Notice: Array to string conversion in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 219
WARARKA – Page 6 – Dheeho

WARARKA

Puntland oo gacanta ku dhigtay hub culus oo dhawaan laga soon dajiyay xeebaha Gibolka Bari iyo raggii watay
WARARKA

Puntland oo gacanta ku dhigtay hub culus oo dhawaan laga soon dajiyay xeebaha Gibolka Bari iyo raggii watay

18- May-2024" Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada qaabilsan iaalinta Badda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub si sharci darro ah lagu soo gelinayey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Afar nin gaadiid iyo hub ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan magaalada Boosaas ayaa la soo qabtay, waxaana galabta loo soo bandhigay saxaafadda. Hubkaan waxaa ku jira qoryo Faal ah, AK47 iyo noocyo kale oo baceysan ayaa la soo bandhigay, ilaa hadda Puntland ma shaacin cidda loo waday hubkaas. Saraakiisha ammaanka ayaa ku gaabsaday in baaritaan uu socdo dibna ay ka soo shaaci doonaan natiijada rasmiga ah, isla markaana ay maxkamadda horgey doonaan ragga lasoo qabtay. Howlgalka lagu qabtay hubkaan wuxuu dhacay xalay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha ciid...
Daawo: War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho
WARARKA

Daawo: War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

17-May-2024- Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa la soo gebagebeeyey, waxaana laga soo saaray warbixin ku saabsan amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka cimilada. Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya dhinacyo badan oo xaalada dalka ah. Sidoo kale GWQ wuxuu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, dhameystirka Dastuurka KMG, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta, saameynta roobabka iyo qodobo kale. 2. GWQ wuxuu warbixin balaaran ...
Daawo: Xaalad Quus ah oo laga soo warinayo Inay wajahayaqn madaxda Al-Shabaab
WARARKA

Daawo: Xaalad Quus ah oo laga soo warinayo Inay wajahayaqn madaxda Al-Shabaab

17- May-2024 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab ay wajahayaan culeyskii u weynaa iyo xaalad quus ah, islamarkaana uu dagaalka socda uu gaarsiiyay inay ku fikiraan in ay iskaga baxaan dalka. Inkasta oo si madax banaan loo xaqiijin karin baaxada xaaladda quusta ah ee dowladda sheegtay, haddana waxaa marag ma doon ah in kooxda ay bilihii u dambeeyay iyo tan iyo markii uu bilowday gulufka ka dhanka ah ay wajaheyso culeys aysan weligeed arkin. La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa ku dheeraaday guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, oo qeyb ka ah guulaha ay dowladda Xasan Sheekh ku faaneyso labada sano ee tegtay. Xuseen ayaa sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka...
Itoobiya oo diiday eedeyn Mareykanku u jeediyay oo la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee
WARARKA

Itoobiya oo diiday eedeyn Mareykanku u jeediyay oo la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee

17-:May-2024 Dowladda Itoobiya ayaa diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay “mid aan la rabin” iyo “talo-xumo”. Isagoo booqanaya dhisme taariikhi ah oo dhowaan dib loo dayac-tiray oo ku yaalla caasimadda Addis Ababa Abacadii, ayaa danjire Ervin Massinga wuxuu ku baaqay “hannaan cadaalad oo hufan” si wax looga qabto warbixinnada ku saabsan dilalka aan sharciga ahayn, xarigga aan sharciga ahayn, tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale. “Cidda ay mas’uuliyadda ka saaran tahay inay maamulaan Itoobiya, dowladda halkan, waddanku wax badan ayuu ka helayaa nabadda marka loo barbar dhigo furimaha dagaalka,” ayuu yiri “In la xiro oo la dhibaateeyo...
Ciidamo La Kala Dhex Dhigey Beelo Ku Dagaalamay Sh/Dhex
WARARKA

Ciidamo La Kala Dhex Dhigey Beelo Ku Dagaalamay Sh/Dhex

17-May-2024 Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamada Daraawiish u diray gobolka Sh/Dhexe si ay u kala dhex-gala beelo ku dagaalamay tuullooyin hoostaga deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe. Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay ciidankaasi Daraawiishta ah ayaa kula dardaarmay in la sugo nabadgelyada deegaankaasi,isla markaana ay u howlgalaan ilaalinta badqabka muwaadinka.`Taliyaha waxa uu carabka ku adkeeyay in la qabto cid kasta oo u hoggaansami weyda amarkooda,lana qabto dadka nabad-diidka ah ee ku dhexjira bulshada. Ciidamadaan ayaa ku biiri doona kuwo kale oo ka howlgala deegaankaasi,kuwaas oo si wadajir ah u wajihi doona xakameynta colaad u dhaxeysa laba beel iyo sidii loo soo celin lahaa amniga halkaasi. Labo bee...
Daawo:Khudbada Raysil Wasaare Xamsa uu ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta
WARARKA

Daawo:Khudbada Raysil Wasaare Xamsa uu ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta

Maajo 16, 2024:-RaysilWasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay wareeggii 33-aad ee shirweynaha Jaamacadda Carabta ayaa weerar afka ah ku qaaday Damaca badraadinta Itoobiya Raysilwasaaraha oo ka hadlay caqabadaha ku xeeran dalalka Carabta iyo sida ay muhiim u tahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin, waxa uuna sheegay murugada ay nagu hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go’aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1791181364634476706?t=wK80UC9VBzA3B-0dF2g-Tw&s=19 Ra’iisul Wasaare Xams...
Fadhiga 3aad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo warbixin lagaga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS
WARARKA

Fadhiga 3aad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo warbixin lagaga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

16- May-2024- Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socdo xarunta Villa Soomaaliya, uuna guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin lagaga dhagaystay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalka lagu xoreeyey deegaanno badan oo ay xoog ku heysteen argagixisada manaxayaasha ah, magaalooyinkaas iyo deegaannadaas oo ka tirsan dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug. Kulankan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabd...
Golaha Wasiirrada oo loo gudbiyay warbixin xasaasi ah iyo nuqulka heshiis lala galay
WARARKA

Golaha Wasiirrada oo loo gudbiyay warbixin xasaasi ah iyo nuqulka heshiis lala galay

16-May-2024- Golaha Wasiirrada oo loo gudbiyay warbixin xasaasi ah iyo nuqulka heshiis lala galay Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Salah Jama ayaa ugu horrayn warbixinta amniga looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga. Wasiirada labada wasaaradood ayaa waxay golaha la wadaageen abaabulka iyo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii dambe uu ku yimid gaabis, kaasi oo maalmahan dhiig cusub lagu shubayo Sidoo kale golaha ayaa waxaa loo qeybiyay heshiis iskaashi dhanka difaaca ah oo u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo nuqulka heshiiska loo qeybiyay xubnaha, sida ay ogaatay warbaahinta gudaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fede...
Madaxweyne Xasan “Dowladdu waxa ay dalka ku hoggaaminaysaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah
WARARKA

Madaxweyne Xasan “Dowladdu waxa ay dalka ku hoggaaminaysaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay markale u istaagaan difaaca iyo dib u xoreynta dalkooda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh Ummadaha kale ee dunida. Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horeyn Hambalyo u diray Dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan Dhallinyarada ayaa farayaa inay u istaagaan sidii dalkan looga hirgelin lahaa dooras...
James Swan oo mar kale loo magcaabay ergeyga QM ee Soomaaliya
WARARKA

James Swan oo mar kale loo magcaabay ergeyga QM ee Soomaaliya

15-May-2024- James Swan oo mar kale loo magcaabay ergeyga QM ee Soomaaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Salaasadii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM. James Swan ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag. James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday w...