WARARKA

Muusa Biixi oo ka hadlay amaro ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya
WARARKA

Muusa Biixi oo ka hadlay amaro ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya

26" Aug"2024 " Hargeisa "Madaxweynaha maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay qoraal dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya oo lagu farayay Ganacsatada adeegsada magaca Somaliland inay ku bedelaan Soomaaliya. Madaxweyne Biixi ayaa hadalkan jeediyey xilli uu magaalada Hargeisa ka furayey Xabsi labaad oo laga hirgeliyey duleedka magaalada.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Dil toogasho Ah ku xukuntay ..
WARARKA

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Dil toogasho Ah ku xukuntay ..

Mahad Cali Maxamuud Madoobe oo ka tirsan ciidanka deegaanka ee degmadda Deyniile, ayaa loo soo xiray inuu si bareer ah uu degmadda Daaru-salaam ugu dilay Marxuum Axmed Nuur Tooxoow, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Labaatankii bishii Afaraad ee sanadkaan 2024. Marxuumka oo heystay Bastoolad sharciyeysan ayaa isaggoo maraya laamiga Daaru-salaam, gaarina wato waxaa jidka u istaagay Eedeysane Mahad Cali Maxamuud Madoobe, kaasi oo gaariga joojiyey kuna amray inuu Bastoolada soo wareejiyo, balse Marxuumka ayaa ka diiday maadama uu bastooladda u heystay sharciga hubka ee ay bixiso Wasaaradda Amniga, intaas kadibna eedeysanaha ayaa xabado ku furay, halkaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuum Tooxoow, isla maalintii uu dilka geystay ayaana lasoo qabtay Eedeysanaha. Baaris dheer kadib Xafiisk...
Puntland oo qabatay Xubno loo malaynayo inay Daacish/Al-Shabaab yihiin iyo hub aan hore loo aqoon
WARARKA

Puntland oo qabatay Xubno loo malaynayo inay Daacish/Al-Shabaab yihiin iyo hub aan hore loo aqoon

26" Aug"2024 " Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ama Daacish, iyo hub Soomaaliya ku cusub ooy ka mid yihiin diyaaaradaha bilaa duuliyaha aad looga Isticmaalo dalka Yemen ee loo yaqaano Kamikaze oo ah nooca Is qarxiya kuwaas oo la doonayay in laga gudbiyo magaalada Gaalkacyo Xubnaha la sheegay ayaa ah ilaa todoba xubnood oo ciidamada amaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan. “Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, ka dib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Xubnaha ayaa la sheegay in qaarkood lagu qabtay dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooc...
TikToker diyaaradda Itoobiya buuq ku dhexsameeyay oo kiis argagixisanimo loo haysto
WARARKA

TikToker diyaaradda Itoobiya buuq ku dhexsameeyay oo kiis argagixisanimo loo haysto

26" Aug"2024 " BBC " Dhowr maalmood ka hor, waxaa baaritaan argagixisinimo la xiriira lagu bilaabay lix ruux oo qalalaase ka dhex abuuray diyaaradda Ethopian Ailines oo isku diyaarineysa duulimaad ay isaga kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Mekele. Inkasta oo maalinkaas ay diyaaraddu sheegtay in aysan duulimaadkeedii sameyn Karin sababo la xiriiray ceeryaamo, ayaa hadana waxaa la arkayay muuqaal la sii daayay oo ay ka dhex muuqdaan qaar ka mid ah rakaabka oo la murmaya shaqaalaha diyaaradda, iyaga oo sheegayay in aysan ka dagaynin diyaaradda. Rakaabka qaar ee saarnaa diyaaradda ayaa waxaa la maqlayay iyaga oo leh, “Ma dagayno” waxaana muuqaalka si toos ah ugu baahinayay baraha bulshada qof lagu magacaabo ‘John Daniel’ oo dad aad u badan ay ku xiran yihiin bartiis bulsho ee...
SoDMA,Oo gaadiid sida shixnad gargaar ah u dirtay magaalada Mesegawaa
WARARKA

SoDMA,Oo gaadiid sida shixnad gargaar ah u dirtay magaalada Mesegawaa

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo taageerada gargaar ee loo baahan yahay la qaatay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u soo magacowday dalkeenna Md. Wang Yu. Guddoomiyaha ayaa Safaaradda uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee ay ka qaadato dedaallada gargaarka iyo mashaariicda hormarka dalka, isagoo la wadaagay baahida xilligaan loo qabo, kaabayaal sida; bakhaarro, gaadiid iyo qalab lagu tabco calafka xoolaha oo loogu talagalay in la adeegsado xilliga jiilaalka. Danjire Wang Yu, ayaa ballan-qaaday in dhawaan Dowladda Shiinaha ay waddanka keeni doonto gargaar raashin ah, isagoo xusay inuu sii xoojin doono wada-shaqeynta iyo iskaashiga arrimaha gargaarka ee ka dhaxeeya hay’...
Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo 40 arday waxbarasho jaamacadeed oo PhD ah ugu diray dalka Uganda
WARARKA

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo 40 arday waxbarasho jaamacadeed oo PhD ah ugu diray dalka Uganda

25"Aug"2024" Arday oo fursad waxbarasho oo PhD ah uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka siiyey Jaamacadda Nabadda Qaramada Midoobay ayaa aqoon kororsi loogu diray dalka Uganda. Ardaydaan ayaa maanta diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxayna koorso aqoon kororsi ah ku soo qaadanayaan Jaamacada Makarera ee dalka Uganda. Dhamaan gobollada dalka ayey ka kala yimaadeen 40-ka arday ee aqoonyahanada ah ee ka faa’iideystay safarkaan aqoon kororsiga ah ee dalka Uganda ay ugu baxeen. Ardayda maanta baxday oo warbaahinta kula hadashay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celiyey fursadaan qaaliga ah ee uu siiyey. Aqoonyahan kasta waxa uu maanta sheegay deegaanka uu ka yimid, sida uu dareenkiisu yahay taq...
Sannad ka dib waa sidee Goojacadde iyo xaaladda Laascaanood
WARARKA

Sannad ka dib waa sidee Goojacadde iyo xaaladda Laascaanood

25"Aug"2024 Muddo sanad ah ayaa kasoo wareegtay markii ciidamada Khatumo ay la wareegeen saldhiggii Milateri ee Goojacadde ee ay fadhiyeen Ciidamada Somaliland, maalintaas oo ku beegneyd 25 August 2023 . Haddaba waxa aynu qoramadeena ku eegi doonnaa Sanad kadib maxaa iska bedelay Goojacadde iyo guud ahaan Magaalada Laas caanood. Laga soo bilaabo 25kii August 2023 markaas oo ciidamada Somaliland lagala wareegay saldhigga Goojacadde iyo gacan ku haynta magaalada Laascaanood waqtigaasoo la sheegay in magaalada inta badan 75% ay soo gaareen khasaare kaga yimid dagaalka iyadoo dadka shacabka ahina ay ka qaxeen magaalada , hasa yeeshe markii Khatumo ay la wareegtay maamulka Saldhigga Goojacadde iyo magaalada Laascaanood, waxaa isbeddel uu ku yimid guud ahaan magaalada. Feysal Jaama...
Maxay Somaliland ka tiri amarka ka soo baxay dowladda Soomaaliye ee la dul-dhigay xawaalada iyo shirkadaha ganacsiga?
WARARKA

Maxay Somaliland ka tiri amarka ka soo baxay dowladda Soomaaliye ee la dul-dhigay xawaalada iyo shirkadaha ganacsiga?

25"Aug"2024 " BBC Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka jawaabtay war qoraalla oo ka soo baxay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda Federalka Soomaaliya kaas oo amar lagu dul-dhigay shirkado ganacsi oo la faray inay ku beddelaan magaca "Somaliland” kan "Soomaaliya”. Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi u oolin Somaliland aysana waxba ka qaban karin "Waxaan u aragnaa in beryahan in dagaaladaa iyo cadaawadaa wadeen oo waraaqo qor qoreeyeen. Haddii dowdii Siyaad Barre ay magaca Soomaaliya u isticmaashay in dalka Somaliland ku burburiso kuwaan iminka oo aan itaal hayn inta ay awooddi karaan waa inay dunida iyo shirkadaha warqado u qorana intay awooddayaan ay dagaal ka ...
Wasiirka Waxbarashada oo daah-furay Imtixaanka macalimiinta
WARARKA

Wasiirka Waxbarashada oo daah-furay Imtixaanka macalimiinta

– Waxaa maanta si rasmi ah u billowday imtixaan ay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku qaadaneyso macallimiin cusub oo gaaraya illaa 3 kun oo macallimiin ah, kuwaas oo ka howlgeli doono goobaha waxbarashada ee dowladda. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka laga qaadayo 13,252 qof Macallin oo u tartamayo jagooyin ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada, kaas oo ka dhacaya gobolka Banaadir iyo dowlad gobolleedyada dalka. Wasiir faarax ayaa sheegay in tirada maclimiinta ay soo codsaday ay ahayd 26,540 markii dib loo eegay ay soo hareen 13,252, kuwaas oo maanta u fadhiistay imtixaanka, kaas oo lagu ggalaya 45-gobood oo kamid ah dalka 19-dagmo oo dowlada goboleedyada dalka iyo 14-gobood oo gobolka Banaad...
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgelaya Bandhigga Sanadlaha ee Waxqabadka Dowladda
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgelaya Bandhigga Sanadlaha ee Waxqabadka Dowladda

Mogadisho, Ogoosto 25, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay Munaasabadda sannadlaha ah ee bandhigga waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay. Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha waxa uu bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay xaqiijiso himmilooyinka dadka Soomaaliyeed ee xoreynta deegaannada ku jiray gacanta argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta maalgashiga iyo dib u habaynta dowladnimada. ”Xukuumadda DanQaran wixii ay qabatay labadii sano ee la soo dhaafay, waa sadar muuqda su’aal ka dhan, indhaheenna ayaan ku aragnay, guulaha la gaaray wadajir, wada-shaqeyn iyo midnimaa ayaa lagu gaaray”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dalka uu ku tallaa...