WARARKA

Somalia Xanuun xoolaha u le’anayaan,ayaa looga  digay dadka
WARARKA

Somalia Xanuun xoolaha u le’anayaan,ayaa looga digay dadka

21"AUG"2024 Deegaano ka mida dhulka miyiga ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa inuu ka jiro xanuun ku dhacaya xoolaha. Xanuunkaan oo loo yaqaanno Jadeeco Madow, dadka qaarna u yaqaanaan ku Habso ayaa maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in uu kaga yimid dhanka dalka Itoobiya. Maxay yihiin calaamadaha lagu garto xanuunka Jadeeco Madow ee ay xoolaha ku dhamaanayaan? Sida uu BBC-da u sheegay Dr Suleymaan Maxamed Saalax Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Galmudug ahna Dhaqtar bartay daaweynta cudurrada ku dhaca xoolaha Calaamahadaha lagu garto waxaa ka mid ah: Qandho badan iyo tabar darro Dheecaan sanka uu neefka ka sii deynayo Afka oo neefka uu burburayo Shuban iyo neefta oo dhibeysa Dhogorta oo madoobaanesyo Maahsanaan neef...
Saraakiil milatari ee ka socda Sacuudiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho
WARARKA

Saraakiil milatari ee ka socda Sacuudiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay booqasho ku tageen qaar kamid ah xeryaha ciidanka, sida xerada General Gordan oo ah goob oo uu Imaaraadka ku tababaro ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Ujeedka booqashada ayaa ahaa mid ay ugu guurgalayeen xaaladda guud ee xerada, oo ay ku jiraan cutubyo Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale qorshaha wafdigan iyo imaantinkooda Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ah hirgelinta heshiis difaac oo ay horay u wada galeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, wuxuuna hadda doonayaa inuu sii xoojiyo iskaashiga dhinaca milatariga ah, kana qayb qaato dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sacuudiga iyo Masar ayaa hadda kusoo biiraya iskaashiga milatari ee...
Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay duleedka Muqdisho
WARARKA

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay duleedka Muqdisho

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “”Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan ka dhacay duleedka Muqdisho, waxaana mid kam...
Ganacsiga Soomaaliya ayaa maalintii sadaxaad hakad ku jira maanta oo Talaado ah ah
WARARKA

Ganacsiga Soomaaliya ayaa maalintii sadaxaad hakad ku jira maanta oo Talaado ah ah

20"Aug"2024" Bloomberg Ganacsiga Soomaaliya ayaa maalintii saxaad hakad ku jira maanta oo Talaado ah Iyadoo ganacsatadu ay ka mudaaharaadayeen canshuurta iibka, dib u habeynta muhiimka ah ee dowladda Geeska Afrika oo 100 milyan oo dollar ka heshay Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF. Canshuurta lagu daray 5% ee qiimaha leh, oo dhaqan gashay 18-kii Agoosto, ayaa laga qaadayaa badi badeecadaha iyo adeegyada, oo ay ku jiraan bangiyada. Arintan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu dib u dhiso dhaqaalaha ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka socday in ka badan sodon sano iyo mucaaradka Al-Shabaab oo ah koox argagixiso ah oo xiriir la leh Al-Qaacida. Dibadbaxan ayaa sababay in la xiro baqaarada waaweyn ee Bakaaraha oo ah suuq...
Daawo : Reysilwasaare Xamsa oo Soo Xiray Shirweynaha Madasha Magan ee Muqdisho  
WARARKA

Daawo : Reysilwasaare Xamsa oo Soo Xiray Shirweynaha Madasha Magan ee Muqdisho  

20" Aig" 204-25 Shirka Madasha Magan Forum oo ka socda Muqdisho.kulankaan, ayaa ah mid lagu soo bandhiggi doono sida ay iskaga kaashan lahaayeen,Ganacsatada iyo Dowladda in la hormariyo hormarinta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige “Canshuur bixintu waxay door ka qaadataa iskaashiga dowladda iyo Ganasatada si loo gaaro hormar guud,Qiimo Jabanna loogu helo Korontada, Caafimaadka iyo Waxbarashada” Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxmuud cabdikarin Gabeyre “Waa in Iskaashigaan dhaqaalaha ka yimaada lagu dhisaa Goobaha Danta guud sida Waxbarshada, Caafimadka iyo Warshadaha dalka.” Bulashada horumarka qeyb waa inay ka noqotaa, dalkasto dadkooda ayaa dhistaan,Marka Soomaaliya dadkeeda ayay sugaysaa inay hormariyaan,Oo ay tusaan adduunka sida ay iskugu filan yih...
Puntland oo ka jawaabtay lacagta lixda malyan ee la sheegay inay ka qaadatay dowladda Federaalka
WARARKA

Puntland oo ka jawaabtay lacagta lixda malyan ee la sheegay inay ka qaadatay dowladda Federaalka

20"Aug"2024" BBC Mamaamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ah inay lacag ka badan $6 Milyan oo dollar ka qaadatay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa sheegay in lacagtan uu "madaxweyne Saciid Deni dalbaday in iyadoo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada maamulka Puntland". “Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawladda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayuu wasiir Xaange ku yiri qoraal uu soo saaray. Hase yeeshee waxaa hadalka wasiirka gaashaanka u daruuray wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid dirir oo yiri: Been haddii aad sheegeyso wax u ...
Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb
WARARKA

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay deegaanka Bidhaan Dheer oo  dhow caasimada Dhuusamareeb, waxaana uu socday muddo ka badan saacad. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran dhul ku yaalla halkaas oo ay isku haystaan labada beelood ee dagaalamay. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah, waxaana kamid ah nabadoon Cabdiweli Daahir Tooxow oo dhintay, isaga oo dadaallo dhex-dhexaadin ah ka waday halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta lagu dagaalamay ciidamo dheeraad u dirta...
Somalia refuses talks with Ethiopia until sovereignty recognized
WARARKA, WORLD

Somalia refuses talks with Ethiopia until sovereignty recognized

Monday August 19, 2024 " Hiiraan Online We will not negotiate with Ethiopia on any issue until it recognizes our full sovereignty," Somalian President Sheikh Mohamud said after a round of negotiations between the two nations. Somalia refuses to negotiate with Ethiopia until it recognizes it as an independent and sovereign state, Somalian President Hassan Sheikh Mohamud said on Saturday. "We will not negotiate with Ethiopia on any issue until it recognizes our full sovereignty," Sheikh Mohamud said during a press conference, the SONNA news agency reported. Sheikh Mohamud stressed that Addis Ababa's non-recognition of Somalian sovereignty led to the "recent breakdown of negotiations" in Ankara. The leader's statements came amid the second round of negotiations between the two cou...