Busbuska oo lagu arkay dalal deris la ah Somalia
Ka dib xanuunka ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ee Busbuska, ayaa la sheegayaa in xanuunkaasi uu si weyn ugu faafay meelo badan oo bariga iyo badhtamaha Afrika ah.
Meelaha lagu arkay xanuunkaas waxaa ka mida dalalka Uganda iyo Kenya oo Soomaaliya la deris ah, kuwaas oo dadkoodu ay si weyn isu dhex socdaan.
Busbuska MPOX ayaa u talaabay 13 dal oo African ah ooy ku jiraan wadamada Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda sida uu shir jaraa'id ku sheegay Agaasimaha Guud ee heyadda WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus
Furuqan oo loo aaneeyo in uu ka yimid Ragga isu galmooda ayaa ku qasbay WHO in Markii labaad ay ku dhawaaqdo tan iyo 2022_dii in mpox uu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah iyadoo fayrasku si degdeg ah ugu faafayo qaaradda Afrika xili ay jirto walaaca isi soo tar...