasabaddaan ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo dowladda Turkiga, Gudoomiye Shiikh Aadan Madoobe ayaa ku Ammaanay Turkiga dadaalkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo kaabayaas...