DF Soomaaliya oo soo faro-gelisay xiisadda ka taagan Ceerigaabo
Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo bayaan culus soo saartay ayaa ka hadashay xiisad horleh oo haatan kasoo cusboonaatay degmada Ceerigaabo iyo agagaarkeeda ee gobolka Sanaag, taas oo dhalisay khasaare xoog leh.
Xiisadda oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa isku rogtay dagaal shalay ka dhacay halkaas oo lagu dilay ugu yaraan illaa 5 qof.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in si dhow ay ula socoto colaadda halkaasi ka taagan, ayna aad uga xun tahay.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya XFS waxay so dhow ula socotaa xiisadda ka taagan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag iyo deegaanada ku dhow, iyadoo nasiib darro u aragta khasaaraha xanuunk...