Daawo: Xukuumada Somalia oo caawa qabatay bandhigii ugu weynaa –
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa qabatay bandhig weyn oo ku saabsan waxqabadkeedii labadii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo ka socda magaalada Muqdisho.
Dhamaan Golaha Wasiirrada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa uu hogaaminayo ayaa isugu tegay Hotel Royal Palace oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo bandhigayo waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb gelaya bandhiggaan, waxaana wasiir kasta laga dhageysanayaa warbixintq waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa, labadii sano ee xafiiska uu joogay.
Wasaaradaha Xukuumadda ayaa soo diyaarsaday guulihii ay gaareen iyo waxqabadka u hirgalay labadii sano ee xafiiska ay joogeen.
Wasaaradda kasta waxay hoolka uu bandhiggaan ka socdo geysatay waxyaabaha ay caanka ku tahay...